Qaababka Cabitaanka Basasha Loogu Daweeyo Timo Daadashada

Bixitaanka timaha waqti ayay qaadataa waxayna u baahan tahay dulqaad. Balse isticmaalka waxyaabaha dabiiciga ah ee dhiirrageliya dhakhso u koridda tinta sida cabbitaanka basasha waxayna caawin karaan in timuhu si dhakhso ah ay u baxaan. 
 
Cabitaankani waa dawo-guri loo adeegsado la dagaallanka timo daadashada iyo kobcinta koritaanka timaha. Sida oo kale cabitaanka basashu waxuu ka hortagaa cirrada soo degdegta, wuxuuna daweeyaa agoolka ama toxobta.

Sidee cabitaanka basashu u caawiyaa koritaanka timaha?

  • Maadada “sulfur” ee ku jirta basasha waxay caawisaa nafaqaynta jiridka timaha, waxay dib u noolaysaa jirirdka. Sida oo kale, maadadani waxay yareysaa khafiifida iyo burburka tinta.
  • Walxaha antioxidants-ka ah ee cabitaanka basashu uu hodanka ku yahay waxay ka hortaggaan cirrada timaha.
  • Cabitaankani waxa uu hodan ku yahay lidka bakteeriyada, sidaas darteed, waxa uu ilaaliyaa caafimaadka basada, waxaa uu ka hortagaa infekshannada waxaana uu xakameeyaa agoolka. Waxaa la aaminsan yahay in cabitaanka basashu uu daweeyo hurka, qalleylka iyo cuncunka basada.
  • Cabitaanka basashu waxa uu ka shaqeysiiyaa basada, waxa uu kobciyaa wareegga dhiigga ee basada, waana uu nafaqeeyaa.

Sida loo diyaariyo:

  • Diirka ka fiiq basasha, kadiba afar jab u kala jar. 
  • Ku shiid mashiinka juuska. 
  • Ku dar biyo yar, kadib kala miir adigoo isticmaalaya maro.

1. Cabitaanka basasha iyo timaha:

Waxaa loo baahan yahay:

  • Hal qaado oo biyaha basasha ah 
  • Cudbi

Sida loo isticmaalo:

  • Cudbiga ku qooy cabitaanka basasha kadibna mari basada. 
  • Marka biyaha basashu ay basada oo dhan wada gaaraan, ku daliig basada adigoo farahaaga adeegsanaya. 
  • U daa muddo 15 daqiiqo illaa 1 saac ah 
  • Ku mayr timaha shaambo khafiif ah ama organic ah.

Inta jeer ee la isticmaali karo

Maalin kasta ayaad habkaan samayn kartaa.

2. Cabitaanka basasha + dareeraha dacarta + saliid saytuun.

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 qaado (malqacad) oo biyaha basasha ah 
  • 1 qaado dareeraha dacarta 
  • Nus qaado saliid saytuun ah.

Habka isticmaalka:

  • Isku wada qas alaabtan 
  • Mari basada 
  • U daa 15 illaa 20 daqiiqo 
  • Shaambo khafiif ah ama dabiici ah kaga mayr

Inta jeer ee la isticmaali karo:

Waxaa la isticmaali karaa 2 ama 3 goor asbuucii.

Faa’idooyinkiisa:

Dacartu waxay jilcisaa tinta waxayna ka ilaalisaa go’idda, fitamiin C waxaa uu la dagaallamaa bakteeriyada basada, waxaana uu kaxeeyaa agoolka. Saliid saytuunta waxay tinta siisaa qoyaan iyo dhalaal. Sida oo kale, saliidani waxa caawiyaa in timuhu ay dib u soo baxaan, waxayma kor u qaadaa caafimaadka basada.

3. Saliid qumbe + cabitaanka basasha

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 qaado oo biyaha basasha ah 
  • 2 qaado saliid qumbe ah

Habka isticmaalka:

  • Isku qas labadaan shey illaa ay ka noqonayaan cajiin jilicsan. 
    Mari isku-darkan basada adigoo ku daliigaya muddo dhowr daqiiqo ah.
  • U daa 30 daqiiqo kadib shaambo khafiif ah kaga mayr.

Inta jeer ee la isticmaali:

Maalin kasta ayaad isticmaali kartaa.

Faaidooyinkiisa:

Saliida qumbaha waxay caawisaa in timuhu ay si fiican u baxaan waxayna leedahay lidka bakteeriyada. Isku-darkani waxa uu nafaqeeyaa basada.

4. Cabitaanka basasha + saliid castor

Waxaa loo baahan yahay:

  • 2 oo saliida castor ah (castor oil) 
  • 2 qaado oo cabitaanka basasha ah.

Habka isticmaalka:

  • Isku qas saliida castor iyo cabitaanka basasha kadibna si tartiib ah ugu daliig madaxa. 
  • U daa muddo 1 saac ah. 
  • Kaga mayr shaambi khafiif ah.

Inta jeer ee la isticmaali karo:

Samee habkan 3 goor asbuucii.

Faaidooyinkiisa:

Saliida castor waxay kobcisaa bixitaanka timaha iyadoo ka ilaalisa daadashada si la mid ah cabitaanka basasha. Hadaba marka labadaan shey la isku daro waxay labo jibbaaraysaa faaidada ah koritaanka timaha iyo kobcinta caafimaadkooda.

5. Cabitaanka basasha + cabitaanka liin dhanaanta

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 qaado biyaha basasha ah 
  • 1 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah

Qaabka isticmaalka:

  • Isku qas labadaan shey 
  • Si tartiib ah basada u mari 
  • U daa muddo nus saac ah kadibna shaambo khafiif ah kaga mayr.

Imisa jeer?

Isticmaal mask-haan 2 illaa 3 jeer asbuucii.

Faaidooyinkiisa:

Fitamiin C-ga ku jira liin dhanaanta waxa uu caawiyaa soo saarista barootiinta “collagen”. Sida oo kale waxa uu dheellitiraa heerka pH ta, waxa uu xoojiyaa jiridka tinta, waxa uu ka hortagaa infekshannada basada waxaana uu caawiyaa in timuhu ay si fiican u baxaan.

Digniin: Cabitaanka basashu waa dawo-guri dabiici ah oo loo adeegsado bixitaanka timaha. Waxa uu caawiyaa inay dheeraadaan, waxaana uu siiya nafaqo iyo caafimaad. Balse haddii aad xasaasiyad ku qabto qabto cabitaanka basasha, ka dheerow isticmaalkiisa maadaama uu keeni karo cuncun iyo in jirku uu gaduuto.  

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *