Waa Maxay Killi Bedelid, Yaa Se U Baahan In Loo Bedelo?

kilyaha oo la bedelo

Marka ay kiliyahaaga howl gabaan, waxaa loo baahan yahay dawo lagu bedelo shaqadi ay killiyahaaga u qaban jireen jirkaaga. Waxaa jiro laba nooc oo dawo ah oo lagu daweeyo howl gabka kilyaha, waxey kala yihiin kilyo dhaqis iyo killi bedelid. In kastoo bedelidda ay keento xurnimo iyo tayo sare oo nolosha ah marka lala barbardhigo kilyo dhaqis.

Waa maxay killi bedelid?

Marka laguu bedelo kilyaha, waxaa gudaha jirkaaga lagu rakibaa killi caafimaad qabta si ay u qabato shaqadi ay kiliyahaaga kuu qaban jireen. Faa’idada kale ay leedahay ayaa ah inaad u noolaan kartid sidaadii hore oo kale oo aan cunnadaada xad loo yeeleynin, in kastoo ay muhiim tahay inaad marwalba joogteysid cunno wanaagsan. Waxaa wanaagsanaanaya tamartaada iyo caafimaadkaaga.

Yaa loo bedelaa killida?

Waxaa loo bedelaa bukaanada yaryar iyo kuwa da’da ah ee la nool xanuunada kilyaha, arinta ugu horeysa ayaa ah in qofku uu yahay qof sidiisa kale u caafimaad qaba oo xamili kara qalliinka lagu sameynaayo. Qof kasta waxaa lagu sameeyaa qiimeyn dhan caafimaad iyo dhan maskaxi ah inta aan lagu sameyn qalliinka lagu bedelo killida. Dadka da’da ah ee lanool xanuunada sonkorowga ayaa sidoo kale loo sameyn karaa qalliinka lagu bedelo kilyaha.

Waxaa loo bedelaa kilyaha qofka ay shaqada kilyahiisa ka yar yihiin 15ML/Minute cabirka GFR (Gromeruli Filtration Rate)

Sidee baa loo sameeyaa qiimeynta ka hor qalliinka?

Dhaqtarka wuxuu kugu sameynayaa baaritaan buuxa oo jirka ah, waxaa sidoo kale la tixraacayaa sooyaalkaaga caafimaad, waxuu sidoo kale dalbanayaa raajooyin badan si u ugu kuur galo xaaladdaada guud ee caafimaad. Qiimeyntaan waa mid dhameystiran. Waxaad sameyn kartaa baaritaannadaan oo dhan xilli hore si aad u boosiisted habka killi bedelidda.

si loo ogaado in qofka uu qaadan karo kilida qofka ugu deeqaayo waxaa loo baahan yahay in labadaba lagu sameeyo baaritaan dhiiga ah si loo ogaado nooca dhiigooda, hadii dhiiga ay isku nooc ka noqdaan waxaa lagu sii sameeyaa laba baaritaan kale oo dhiig ah oo loo yaqaano, tissue typing iyo cross-matching

Tissue typing waxaa sidoo kale loo yaqaanaa genetic typing

Waa baaritaan dhiiga ah oo isku keenaya walxa la yiraahdo antigen oo ah calaamadeeye uu isticmaalo difaaca jirka si uu ukala saaro xubinta qofka uu lee yahay iyo tan uusan laheyn. Qof kasta waxa uu lee yahay lix calaamadeeye ah (antigen) oo aasaasi ah.  Antigen-nadaan waxey tilmaamayaa qofka ku haboon inuu killida ugu deeqo bukaanka. Waalidka iyo dhalaankiisa waxaa laga yaabaa iney 50 boqolkiiba islahadaan, halka islahaanshaha walaalaha ay u dhexeyso eber ilaa 100.

Cross-matching

Waa baaritaan dhiig oo lagu sameeyo deeqaha iyo lasiiyaha killida ugu yaraan laba mar oo kala duwan, baaritaankaan wuxuu fiirinayaa in dhiiga lasiiyahay killida uu iska caabinayo dhiig deeqaha iyo in kale, hadii aysan dhicin iska caabin waxey u dhigantaa in qofkaas loogu deeqi karo killi.

Waa sidee qalliinka lagu bedelo kilyaha

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabtid in kilyahaaga aan laga saarin jirkaaga. Dhaqtarka waxaa laga yabaa inuu kilyahaaga u daayo meeshooda hadii aysan jirin xaalad caafimaad oo duruuri ka dhigeysa in la saaro, waxaa killida cusub lagu rakibaa meel kamid ah qeybta hoose ee uurkujirta. Hadii kilida ay kasocoto deeqe nool waxay shaqa bilowdaa isla marki, halka hadii ay kasocoto deeqe dhintay laga yaabo iney muddo qaadato iney dib u shaqeyso.

Qalliinka kadib waxaa lagu barayaa dawooyinka aad u baahan tahay inaad qaadatid iyo saameynta ay jirkaaga ku reebi karaan.

Maxaa dhacaya qalliinka kedib?

Marka aad kasoo baxdid qalliinka waxaa kuu bilaabmaya shaqooyinki ugu muhiimsanaa oo ah booqashada dhaqtarka, si killi bedelidda ay u noqoto mid guul ah waxaad u baahan tahay inaad joogteyso booqashada dhaqtarka gaar ahaan sanadkaaga ugu horeeya, waxaa marka hore u baahan tahay inaad sameysid baaritaanno dhiiga ah si loo xaqiijiyo in kilida ay si wanaagsan u shaqeyneyso.

Malaga yaaabaa in killida iyo jirkeyga ay isdiidaan?

Arinta ugu muhiimsan ay dhaqaatiirta la socodaan ayaa ah in ay dhacdo diidmo degdeg ah, taas oo macnaheeda ah in jirkaaga uu si kama ah ubilaabo inuu diido kilidi laguu geliyay.

Diidmada inta badan malahan calaamad iyo astaan buuxda oo lagu garto waana sababta ay muhiim u tahay in qofku uu sameeyo baaritaan dhiig oo goos goos ah si loo ogaado hawl gudashada killida.

Fursadaha diidmada waxey sareeyaan qalliinka kadib. Hadii killida ay kugu jirto waqti dheer waxaa yaraada fursadaha ay jirkaaga iyo killida isku diidi karaan

Diidmada jirka uu diido killida laguugu deeqay ayaa sii yaraaneysaa waa yahaan, sababtoo ah waxaa hormar lagu sameeyay dawooyinka caburiya difaaca jirka, hasa yeeshee halista way ukala duwan tahay qof kasta.

Goormaan ku laaban karaa nolosheyda caadiga aheyd?

Arintaan waxey ku xiran tahay hadba sida aad u biskootid, iyo xaaladaha kale ee caafimaad aad lanooshahay. Dadka intooda badan waxey shaqada ku laabtaan 8 todobaad kedib qalliinkooda, waxaa arintaan kaa caawin doona dhaqaatiirta kugu sameeyay qalliinka.

Sidee bey usaameyneysaa galmada aan sameeyo?

Dadka loo bedelay killida waxey sheegaan inuu kor u kac kuyimaaday howl gudashooda dhanka galmada ah, rag badan oo lagu sameeyay qalliinkaan ayaa dhalay caruur caafimaad qaba, sidoo kale dumarka laga bedelay ayaa kasheekeeya uur qaadis badan oo ku idlaatay guul. Hasa yeeshee dumarka waa muhiim ineysan qaadin wax uur ah ilaa hal sano kedib marka killida loo bedelo, waana muhiim iney la tashadaan dhaqtarkooda si uu uga siiyo talo fiican u siiyo.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *