Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Digirta Iyo Cilladaha Ay La Dagaallanto

Digirta waa cunno nafaqo ahaan hodan ah haddana la woodi karo. Asal ahaan waxa ay ka soo jeedaa Dalka Peru.

Digirtu waxay ka mid ahaan jirtay cunnooyinka ay aad soomaalida ugu dadaalaan gaar ahaan xilliga cashada, caafimaad badanna way ka heli jireen, laakiin waxaad mooddaa inuu isticmaalkeedu ku sii yaraanayo magaalooyinka, inkastoo waalidka uu badanaa ogyahay faa’idadeeda laakiin digir nacaybka waxay badanaa ka timaadaa caruurta iyo dhalinyarada, waxaana jira dad badan oo aaminsan in cunista digirtu aanan ilbaxnimada ka mid ahayn, waana sababta keenaysa in aan lagu darin liiska cunnooyinka laga dalbado maqaayadaha maadaama dalabkeedu uu yaryahay.
Haddaba Daryeel Magazine waxaa uu halkaan ku bidhaaminayaa qiimaha nafaqo iyo caafimaad ee digirta si bulshadu ay ugu baraarugto.

Barootiin:

Cunista digirta waa looga maarmi karaa hilibka sababtoo ah waxaa ku badan barootiinta. Halkii koob oo digir ah waxaa laga helaa 15 mg barootiin ah.

Caafimaadka wadnaha:

Caafimaad ahaan waxaa la ogaaday in digirtu ay u roontahay caafimaadka wadnaha, waxay isu dheellitirtaa kolestaroolka xun iyo kolestaroolka wanaagsan, waxayna hoos u dhigta halista wadne-qabadka, dhan-qallalka iyo cilladaha kale ee wadnaha ku dhaca.

ka hortagga kansarka:

Digirta waxaa ku jirta maado la dhaho “polyphenols” oo ah sunsaare awood leh iyo maadooyinka liddiga ku ah hurka kuwaas oo hoos dhiga halista kansarka. Waxaa cilmi baadhis lagu arkay in digirtu ay ka hortagto kansarka ku dhaca mindhicirrada.

Ka hortagga cudurka beerka subagowga:

Maadooyinka ganka iyo faytamiin E ee laga helo digirta waxa ay kobciyaan caafimaadka beerka waxayna yareyaan halista cudurka beer xaydhoobista.

Lafaha iyo ilkaha:

Digirta waxa ay adkeysaa lafaha iyo ilkaha waxayna xoojisaa caafimaadkooda maadaama ay xambaarsan tahay nafaqooyinka ay u baahan yihiin.

Caafimaadka uurka:

Digirta waxaa ku jira maadada “folic acid” oo ah nafaqo ay u baahan yihiin hooyooyinka uurka leh, taas oo caawisa korriimada uurjiifka, kana hortagta inuu cillad ku dhasho haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato sidaas awgeed hooyooyinka uurka leh waxaa lagula taliyaa inay ku dadaalaan cunista digirta.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Digirta waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista oo maqaarka kala dagaallama calaamadaha gabowga iyo finanka. Dhinaca kale, digirtu ay qani ku tahay xadiid, zinc iyo barootiin waxa ay nafaqaysaa timaha, waxayna ka hortagtaa timo daadashada iyo in timuhu ay khafiif noqdaan.

Xoojinta xasuusta:

Digirta waxaa ku jira faytamiin B1, kaas oo hagaajiya shaqada maskaxda, xasuustana kobciya. Waxaa kale oo uu faytamiin B yareeyaa halista xanuunada xasuusta lumiya sida “dhimeenshiya” iyo “Alzheimer”.

Ka hortagga dhiig karka:

Digirtu waxa ay caawisaa ka hortagga dhiig karka, waxaa ku jira magnesium, potassium, barootiin iyo ganka loo yaqaanno “dietary fiber”. Dhammaan nafaqooyinkani waxa ay ku ilaaliyaan cadaadiska dhiigga in aanu dhaafin heerkiisa dabiiciga ah. Waxa intaas dheer, maadooyinka “magnesium” iyo “potassium”, waxa ay waasiciyaan xidada dhiigga khaasattan marka uu kaco.

Cudurka sonkorowga:

Digirta waxaa ku jirta maado la dhaho “starch” taas oo kontaroosha heerka sonkorta dhiigga, sidaas awgeed waxay uroon tahay dadka qaba sonkorowga.

Dhiig yarida:

Xanuunka dhiigyarida waxa uu leeyahay noocyo kala duwan, laakiin kiisa ugu badan waxa uu ka dhashaa yaraanta macdanta xadiidka. Digirta waxaa ka buuxa xadiid qofka joogteeyana isma arkaan dhiigyarida.

Wanaajinta cunno shiidista iyo caafimaadka caloosha:

Digirta waxaa ka buuxa ganka loo yaqaanno “dietary fiber”, waxa ay wanaajisaa dheefshiidka iyo shaqada caloosha iyo mindhicirrada, waxayna ka hortagtaa calool istaagga taas oo yaraysa halista baabasiirka oo ah cudur ku badan bulshada Soomaaliyeed.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *