Isku Kaadinta Caruurta Iyo Dadka Waaweyn, Sababaha Keeno Iyo Astaamaha Digniinta Ah

Xaaladaan waa xaalad ka duwan sida caadiga ah, qofka asaga oo soo jeeda marka uu kaadiyo way ka duwan tahay marka uu hurdo hadii uu kaadiyo. Isku kaadinta (bed wetting) waxay dhacdaa waqtiga uu qofka jiifo awood na uusan u lahayn inuu xakameeyo kaadidda. Inta u dhaxaysa da’da  2 ilaa iyo 4 sano ayaa ah waqti caruurta xasaasi u ah oo lagu baro isticmaalka suuliga. Isku kaadinta caruurta kudhacda oo kale waxaa lala xiriiriyaa koriinada iyo waqtiga.

Maxaa Sababa isku kaadinta?

Xaaladaha jirka iyo maskaxda waxay keeni karaan in ay dadka qaar isku kaadiyaan. Inkastoo aan si fiican loo fahansanayn waxa sida tooska ah u sababa isku kaadinta. Sababaha ugu badan ee isku kaadinta caruurta iyo dadka waaweyn ka dambeyso waxaa ka mid ah:

Astaamaha digniinta ah

Taariikhda iyo xaalada qoyska waa ay ka qeyb qaataan, hadii ay jiraan xaalad qoyska ka dhex jirta amaba ay jirto taariikh hido raac isku kaadin ah waxay intaaba calaamad muuqato u noqonayaan isku kaadinta.

Waxaa jira calaamado badan oo soo ifbaxa marka ay xaaalada isku kaadinta soo baxdo taas oo muujinaysa in caruurta ay noqonayaan kuwa cabsi iyo baqdintoody badan tahay, waqtigan waxaa waalidka la gudboon in ay la hadlaan oo ay la sheekeystaan si ay ugu dadaalaan in ay xaalada caruurtooda la socdaan.

  • Waxaa laga yaabaa in cunnuga uusan u muuqan inuu faraxsan yahay
  • Waa muhiim in cunnuga la siiyo fursad uu uga sheekeyn karo dariinkiisa
  • Waa in la hubiyaa in ilmaha ay ogaal u leeyihiin iney isku kaadiyaan
  • Waa in la hubiyaa laguna dhiira geliyaa in ay isticmaalaaan tuurjiga, sidoo kale waa in marwalba la kaadsiiyaa ilmaha inta aysan seexan ka hor.

Maxaad sameyneysaa hadii ay ilmahaaga isku kaadiyaan?

Isku kaadintu waa xaalad ay caruurta badi soo maraan, waa xaalad waqti kadib laga gudbo. Waqtiga u dhaxeeya 2 jir ilaa 4 jir ayaa lagu qiyaasa inay tahay waqtiga ugu badan ay caruurta joojiyaan isku kaadinta. Waxaa dhacdo marar badan in ay caruurta muddo maalmo ama isbuuc ah aysan isku kaadinin kadibna dib ugu soo noqdaan, si fudud u xusuusi oo dib ugu soo celi taba barkii. Hadii ay dhacdo in ay caruurta ka kori waayaan waxaa macquul ah in ilmahaas aan markii hore latababarin kaadi haystooda waqtiga habeenkii .

Hadii aad ka walwalsan tahay isku kaadinta ilmahaaga, marka aad soo booqato dhaqtarka caruurta waxa laga yaaaba in lagu su’aalo:

  • Ma jirtaa taariikh isku-kaadin oo xagga qoyska ah?
  • Intee jeer ayuu cunuga isku kaadiyaa?
  • Ma jiraan wax is badal ah oo ku dhacay ilmaha sida furiin, caruur kale amaba guri cusub ?
  • Wax isbadal qaabka iyo midabka kaadida miyaa jira?

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *