Maxaa keena Kaadida Badan Xilliga Uurka?

Kaadida badan xilliga uurka waa arrin caadi ah mana ahan wax laga welwelo balse haddii uu xanuun la socdo iyo calaamadaha kale ee infekshanka kaadi mareenka waa in haweeneyda uurka leh ay dhakhtar la kulantaa.

Kaadida joogtada waa mid ka mid ah astaamaha ugu horreeya ee uurka, in kaadidu badatana waxaa keenaya kororka heerka hormoonada progesterone iyo HCG. Labadaan hormoon ayaa qeyb wayn ka qaata sida ay taageeraan jirka waqtiga uurka.

Dumarka qaar ayaa isbedello khafiif ah isku arka xilliga uurka halka qaarna ay isku arkaan inay u baahan yihiin in markasta ay suuliga galaan.

Haweenta uurka leh ee isku aragta qandho ama dareen gubasho leh xilliga kaadida waa inay si dhakhso ah dhakhtar ula kulantaa maadamaa tani ay tilmaan u noqon karto infekshanka ku dhaca kaadi mareenka (urinary tract infection).

Waa maxay astaamaha?

Inkasta oo dumarku ay ku kala duwan yihiin astaamaha haddana qaar badan waxay isku arkaan kaadi badan asbuuca koobaad iyo asbuuca 12-aad ee uurka. Dumarka qaar waxay isku arkaan in kaadidu ay ka fakato oo aysan xisijan karin marka ay:

  • Hindhisayaan
  • Qufacayaan
  • Qoslayaan
  • Jimicsanayaan
  • Wax kor u qaadayaan
  • Soconayaan

Mararka qaarkood kaadida badan waxaa tilmaami kartaa xaalad kale sida infekshanka ku dhaca kaadi mareenka. Marka laga soo tago kaadida badan, calaamadaha kale ee infekshanka kaadi mareenka waxaa ka mid ah:

  • Kaadida oo marka ay imaanayso wadato dareen kulul oo qofka ka dareemo xubinta kaadi mareenka hoose (urethra),
  • Dhabar xanuun
  • Qandho
  • Matag
  • Laqanyo
  • Midabka kaadida oo isbadala
  • Dhiig soo raaca kaadida
  • Kaadida oo urta
  • Iyo xanuun laga dareemo miskaha iyo gumaarka.

Halista infekshankan ayaa kororta xilliga uurka, sida ay shaaca ka qaaday daraasad lagu sameeyay dalka Mareynkanka, 8% dumarka uurka leh ayaa waxaa ku dhaca infekshanka kaadi mareenka.

Haddii aan la daawayn infekshankaan, waxaa uu keeni karaa khataro caafimaad oo soo wajaha hooyada iyo uurjiifta.

-Daryeel Magazine

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *