Timo Daadashada (Alopecia): Noocyadeeda & Asbaabaha Keeno

timo daadashada, bidaarta, timaha daata,

Timuhu waxay ka sameysan yihiin nooc borotiin ah oo loo yaqaan keratin kaasoo laga soo daayo daldalooda yar yar ee timuhu kasoo baxaan. Marka daldalooladan yaryar ay soo saaraan unugyo cusub oo timo ah, kuwii hore banaanka ayaa loo saarayaa si kuwa cusub boos loogu helo.

Madaxa qofka wayn  wuxuu leeyahay ugu yaraan 100,000-150,000 waxaana maalin kasta dhunta ilaa 100 kamid ah timahaas. Koritaanka timaha ee qofku wuxuu lee yahay isbadal joogto ah oo kuxidhan da’da qofka, xanuun, iyo qodobo kale.

Noocyada isbdalka timaha

  • Anagen: waa nooc timuhu si firfircooni ah u korayaan wuxuuna koriinkaas soconayaa 2-6 sano
  • Catagena: koriin kumeel gaar ah oo soconayaa 2-3 isbuuc
  • Telogen: waa nooc nasasho ah oo wax isbdal ah dhacayn balse dhamaadka noocaan dhamaan timihii hore waxaa badalaya kuwo cusub.

Noocyada timo daadashada

  • Involutional alopecia: Xaalad dabiici ah taasoo timuhu si tartiib ah u khafiifayaan marka dadku duqoobaan. Heerka koritaanka timaha ayaa yaraanaya timaha madaxa ku yaalana way yaraanayaan wayna gaagaabanayaan.
  • Androgenic Alopecia: Xaalad la iska dhaxli karo taasoo ragga iyo dumarkaba ku dhacda. Xaalada noocan oo kale ah markay ragga asiibto waxaa loo yaqaan bidaar rageed (male pattern baldness), waxayna raga ku dhacdaa ayagoo yaryar qiyaas ahaan 20 sano jirada. Calaamadaha lagu yaqaan waxaa kamid ah qaybta kore ee wajiga iyo dhakada sare madaxa oo timuhu ka yaraadaan. Sidoo kale dumarkana way ku dhacdaan xaaladan (female pattern baldness) balse dumarku isbdal wayn ma dareemaan ilaa ay ka gaaraan da’da 40 jirka ama kadib. Dumarku markay da’daan gaaraan waxaa ka daata timaha dhakada sare ee madaxa oo dhan.
  • Alopecia areata: Xaalad si lamafilaan ku bilaabata, waxayna sababtaa in timuhu si teelteel ah uga daataan madaxa, badanaa waxay xaaladan asiibtaa caruurta iyo dhalinyarada. Xaaladan waxay sababi kartaa timaha oo gabi ahaanba daata balse 90 boqolkiiba dadka ay ku dhacdo timuhu dib ayay ugu soo baxaan dhawr sano kadib.
  • Alopecia universalis: Xaalad qariib ah, waxayna sababtaa in timaha jirka oo dhan ay daataan sida suuniyaha, timaha bisqinta ama shicrada iyo timaha baalasha indhaha.
  • Scarring alopecia: Xaalad khatar ah oo timuhu si joogto ah u daadanayaan waxaana sababa caabuq ku yimaada maqaarka iyo noocyo kale oo caabuq ah sida dhaawac soo gaara maqaarka oo sababa in unugyada timaha sameeyaa ay awoodi waayaan in ay timaha dib usoo saaraan.

Maxaa sababa timo daadashada?

Khuburada caafimaadku ilaa hada ma cadayn sabbata dhabta ah ee ka danbaysa timo daadashada balse waxaa jira qodobo badan oo loo sababayn karo timaha oo daata.

  • Cadadka dhecaanka hormoonka androgens oo kordha wuxuu sababaa bidaarta ragga.
  • Dhaxaal ahaan waa la iskugu gudbin karaa tima daadashada.
  • Dawooyinka qaarkood way sababaan tima daadashada sida kuwa loo isticmaalo dawaynta cudurka kansarka  sidoo kale dawooyinka lagu yareeyo cadaaadiska dhiiga way sababi karaan sida dawooyinka lagu yareeyo dhlmada ayaguna way sababi karaan.
  • Gubashada, dhaawaca iyo raajadabu waxay sababi karaan in si kumeel gaar ah timuhu u daataan.
  • Habka difaaca jirku wuxuu ka qayb qaadan karaa timo daadashada waliba wuxuu sababaa nooca loo yaqaan “alopecia areata”.
  • Isqurxinta badan way kaqayb qaadataa daadashada timaha. Shaamabada oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo, iyo noocyada kale ee timaha lagu qurxiyo waxay qayb wayn ka qaataan tima daadashada hadii si xawli ah loo isticmaalo.
  • Waxaa jira xaalado caafimaad oo keeni kara timo daadashada sida, nafaqa daradada, xanuunada taroodhka, cuntada oo si khaldan loo cuno, sonkorowga, dhiig yari. Dhamaan xaaladahaas iyo kuwo kaloo badan waa kuwo keeni kara tima daadashada balse maahan khasab inay keenaan.

Akhriso: CIRRADA TIMAHA: Sababaha Keena Iyo Sida Looga Hortagi Karo!

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *