Maxey Dhaqaatiirtu Ku Sheegeen Saliid Cadeeyda (Vegetable Oil)?

Saliid cadeeyda waa saliidda ugu badan ee ay soomaalidu ku cunnada ku karsato. 

Haddaba saliiddani miyay u daran tahay caafimaadka mise waa ay u wanaagsan tahay? Jawaabta su’aashaas ayaynu qormadan ku faahfaahin doonaa. 

Maxaa laga sameeyaa saliid cadeeyda? 

Saliid cadeeyda waxaa qaab kiimikeysan looga dhaliyaa dhirta sida geed timireedka, gabaldayaha, geedka canola, digirta sooyada iyo galleyda. Qaar ka mid ah saliid cadeeyda waxaa laga sameeyaa geedaha aynu sheegnay saliidahooda oo la isku dardaray. 

Waxaa ku jira maadooyin kiimiko ah:? 

Saliid cadeeyda looma soo saaro si dabiici ah, waxaa loo adeegsadaa maadooyin kimiko ah. Badarka waxaa lagu daraa maado lagu magacaabo “hexane” si saliidda ugu badan looga dhaliyo. 

Marka la soo saaro saliiddan waa la karkariyaa waxaana lagu daraa waxyaabo kale oo kiimiko ah si loo sifeeyo. Markaa kadib waxaa lagu daraa dawooyin kale si urteeda iyo dhankeedu ay u noqdaan mid la isticmaali karo. Marka aad cunnada ku karsato saliid cadeeyda, waxa aad si toos ah u isticmaalaysaa dhammaan maadooyinkan kiimikada ah 

Caafimaadka ayay u daran tahay: 

Wax kasta oo laga sameeyo kiimiko badan kuma habboona jidhka. Saliidaha kiimikaysan waxaa lagu yaqaannaa inay keenaan hur iyo xanuun jidhka ah. 

Saliid cadeeyda waxaa ku badan asiidhada dufanka ah ee lo yaqaanno “saturated fatty acids” kuwaas la arkay inay kordhiyaan halista cudurrada wadnaha ku dhaca sidaas darteed waxaa lagu dardaarmaa in la yareeyo cunnooyinka ay dufannadani ku badan yihiin. 

Waxaa la aamiinsan yahay in saliid cadeydu ay kalastaroolka wanaagsan ee jidhka u bedesho kolestaroolka xun ee halista ku ah caafimaadka wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga. 

Sida oo kale, isku-dheellitirnaan la’aanta dufannada omega 6 iyo omega 3 ee saliida cadeeyda ku jira waxa ay keeni kartaa cudurrada wadnaha ku dhaca, xanuunka difaaca jidhka ee khalkhalsan iyo xittaa cudurka kansarka

Qaladka laga aaminsan yahay saliid cadeeyda 

Saliid cadeeyda waxaa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa “vegetable oil” oo macnaheedu tahay “saliiddii khudradda”, macagacaas qurxoon ee ay wadato iyo khudrada iyo geedaha ku sawiran caagagga ay ku jirto ayaa sabab u ah in si fudud loo aamino oo loo fahmo in khudradaaa laga sameeyay, taasina waxba kama jiraan oo waa suuqgeyn iyo xayaysiis. 

Maxaa lagu beddelan karaa saliid cadeeyda? 

Waxaa jira saliido kala duwan oo caafimaadka uroon oo la isticmaali karo beddelka saliid cadeeyda, waxaana ka mid ah. 

Saliid saytuunta: 

Saliid saytuuntu waa saliid dabiici ah oo laga soo saaro midhaha iyo geedka saytuunka, boqolkiiba 73% waa dufan cufnaanteedu yar tahay, taasoo faa’ido wayn ugu jirto caafimaadka, waxaana loo yaqaanaa “oleic acid”, waxaa intaas sii dheer in saliid saytuunta ay adkaysi u leedahay kulaylka iyo dabka taasoo ka dhigayso saliid ku habboon cunto karinta meesha saliidaha kale ay gubtaan inta aysan cunnada karin. 

Saliid saytuuntu waxa ay yareysaa kolestaroolka, taas ka hortag u ah xanuunada wadnaha. Waxay kaloo ka hortagtaa buurnida iyo xanuunka sonkorowga nooca 2-aad. 

Saliida afakaadhada: 

Saliida afakaadhada waxaa ku badan dufannada nooca caafimaadka u fiican ee “monusaturated fatty acids” iyo walxaha sunsaarista. Daraasad lagu daabacay “Journal of Ethnopharmacology” waxaa lagu arkay in saliida afakaadhadu ay dejiso dhiig karka

Daraasad kale, oo lagu daabacay Joornaalka Nafaqada waxaa lagu arkay in midhaha afakaadhada ama saliida afakaadhada oo lagu darsado ansalaata ay kordhiso awoodda uu jidhku cunnada kaga nuugayo maadada “carotenoid”. maadadani waxa ay siyaadisaa caafimaadka indhaha, waxayna dishaa unugyada kansarka. 

Saliid macsarada: 

Saliida macsarta waxaa loo yaqaannaa “boqoraddii saliidaha”, waa saliid xambaarsan faa’idooyin tiro badan oo caafimaad, waxaa ka mid ah; inay kobciso  caafimaadka wadnaha, inay bogsiiso gubashada iyo dhaawacyada iyo daweynta xanuunka lurka kalagoysyada ee “arthritis”. 

Subagga sixinta ah: 

Subaga caanaha laga culo waxa uu adkeysi u leeyahay kulaylka iyo dabka si fududna kuma gubto, waxa uu caloosha ka caawiyaa inay soo dayso dheecaannada fududeeya cunno shiidista. Waxa kale oo uu subaggu hodan ku yahay maadooyinka loo yaqaanno “antioxidants” kuwaas oo jidhka ka caawiya inuu macdanaha iyo faytamiinnada si fudud uga nuugo cunnooyinka kale. 

Saliidda qumbaha: 

Waa saliid cafimaadka uroon oo lagu beddelan karo saliid cadeeyda taas oo adkeysi u leh kulaylka kuna habboon cunno karinta. 

Saliidda qumbaha waxaa ku jira asiidhka loo yaqaanno “lauric acid”, dheecaankaan wuxuu awood Alle u siiyay inuu dilo jeermiska noocyadiisa kala duwan. 

Saliid qumbadu waxa ay kor u qaadaa heerka kolestaroolka caafimaadka u fiican, islamarkaana waxa ay yaraysaa Kolestaroolka dhibaatada leh. 

Ugu dambeyntii, saliidda aad cunnada ku karsato ama aad ku darsato waxay door weyn ka ciyaartaa caafimaadkaaga. Hadaba akhristow adigu saliidee cunnada ku karsataa ama ku darsataa? Hoos nagula wadaag 

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *