Hooyo waan ku jeclahay W/Q Siciid Xagaa.

Hooyo waxey leedahay wiilkeygiyow/gabadheydiyey noloshu maalinba waa ceyn oo isku mid ma ah, wax walbana waa adag yihiin haddii aadan heysan garab iyo kalsooni naftaada ah. waxaan rabaan in aad ogaato in hooyadaa ku jeceshahay had iyo jeerna ay ku jeclaan doonto illaa nafta igu jirto.

Waxaan sameeyey wax alla wixii aan kuu sameyn karay, waan ku ilaaliyay, qalbiga ayaa kula jira si aad u badbaaddo markasta isku day inaad naftaada daryeesho, had iyo jeer halkaas ayaan joogi doonaa (wadnahaada ).

Wallaahi haddiiba aan wax bixin lahaa shaqo la qabtay darteed waxaan ku bixin lahaa hooyo waayo in hooyo la noqdaa wax ka qaalisan ma jiraan.

Wax kasta baddal waa loo heli karaa illaa hooyo maahine. Marka mar walba in aan jeclaano hooyo.
Hooyo waxaad gacanta na qabataa marka aan u baahano laakiin qalbigaada nagama saartid illaa aad dhimato. Abaalkaada alle ayaa gudi kara.

Bal u fiirso inta aad ku jrito da’da isbad-baddalka dhalasho illaa qaangaar imisa jeer ayaad hooyo la murantay? Xanaaq dartii isla duuduubtay? Guriga uga baxday? Wallaahi wax kale kuma sharxi karo farqiga u dhaxeeya hooyo iyo caruurteeda waa jaceyl ay iyadu laabta ku heyso iyo duco. laakiin adiga laga yaabo in santaak, lacag aad heysato, xoog aad leedahay, aqoon aad baratay ay kuu been sheegaan.

Waxaan soo xusuustay wiil hooyadii weydiiyay su,ashan.. Hooyo sideen ku heli karaa gabadh wanaagsan? Maxey ku jawaabtay ma garaneysaa? Haka werwerin raadinta gabadh wanaagsan adiga noqo nin fiican.

Haddii boqolaal wada dhalaalaya ay subax kasta kor kuu qaadaan si ay kuu derejeeyaan, wallaahi waxaa ka fiican hal hooyo oo aad heysato.

Dhammaanteen waxaan ubaahanahay hooyooyinkeen nolosheena, sababta oo ah hooyo waxay u qaban karto cunugeeda cid kale ma awooddo.

Haddii hooyadaada ay weli nooshahay (2018) waxaad heysataa barako ee ka faa.ideyso haddii ay geeriyootay oo alle xagiisa ay martayna u ducee in cadaabta alle ka kor yeelo.
Hooyo waan ku jecelahay.
Siciid Xagaa.

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *