Sababaha Ay Muhiimka U Tahay In La Joogteeyo Cunista Kalluunka Iyo Noocyada Ugu Fiican

faaidada kalluunka, malaayga, kaluunka,

Kalluunka waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu caafimaadka badan waxaa ka buuxo nafaqooyin aasaasi u ah caafimaadka sida barootiin, fitamiin D, calcium, phosphorous, iron, zinc, iodine, magnesium iyo potassium.

Waxa ay dhakhtaatiirtu ku taliyaan in lagu dedaalo cunista cunto isku dheellitiran taas oo ay qayb ka tahay cunista kalluunka ugu yaraan saddex jeer asbuucii maadaama laga helo fitamiinno , macdano iyo dufanka Omega3.

Faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka:

Ka hortagga cudurka alzhemeirs:

Cunista kalluunka waxay kobcisaa xusuusta maskaxda waxayna ka hortagtaa cudurrada xusuusta baabi’iya. Daraasad lagu sameeyay dalka Maraykanka sannadkii 2016-kii waxaa la ogaaday in cunista kalluunka oo la joogteeyo oo kobciso qeyb ka mid ah maskaxda oo loo yaqaano “Grey matter”, taas oo ka hortagta hoos u dhaca degdegga ah ee unugyada maskaxda iyo in shaqada maskaxda ay oo hoos u dhacdo xilliga waayeelnimada, sidaas darteed kalluunku waxa ka hortagaa cudurka xusuusta burburiya ee loo yaqaanno “alzhemiers disease”

Dhisida murqaha:

Si aad murqahaaga u dhisto waxa aad u baahan tahay jimicsi joogto ah iyo barootiin kugu filan, kalluunkuna waa il muhiim ah oo laga helo barootiinka. Sidoo kale fitamiin D ku filan oo jirku helaa waxa ay caawisaa hab-sami u shaqaynta muruqyada kalluunkuna gaar ahaan noocyadiisa salmon iyo mackerel waa mid ka mid ah ilaha laga helo fitamiinkan.

Xoojinta Lafaha:

Kalluunku waa il fiican oo laga helo fitamiin D. Cilmi baarisyo caafimaad ayaa xaqiijiyey in Fitamiin D uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro xoojinta lafaha. Faytamiin D waxa uu lafaha ka caawiyaa in ay si fiican u nuugaan Kalshiyaamta kadibna ay kaydsadaan, taas oo kordhisa awooddooda.

Caafimaadka maskaxda:

Kalluunka dufanka leh waxaa laga helaa dufanka Omega3 oo aasaasi u ah caafimaadka jirka iyo maskaxda. Noocyada kalluunka ee qaniga Omega3 waxaa ka mid ah salmon, sardines, mackerel iyo anchovies.

Caafimaadka wadnaha:

Kalluunka noocyadiisa ay ka mid yihiin salmon-ka, tuunaha, mackerel iyo sardiinigu waxa ay hodan ku yihiin asiidhada duxda leh ee Omega3 oo lagama maarmaan u ah caafimaadka wadnaha. Kalluunku wuxuu yareeyaa halista wadne qabadka iyo faaligga, waana labada cudur ee ugu badan ee dunida loogu dhinto. Waxaa kaloo dufanka Omega3 uu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka xun LDL jirka.

Daawaynta niyad jabka:

Cunista kalluunka oo la joogteeyo waxay caawisaa kobcinta heerka hormoonka serotonin ee maskaxda, kaas oo yareeyaa astaamaha niyad jabka. Kalluunka waxaa lagula dagaallamaa niyad jabka maadaamaa uu yareeyo dheecaannada ay maskaxda soo deyso ee qaabilsan niyad jabka iyo murugada.

Difaaca jirka:

Kalluunka iyo guud ahaan cuntooyinka kala duwan ee baddu waa ay hodan ku yihiin maadadda zinc oo lagama maarmaan u ah samaysanka unugyada difaaca jirka.

Ka hortagga kansarka:

Cunista kalluunka oo la joogteeyo waxa ay hoos u dhigtaa halista kansarrada ku dhaca malawadka, afka, hunguriga iyo xameetida.

Ka hortagga xanuunka difaaca jirka ee khalkhalsan (autoimmune diseases):

Kalluunku waxa uu ka hortagaa xanuunnada ka dhasha difaaca jirka ee khalkhalsan sida sonkorowga nooca 2-aad. Fitamiin D-ga laga helo kalluunka waxa uu caawiyaa difaaca jirka iyo burburinta sonkorta dhiigga.

Ka hortagga isbedellada niyadda ee xilliga caada ka hor (PMs):

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba xanuunka xiliga caadada. Dumarka xaaladaan la kulma waxay lagula taliyaa inay ku dedaalaan cunista kalluunka.

Aragga indhaha:

Dufanka Omega3 ee laga helo kalluunka waxaa kor u qaadaa caafimaadka indhaha, waxa uu nafaqeeyaa murqaha iyo neerfeyaasha indhaha. Cunista Kalluunku waxay wanaajisaa awoodda aragga indhaha waxayna ka yaraysaa khatarta xanuunnada indhaha ku dhaco.

Kobcinta tayada hurdada:

Joogtaynta cunista kalluunka waxay kobcisaa nidaaminta wareegga hurdada. Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cunista kalluunku ay wanaajiso tayada hurdada sababtuna waa fitamiin D uu kalluunku hodanka ku yahay kaas oo qofka ka caawiyo inuu hurdo fiican helo.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *