Qiimaha Caafimaad Ee Midhaha Sabiibka & Xanuunada Uu Jidhka Ka Caabbiyo

Sabiibku waa midhaha geedka cinabka oo la qallajiyay, waxa uu yeeshaa mid dahabi ah ama midab madow ah. Sabiibka waxaa laga helaa nafaqooyin kala duwan sida barootiin, faytamiinno, macdano iyo gan.

Sabiibku waa midho jidhka u leh faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, hadaba qormadan waxaan ku bidhaaminaynaa qaar ka mid ah faaidooyinkaas.

Caafimaadka wadnaha:

Sida ay cilmi baadhisuhu tilmaamayaan, sabiibku waxa uu yareeyn karaa khatarta cudurrada wadnaha, isaga oo yareeya caadiska dhiigga iyo sonkorta dhiigga. Ganka ku jira sabiibka wuxuu hoos u dhigaa dufanka kolestaroolka kaas oo halis ku ah xididada wadnaha.

Xakamaynta Sonkorta

Midhaha sabiibka waxaa la aaminsan yahay inay u wanaagsan yihiin dadka qaba xanuunka sonkorowga nooca 2-aad. Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in midhaha sabiibka oo la cuno cunnada kadib ay 23% hoos u dhigto heerka sonkorta dhiigga.

Caafimaadka caloosha:

Sabiibku waa il hodan ku ah ganka milma kaas oo caawiya cunno shiidista, islamarkaana yareeya cilladaha caloosha. Sida oo kale, sabiibka waxaa laga helaa aashitada “tartic”, sida ay daraasaadku tilmaamayaan, maadadani waxa ay leedahay awood lur bi’iye, waxa ay wanaajisaa shaqada mindhicirrada, waxayna caawisaa dheellitirka bakteeriyada caloosha. Daraasad la sameeyay waxa kale oo lagu arkay in sabiibku uu yareeyo halista kansarka ku dhaca malawadka.

Caafimaadka afka:

Sabiibka waxaa ku jira maadooyin loo yaqaanno “oleanolic” iyo “linoleic acid”, kuwaas oo yareeya bakteeriyada afka ee keenta huurada, waxay kaloo maadooyinkani ay ka hortagaan bololka ilkaha.

Ka hortagga dhiig yarida:

Midhaha sabiibka waxaa laga helaa macdanta xadiidka taas oo jidhka ka caawisa in uu sameeyo borootiinta loo yaqaanno “haemoglobin”, oo ah borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jidhka u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen”. Cunista sabiibku waxa ay ka hortagtaa xanuunka dhiig yarida nooca ka dhasha yaraanta macdanta xadiidka.

Caafimaadka indhaha:

Midhaha sabiibka waxaa ku jirta maado la yidhaaho “polyphenol” oo ah sunsaare taas oo indhaha ka ilaalisa dhawaca waxa loo yaqaanno “free radicals”. Tani waxa ay yareysa halista cilladaha aragga lumiya sida caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration.

Doonista jinsiga:

Sabiibka waxaa lagu yaqaannaa inuu kordhiyo hammiga iyo doonista jinsiga, wuxuu kaloo kordhiyaa xawaaraha shahwada.

Caafimaadka maqaarka:

Sabiibka waa ku jira sunsaareyaal kala duwan iyo nafaqooyin ay ka mid yihiin  Zinc iyo faytamiin C kuwaas daahiya soo shaac bixidda calaamadaha duqnimada. Waxa kaloo midhahaan ku jirta maado lagu magacaabo “resveratrol” taas oo ilaalisa caafimaadka maqaarka.

Ka hortagga lafo-beelka:

Sabiibka waxaa ku jira macdanta kaalsiyam taas oo muhiim u ah caafimaad qabka iyo quwadaysiga lafaha iyo ilkaha. Haweenka dhalmo-deyska ah waxaa lagula dardaarmaa in ay cunaan midhaha sabiibka si ay uga hortagaan lafo-beelka.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *