Astaamaha Ilmaha Qaba Cillada Awtisimka (Autism) Iyo Sida Loo Dabiibo

Awtisim waa cillad naafonimo maskaxeed ah taasoo curyaamisa awooda maskaxda caruurta. Caruurta ay hayso cilladaan waxay ka naafoobaan maskaxda ayagoo ay ku adag tahay inay hadlaan ama bulshada ay ku dhex noolyihiin la xidhiidhaan. Sidoo kale waxay cilladaan caruurta kadhigtaa kuwa aan xiiso u hayn shaqooyinka caadigaa ee caruurta qabato ama waxyaalaha caruuruta kale ku ciyaaraan, sidaa daraadeed cilladani waa mid ilmaha ka dhigta qof dhoohan oo aan dhinac bulsho iyo dhinac shaqaba waxba ka qaban karin

Astaamaha lagu garto ilmaha qaba cillada awtisimka

Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah;

  • Hadii loogu yeero magacooda kama fal celin karaan
  • Lama ciyaaraan caruurta kale, mar walba kali ayay jecel yihiin
  • Si toos ah uma fiirin karaan dadka kale  indhahooda
  • Ma isticmaali karaan tilmaamaha wajiga laga isticmaalo sida iljabinta
  • Hadalka oo kasoo daaha ama maba hadlaan qaarkood
  • Ma sheekayn karaan
  • Qaab khaldan ayay hadalada iskugu aadiyaan
  • Fahamka aad ayuu ugu adag yahay
  • Qaab khlaldan ayay usoo dhex galaan hawlaha dadku ay wataan, tusaale ahaan qaab dagaal ah ayay badanaa kusoo galaan
  • Waxay badanaa cunaan cuntooyin gaar ah
  • Waxay dhibsan karaan iftiinka iyo jabaqda
  • Waxay samayn karaan ficilo waxyeelo u keeni kara sida, inay madaxa ruxaan waqti dheer ama inay gacmaha iska tuur tuuraan

Calaamadaha aan kor kusoo sheegnay way ku kala duwaan karaan caruurta, sidoo kale way ku kala khatar sanaan karaan.

Maxaa sababa cillada awtisimka?

Lama yaqaano hal shay oo si gaar ah u sabbaba cillada awtisimka. Laakin waxaa jira qodobo badan oo saamayn wayn ku leh imaanshaha cudurkaan. Waxaana kamid ah;

  • Dhibaatooyinka ka dhasha cudurada la iska dhaxlo, hadii waalidka ilmaha dhalay ay qabeen cudurkaan ama cuduro kale oo xaga dhimirka ah waxaa dhici karta in ilmahoodu ku dhasho cilladaan.
  • Dhibaatooyinka ka yimaada deegaanka oo xumaada, baarayaasha caafimaadku waxay ilaa hada baarayaan in cilladaan ay sababi karaan infekshanada fayrusyadu keenaan, dhibaatooyinka kayimaada uurka ama dikhowga hawada.

Nasiib wanaag waxaa la xaqiijiyay inaan wax xidhiidh ah ka dhaxayn tallaalka iyo cillada Awtisimka.

Yaa halis ugu jira cillada awtisimka?

Cilladaan waxay ku dhici karataa dhamaan caruurta aduunka ayadoo aan la fiirinayn midabka iyo qolada ay yihiin.

  • Wiilasha ayaa ah badanaa kuwa u nugul cilladaan marka la bar bar dhigo gabdhaha
  • Hadii reerku dhaxal u lahaa cilladaan waxay sidoo kale khatar ugu jiraan inay ilmahooda ku dhacdo
  • Caruurta qabta cudurada kale ee maskaxda waxay khatar ugu jiraan inay cilladaan ku dhacdo
  • Caruurta dhalata kahor waqtiga saxda ah waxay sidoo kale khatar ugu jiraan inay cilladaan asiibto
  • Waxaa sidoo kale jiri kara xidhiidh ka dhaxeeya waalidiinta ku dhala ilmaha ayagoo da’ahaan waynaaday iyo cillada awtisimka

Kahor taga iyo talo soojeedinta ku saabsan cillada awtisimka

Haba yaraatee majirto qaab loog hortagi karo cillada awtisimka balse waa cillad la dawayn karo mararka qaarkood. Caruurta qabta cilladaan hadii la daweeyo waxay awoodi karaan inay hadlaan, wax fahmaan, dadkana sifiican ula sheekaystaan.

Hadii ilmahaaga laga helo cillada awtisimka la tasho khuburuda ku takhasusay cudurada dhimirka, kalana tasho sida ugu haboon ee aad ula tacaali kartaan cillada haysa ilmahaaga.

Ka fogoow inaad jirdil ama garaacis ku samaysid ilmaha qaba cilladaan, ogoow garaacistu inay wax u dhinto dhimirka qofka sidaa daraadeed ha u gaysan waxyeelo kale qof a walba dhibane ahaa.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *