Maxaa Sababa Eernada (Hernia) Yaase Halis Ugu Jira?

Eernada waxa ay badanaa ka soo muuqataa ubucda,  waxay sidoo kale kasoo muuqan kartaa miskaha iyo xudunta. in kastoo eernada aysan ahayn xaalad nafta halis ku ah, is lamarkaana sida kaliya ee lagu daweyn kara ay tahay qaliin maadaama ay eernadu tahay kuus kasoo muuqda maqaarka dushiisa oo ay keentay in xubin ay soo riixday furitaan amaba meel ay firaaqo ka jirta oo noqon karta mindhicirada, xudunta amaba firaaqo u dhaxaysa murqaha dhaxdooda. eernada ayaa ku badan dumarka. waxaana sahlan in xubnaha uur ku jirta ahi u bari baxaan dhexyaalada miskaha, iyagoo dhaafaya ama dilaacinaya xuubka u dhaxeeya labada gobol.

Waa maxay astaamaha eernada?

Astaamaha ugu waa-weyn ee eernada waa kuus kasoo muuqda maqaarka dushiisa. waxaa jira noocyo kala duwan oo eerno ah, kuwaas oo ku xiran meesha ay kasoo baxday iyo heerka buurnaanta eerno aad dareemeyso.

Noocyada kala duwan ee eerno waxa ay kala leeyihiin calaamada kala duwan, laakiin waxaa markasta ay wadaagaan in qofka eerno marka uu dareemo uu arkayo buro oo kale oo inta badan kasoo baxdo xubinta taranka amaba gumaarka agtiisa oo qarsamaysa marka uu qofka istaago, waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo tabar dari amaba cadaadis xaga hoose ah taas oo ay raacsan tahay xanuun meesha ah.

Maxaa Sababa eerno?

Waxaa sababa tabar dari ama cadaadis ku yimaada murqaha, eernada inay soo muuqato waxa ay qaadan kartaa waqti taas oo ku xiran sababta keentay marka hore. Sababaha keeno murqaha oo daciifa waxaa ka mid ah

  • Da’da
  • Qufac daran
  • Dhaawac ka yimid qaliin

Sababaha keena in cadaadis amaba dhaawici kara jirkaaga oo keena in eerno ay soo baxdo qaas ahaan marka ay murqahaaga uur-kujirtu daciif yihiin waxaa ka mid ah

  • Uur
  • Saxaro la’aan amaba in ay dhagto saxaradu taas oo cadaadis saaraysa caloosha
  • Qufac ama hindhiso joogta ah
  • Miisaanka oo hal mar kor u kaca

Yaa halis ugu jira eernada?

Waxaa jira walxo badan oo saacida in eernada ay soo muuqato amaba kordhiya halisteeda, waxaa ka mid ah

  • Sigaarka ( oo kicin kara qufac joogto ah )
  • Calool istaaga
  • Cayilka
  • Qofka in uu leeyahay taariikh eerno amaba cidiisa ay leedahay

Sidee looga hortagi karaa eernada?

Markasta lama adkeen karo muruqaha keenaya eerno. hasayeeshee waxaad hoos u dhigi kartaa dhaawaca soo gaaraya. Arimahaan waxay kaa saacidi karaan in aad dhowrto eerno kugu soo aadan. waxaana ka mid ah isku day-yadaas

  • Sigaar joojin
  • In la ilaaliyo caafimaadka iyo miisaanka jirko si joogta ah na loo booqdo dhaqtarka si looga hortago qufaca joogtada ah iyo in la iska jiro dhaawac amaba cadaadis la saaro caloosha

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *