Nafaqada Babaayga Iyo Ahmiyadda Uu U Leeyahay Caafimaadka

faaidooyinka babaayga,

Babaayga waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka sababtuna waa nafaqooyinka tirada badan ee uu xambaarsan yahay. Waxa uu hodan ku yahay fitamiinno iyo macdano ay ka mid yihiin phosphorus, copper, potassium, iron, kalsiyaam, manganese iyo magnesium. Sidoo oo kale, babaaygu waxa uu qani ku yahay fitamiin A, fitamiin C, fitamiin E, fitamiinnada B-complex iyo maadooyinka sunsaarista.

Sonkorta ku jirta babaayga bisil waa mid uu jirku si fudud u nuugo, taas oo jirka gelisa tamar.

Waxaa intaas dheer, babaaygu waxaa ku yar kalooriyada, waxaana ku badan enzymes kuwaas oo door wayn ka ciyaara caafimaadka.

Faaidooyinka caafimaad ee babaayga: 

Sare U Qaadista Caafimaadka Dheefshiidka:

Babaygu waa miro uroon dheefshiidka, waxaa ka buuxa gan (fibre), wuxuu yareeyaa dheefshiid xumada, dibirada iyo daaco qurunka wuxuuna ka hortagaa calool istaagga. Babaayga oo maalin kasta la cuno waxay jirka siinaysaa xaddiga gankii uu baahnaa maalintii si uu si habsami leh ugu guto howlihiisa. Jeex babaay ah oo la cuno maalin kasta waxa ay dheefshiidka ka nadiifinaysaa sunta waxayna jilcinaysaa caloosha. Babaaygu wuxuu kaloo yareeyaa aashitada caloosha iyo laab jeexa, sidaas awgeed waa miro u fiican dadka qabo gaaska. 

La Dagaallanka Hurka: 

Babaayga waxaa ku jira dheecaannada (enzymes) kala ah “papain” iyo “chymopapain” kuwaas oo liddi ku ah hurka ama lurka islamarkaana yareeya halista cudurrada raaga. Sida oo kale, dheecaannadani waxa ay yareeyaan xanuunnada kale ee hurka la xiriiiriyo sida xanuunka roomaatiska iyo xanuunka Gout-ka. 

Caafimaadka Aragga: 

Babaayga waxaa lagu yaqaannaa inuu siyaadiyo awoodda aragga maadaama uu ku badan yahay fitamiin A. Fitamiinkani waa sunsaare ilaaliya aragga isha wuxuuna ka hortagaa cilladaha ku dhaco indhaha sida caadka indhaha fuulo iyo xanuunka macular degeneration. 

Xoojinta Difaaca Jirka: 

Sida aan kor ku soo xusnay, babaayga waxaa ku badan fitaamiinnada A iyo C kuwaas oo awood siiya habdhiska difaaca jirka, kana hortaga infekshannada. Babaayga oo si joogto ah loo cuno waxay yareysaa cilladaha ka dhasha difaac yarida sida hargabka iyo ifilada. 

Kobcinta Caafimaadka wadnaha: 

Mid ka mid ah faa’idooyinka waa wayn ee miraha babaayga waa ka hortagga cudurrada ku dhaco wadnaha. Babaayga waxaa ku jira gan, potassium iyo fitamiinno ka hortagga cudurrada wadnaha. 

Sare u qaadista caafimaadka maqaarka: 

Fitamiin E-ga ku jira babaayga waxa uu unugyada ka ilaaliyaa dhaawaca, waxaana uu ka hortagaa samaysanka laalaabka maqaarka ee soo deg dega. Fitamiin C iyo fitamiin E waxa ay kordhiyaan soo saarista barootiinta “collagen”. Babaaygu waxa uu maqaarka ka ilaaliyaa qallaylka wuuna iftiimiyaa.

Caado wareerka:

Waxaa ku jirta maaddo loo yaqaanno “papain” taas oo ku shaqo leh dhiigga caadada. Maadadani waxay ay qayb qaadataa sixidda dhiigga caadada. Babaayga kaloo loo adeegsadaa in lagu yareeyo xanuunka caadada caadada.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *