Jilciso Dabiici Ah Oo Tinta Uroon

Qormadaan waxaan kusoo gudbinaynaa jilciso dabiici ah oo looga maarmi karo daawooyinka kiimikada ah ee loo adeegsado in timaha lagu jilciso kuwaas oo caafimaadka u daran.

Alaabta maanta aan idin la wadaadayno waa nafaqo timaha la marinayo. Caruurta iyo dadka waa weyba way anfacaysaa waxaana laga samaynayaa miraha flax seed oo ah nooc ka mid ah dalagyada la cuno taasoo leh faa’iido aad u weyn.

Miraha Flax seed oo af Soomaali lagu dhaho “Qoondar ama “Saliib” waxaa ku jiro waxyaabo faaido u leh quruxda iyo caafimaadka waxaa ka mid ah dufanka “omega 3” oo tinta u ah nafaqo culus.

Faa’iidooyinka flax seed ay u leedahiin timaha:

  • Mirahaan waxay tinta siiiyaan jileec, dhalaal iyo qoyaan.
  • Waxay kobciyaan koritaanka tinta
  • waxay tinta ka bi’iyaan rifrifka
  • Waxay tinta siiyaan nafaqo

Habka diyaarinta

  • Biyo ayaad ka karkarsanaysaa. waxaad duraysaa miraha flax seed kadibna waad waalaqaysaa. Way isku dhegdhegaysaa hadii aan la walaaqin. Haddii aad dareento inay biyaha ku yaryihiin xooga yar  ayaad ku darsan kartaa. Dabka u gaabi oo ku wad walaaqa, Waxaa la rabaa inuu kasoo baxo wax sida jeelka oo kale isjiidjiidaya. . Kadibna waad miiraysaa.
  • Waxaad ku daraysaa saliid saytuun, almond oil iyo kareemka qumbaha ee cuntada lagu daro  kadibna waad isku shiidaysaa. Tallaagada ayaad gashanaysaa marba xooga ayaad timaha marsan kartaa shaambada kadib.

Via: Faati M. Osman

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *