Macaanka Iimaanka

Haddaad mar hore dhadhamisay macaanka iimaanka, laakiin aad waayahan dareemi la’dayhay, ogow in aad ka tagtay wax wanaagsan oo aad sameyn jirtay, oo ku dhadhansiiyey macaanka iimaankaas.

Qoraalkan waxan ugu tala galay sidii marlabaad aad usoo ceshan leheyd macaanka imaanka eed soo dhadhamisay. Maanta waxan halkan isku xasuusineynaa sidii aan ku hanan laheyn macaanka iimaanka haddaan marlabaad ku guuleysanno inaan dhadhamino, iyo sidaan ku xaqiijin laheyn macaankaas. Dadka bartay cabbidda khamriga, ama daroogada oo dhadhansada , wexey ku dadaalaan sidey mar walba dareenkaas u heli lahaayeen, wexeyna u huraan wax walba si ay dareenkaas u gaadhaan ayagoo og inuu u jar ka tuurayo, ama inuu halaagayo. Waxaa kaloo la soo wariyey in Bilaal Ibnu Rabaax, Mu’addinka Rasuulka SAWS la wareystay sababta uu ugu adkeystay oo uu ugu sabray iimaankiisa cadaabta lagu caddibay bacaadka Makka ee kulul, wuxuu ku jawaabay: ” Waxaan isku daray xanuunka cadaabta iyo macaanka iimaanka, waxaa soo dul martay macaanka iimaanka” taasoo macnaheedu yahay, in macaanka iimaanka haduu qofku dhab ahaan u dhadhamiyo, inuu wax walba siisanayo, maxaa yeelay Allah ayaa ka iibsaday muminiinta naftooda iyo maalkooda oo ka iibiyay Janno.

Hadaba, qofkii ay u dhabowdo macaanka iimaanka, wuxuu helay jannadii adduunka sidii uu yidhii Sheikh Ibnu Taymia markii lagu xidhay xabbiskii Qalcada ” Haddii la i xidho, waan khalweyn, xasuusta Allah iyo cibaadadiisa ayaan waqti u heli, haddiii la i dhoofiyo, waan jihaadi, haddii la i dilo, waa shahhidnimo, Jannadeydu wexey iigu taallaa laabteyda, cadowgeygu maxey igu fali?”

Mar uu Rasuulku SAWS wareystay nin saxaabi ah ” Maxaad ku barisay?” ninkii saxaabiga ahaa wuxuu ku jawaabay ” waxaan ku ku bariistay muumin-nimo”, markaasuu Rasuulku SAWS yidhi, maxaa muujinaya iimaankaaga?” ninkii saxaabiga ahaa wuxuu yidhi ” waxaa ii muuqda reer jannaadkii oo isa soo salaamaya, waxaa ii muuqda ahlu naarkii oo is eedaya” rasuulkii Allah SAWS wuxuu markaa ku yidhi ninkii, ” Waad haleeshayee, ee ku mitid”

Rasuulku wuxuu kale oo uu tilmaamay iimaanka ” wax qalbiga ku jira oo uu dhabeeyo waxa la sameeyo”

Hadaba waxaad is warsaneysaa, sidee baan iimaan ku helnaa, dabadeedna u hanannaa? Jawaabtu wexey ku xidhan tahay hadba qiimaha uu kula leeyahay iimaanka, taasoo keensaneysa howshaad ku gaadhi leheyd iimaankaas. Waxaa lagu hantaa iimaanka:

  1. Sabirka : Allah SWT wuxuu yidhi ” Kuwa sabraa, waxaa la siiyaa ajarkooga xisaab la’aan”
  2. Ixtisaab: oo macnehhedu yahay in waxaad sameysneyso OO DHAN aad ku raadineyso wajiga Allah oo qudha
  3.  Ducada: Taasoo ah qallbiga cibaadada
  1. Soonka Sunnada ah; ( Khamis, iyo isniin, iyo maalmaha caddaha ah, lixda shawaal, carafa, caashuuraa)
  2. Quraankoo la khatimo bil walba hal jeer ( salaad walaboo la akhriyo afar bog)
  3. Salaadaha oo loo dhakso loogu dhaksado ( Tabkiir bacdal aadaan oo kaa saaraya munaafiqiinta)
  4. Ilaalinta sunnooyinka Rawaatibta ah. ( guri janno ayaa laguugu dhisaa)
  5. Ku dadaalidda labada rakcdood ee Salaadda barqaha ( duxaa, taasoo xubnahaaga ka bixineysa sadaqada)
  6. Ku dadaal maalinkii oo dhan inaad ku sugnaatid weysoqab, ( caajiska iyo sheitaanka ayey kaa fogeysaa)
  7. Ku dadaaal labada rakcadood oo sunnada ah aadaanka dabadiis
  8. Ku dadaalidda adkaarta subaxa iyo kuwa fiidka ( Faaiido cajiib badan ayaan ka dhaxlay)
  1. Labo rakcadood oo intaadan seexanin aad tukato ayadood u niyeyesato Qiyaamulleil
  2. Akhrinta Quraanka iyo ku cibro qaadashada sheekooyinkiisa
  3. Sunnada habeenkii ee Shafciga iyo watriga
  4. Habeenkii intaadan seexan ood is xisaabisid ( maxaan maanta korosaday, maxaan khasaaray, maxaa iga dhiman?)
  5. Dambi dhaaf ood Allah ka bariso si joogto ah.
  6. Ku fakaridda uunka Allah iyo yaabkiisa ( abuurka cirka iyo cajaaibta dhulka)
  7. Qalbiga oo laga meydho ( dhaqo) cudurrada ( xasadka, dakanaha iwm)
  8. Dadkood ugu yeedho waxaad aaminsantahay ( Taasoo iimaanka si weyn u kordhisa)
  9. Macsida Allah oo laga tago ( macsidu wexey nusqaamisaa iimaanka)
  10. Waalidka oo baarri loo noqdo.
  11. Qaraabada soke ( rixinka) oo la xidhiidhiyo ( loo kaalmeeyo, lagana warhayo)

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *