Cuntooyin Iyo Dhir Dhulkeenna Laga Helo Oo Caawin Kara Dejinta Dhiig Karka Aadka U Sarreeya

cuntada, dhiig karka

Haddii shaqada toddobaadka oo kugu badani ay kugu keento neerfis (Cadho badan), ama aad caado u leedahay cunista cuntooyinka degdegga ah ee inta badan baruurta kordhiya, ama xitaa aad tahay dadka lagu falay nuugista sigaarka oo khatar ku ah nolosha aadamaha, oo aad isku aragto dhiigkar, waxa aad ogaataa in sababta koowaad ee dhiigkarkaas kugu keentay ay tahay noocaas nololeed ee aad ku jirto.

Haddaba waxa aynu qormadani ku soo qaadanaynaa dhir ay fududahay in dhulka Soomaalida laga helo, oo haddii uu qofku wax ka beddelo hab-nololeedkaas aynu hore ku soo xusnay, kadibna dhirtan isticmaalo ay hubaal tahay in ay si weyn u caawinayaan in aanu dhiiggiisu kicin.

Hab-nololeedka aynu ka hadlayno waxaa iyaguna ku jira in qofku uu habeenkii hurdo fiican seexdo iyo in nidaamkiisa cunto noqdo mid caafimaad qaba.

Dhirtaas dawada ka ah dhiigkarka waxaa ka mid ah:

Boorashka:

Boorashku waxa uu awood u leeyahay in uu dejiyo dhiigga kiisa sare iyo ka hoose labadaba, waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in uu yahay cuntooyinka hodanka ku ah ganka, ee wanaajiya hab-dhiska dheefshiidka.

Sinjibiil:

Sinjibiishu waxa ay dhiigga ka ilaalisaa xinjirowga, oo ah khatarta ugu badan ee qofka dhiig karka lihi waajaho, sida oo kale waxaa ku jira maaddooyin ka hortag u ah jidh ololka, sidaa awgeed qofka dhiig karka leh oo maalintii cabba koob shaah sinjibiil lagu daray ah, waxa ay ka caawinaysaa in dhiiggu dego iyo in aanu guntamin. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu ka digaan in isticmaalka sinjibiishu uu jidhka ku bato, si aanu dhiigga uga saarin xinjiraha oo dhan.

Saliid Macsarta:

Saliidda Macsarta ama sisinta hadba sida aad u taqaanno, maaddooyinka ku jira waxaa ka mid ah Seismol iyo Cisamine oo labaduba dila Mariidka/sunta ka dhalata cuntada, waxaa intaas dheer in saliid macsarada uu ku jiro Faytamiin E. Labada maaddo ee aynu xusnay iyo faytamiin E waxa ay si weyn u caawiyaan in dhiigkarku uu dego.

Rumaanka:

Rumaanka waxaa ku jira maadadda Polyphenol oo leh awood ay kula dagaalanto sunta/Mariidka, sida oo kalana xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga ka ilaalisa in ay qallafaan. In xididdadu aanay qallafin waxa ay fududaynaysaa in dhiiggu uu si habsami ah u qulqulo, taasina ay keento in xawaaraha wareegga dhiiggu aanu ka kicin heerka celcelis ahaan saxda ah.

Akhriso: Dhibaatooyinka Dhiig Karka iyo Saameynta Uu Ku Yeesho Jirka Iyo Maskaxda!

W/D: Kamaal Marjaan

-Wargeyska Geeska Afrika

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *