Faaidooyinka Caanaha Geela Iyo Cudurrada Ay Jirka Ka Difaacaan

Waxaan qoraalkan uga hadlaynaa faaidooyinka caanaha geela iyo cudurrada looga hortago, haddii aadan caanaha geela cabin ogoow in ay kaa maqan tahay faa’idooyin aan la soo koobi karin, waxayna kugu tahay ceeb sababtoo ah geela ugu badan dunida ee la dhaqdo waxaa laga helaa dhulkaaga.

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka badan marka laga soo tago caanaha hooyada.

Caanaha geelu waa kuwo nafaqo badan oo lagu noolaan karo kaliigood, waxaa ku jiro inta badan nafaqadii u jirku u baahnaa. waxa ay geli karaan beddelka cuntada iyo cabitaannada.

Caanaha geelu waxa ay hodan ku yihiin fitamiin B3, fitamiin C, xadiid, calcium, potassium, copper, magnesium iyo zinc, waxaa kaloo ka buuxa barootiin badan iyo maadooyinka sun-saarista. waxaa ku yar sonkorta “lactose” marka la barbardhigo noocyada kale ee caanaha xoolaha, taas oo fududeynaysa in dadka qaba cillada u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance) ay calooshoodu shiido.

faaidooyinka caanaha geela:

Ka hortagga dhiig yarida:

Caanaha geela waxaa ka buuxo xadiid (iron) oo ah nafaqo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo helidda dhiig caafimaad leh. Marka ay dumarku umulaan, waxay lumiyaan dhiig badan iyo nafaqooyin, sidaas darteed waxaa lagula dardaarmaa inay cabbaan caanaha geela.

Dawaynta sonkorowga:

Caanaha geelu waxa ay caawiyaan dheelitirka insulin-ta waxayna ku ilaaliyaan in heerkeeda dabiiciga ah aysan dhaafin. Tani waxa ay dhigan tahay in caanaha geelu ay xal dabiici u noqon karaan cudurka sonkorowga. Cabbista caanaha geela oo la joogteeyo waxa ay caawinaysaa in laga hortago cudurka sonkorowga.

Kobcinta Koriimada:

Waxaa caanaha geela ku badan barootiinno, kuwaas oo qaarkood aan laga helin caanaha ariga iyo kuwa lo’oda. Barootiinnadani waxa ay dhiirrageliyaan koriimada iyo koboca lafaha iyo habdhiska unugyada. Barootiintu waa dhagaxa aas-aaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha, muruqyada iyo carjawaha, waxayna si weyn u xoojisaa caafimaadka guud.

Caafimaadka lafaha iyo dedejinta kabniinka

Barootiinnada ay hodanka ku yihiin caanaha geelu waxa ay kobciyaan difaaca jirka gaar ahaan kuwa u qaabilsan bogsashada dhaawacyada iyo jabniinka lafaha. Macdanta kalsiyaam iyo fitamiinnada ku jira caanaha geela waxa ay muhiim u yihiin kabniinka lafaha, cabbista caanaha geela waxa ay adkeysaa lafaha, qofka joogteeyana lafihiisu si fudud uma jabaan.

Dawaynta cillada awtisimka:

Awtisim waa cillad naafonimo garaadka ah taas oo curyaamisa awooda maskaxda caruurta. Caruurta qaba cilladaan waxay ka naafoobaan maskaxda ayagoo ay ku adag tahay inay hadlaan ama bulshada ay ku dhex noolyihiin la xiriiraan. Sida lagu arkay daraasaad badan, caanaha geela oo si joogto ah loo siiyo caruurta waxa ay hoos u dhigtaa astaamaha cillada awtisimka.

Akhriso: Astaamaha Ilmaha Qaba Cillada Awtisimka (Autism) Iyo Asbaabaha Keeno

Xoojinta difaaca jirka:

Barootiinnada iyo walxaha kale ee dabiiciga ee laga helo caanaha geela waxa ay awood siiyaan difaaca jirka, waxayna la dagaallamaan infekshannada.

Ka hortagga calaamadaha duqnimada:

Caanaha geella waxaa ku jirto maaddo la yiraahdo “alpha-hydroxyl acid” taas oo caawisa dib u dhigista astaamaha gabowga sida in maqaarku uu yeesho laalaab.

Miisaan dhimista:

Caanahaha geela waxaa ku yar dufanka iyo kalooriska marka loo barbardhigo kuwa lo,da waxaa ku jiro fitamiinno iyo macdano jirka sunta ka nadiifiyo taas oo qayb qaadanaysa miisaan ridista.

Digniin:

Caanaha Geela waxaa mararka qaar waxaa laga qaadaa jeermisyo halis ah oo caafimaadka ama noloshaba khatar gelin kara, taas waxaa sabab u ah dadka geela lisa badankood oo aan nadaafadda ku dadaalin, gacmahana iska dhaqin, sida oo kale weelasha lagu liso oo aan nadiif ahayn, waxaa intaa sii dheer geela waxaa la mariyaa sun si cayayaanka iyo cudurradaba looga daweeyo, taas oo si sahlan caanaha ugu gudubta, intaas oo halis ah iyadoo ay jirto haddana caanaha geela lama karkariyo oo sidooda ayaa lagu cabaa, markuu qofka ku xanuunsadana horay dhakhtar kama tago illaa uu ka fuuq baxo iyadoo loo malaynayo shubankii lagu yaqiinay caanaha geela..!!

Si dhibkaas oo idil looga badbaado, maxaa diiday in caanaha Geela aan iska karkarinno?! maxay kula tahay adiga?

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *