MA OGTAHAY IN CAANAHA GEELU…??

Caano geel, caanaha geeluhu1. Ma ogtahay in caanaha geela ka faa’iido badanyihiin caanaha lo’da iyo adhiga?

2. Ma ogtahay in ey jiraan cuduro lala xidhiidhiyay caanaha lo’da balse aaney jirin cuduro lala xidhiidhiyay caanaha geela?

3. Ma ogtahay in isku-dheelitirka nafaqada caanaha geela ey ka sareyso caanaha kele, taasoo macnaheedu yahay in caanaha geela lagu noolaan karo in kabadan inta lagu noolaan karo caanaha kale.

4. Ma ogtahay in caanaha geela laga helo bir (iron) ka badan inta laga helo caanaha lo’ada iyo adhiga? Taasoo macnaheedu yahay in ey u fiicanyihiin si gaar ahaaneed dadka dhiig la’aanta qabo iyo haweenka uurka leh.

5. Ma ogtahay in caanaha geela laga helo fitamiino aad u badan gaar ahaan vitamin B iyo vitamin C in ku sadax jibaaranto inta laga helo caanaha lo’ada?

6. Ma ogtahay in caanaha geela ey ku jiraan maadooyin difaaca jidhka kuwaas oo yareeya fursadaha qaar kamid ah cudurada halista ah?

7. Ma ogtahay in heerka dufanta caanaha geela uu aad uga yaryahay dufanta ku jirta caanaha lo’da? Taasoo keeneysa in caanaha geela aaney sababin buurni iyo sidoo kale cudurada ku hoos jira dufanta badata.

8. Ma ogtahay in heerka biyaha ku jira caanaha geela uu aad uga badanyahay kuwa ku jira caanaha kale? Taasoo keenta in dadka dhaqda ey maalmo ku noolaadaan oo kaliyah caanaha geela ayaga oo aan helin wax biyo ah!!!

9. Ma Ogatahay joogteynta cabista caanaha geela inay xakameeyaan cudurka macaanka?

10.Ma ogtahay in caanaha geelu ay u fiican yihiin korriimada caruurta iyo tayaynta jidhka dadka waawayn, oo ay ku jiraan walxo adkeeya lafaha iyo murqaha qofka sida kaalsiyamta oo ay ku jirto 3 jibaar inta laga helo caanaha lo’da,

11. Ma isweydiisay sababta dadka reer miyaga si guud ahaaneed ahaaneed uga caafimaad badanyihiin dadka magaal jooga ah? Iyadoo aaney jirin haba yaraatee wax daryeel caafimaad ah ey heestaan?

10. Ma ogtahay in khubaro caafimaad ku taliyeen cabida caanaha geela, taasoo hada wadamo badan ku dhalisay in ey guda galaan sidii ey caanahan ugu diyaari lahaayeen si lamid ah caana boodhaha iyo qaababka kale ee loo dhoofiyo caanaha, si loo gaadhsiiyo wadamada aanan dhaqanin geela.

wadamada hore umaray sida wadanka Australia oo uu geelu u joogay sida ugaadha oo aaney cidi la heyn ama aan cidi dhaqan jirin mudooyiinkii dambe ay dawladu seerayaal usameysay oo ay ku dar yeesho taas oo ay markii ay ogaadeen faa’iidada geelu cadkiisa iyo caanahiisaba ay yihiin wax nolosha bini aadanka faa’iida caafimaad oo balaadhan ule.

Check Also

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *