Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro badan iyo ereyo kala duwan oo uu qof kastaa ku cabbiro jacaylka uu qofka kale u qabo. Waxa ugu caansan ereyga ‘Waan ku jecelahay’.

Dad badan ayaa qalad fahmay jacaylka, waxa aanay ku soo koobeen ereyo ay si fudud afka uga yidhaahdaan oo qofka kale ay ugu sheegayaan in ay jecelyihiin ama ugu cabbirayaan illaa xadka uu gaadhsiisanyahay jacaylka ay u qabaan. “Waan ku jecelahay” ayaa ah erey caan ka dhex ah bulshada oo aynu joogto uga maqalno suugaanta, filimada iyo qisaska kala duwan ee jacaylka. Si kastaba ha ahaato ee baadhitaanno lagu sameeyey raadaynta uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ ku leeyahay qalbiga qofka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan siyaabo badan oo ka saamayn badan oo qofku uu jacaylkiisa qofka kale ugu cabbiri karo isaga oo aan ereygan badhaysiga noqday isticmaalin.

Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ereyga ‘Waan ku jecelahay’ oo marag cad u noqon kara jacaylka aad qofka u qabto, si aad u xeeldheerna qalbigiisa u taabanaya.

  1. Taageero iyo garabjoog joogto ah

Aadamuhu mar kasta oo uu hawlgalo ama noloshiisu weji cusub yeelato, gaar ahaan xilliga duruufuhu ku adagyihiin waxaa ku beerma cabsi ah in cid garab istaagto uu waayo. Jacaylkaaga ku qanci in aad diyaar u tahay in aad wax kasta u samayso si aad isaga u caawiso.

Qofka oo aad qalbigiisa ku abuurto dareen ah in uu isku halleeyo taageeradaada iyo in aad garab istaagayso xaaladaha adagi waxa ay ku abuurtaa jacayl aan duugoobin si kasta oo uu marka dambe kaaga durko, waxa aanu xidhiidhkiinna oo dhami ku dhisnaanayaa xurmo iyo sharaf siin. Jacaylkaaga ama mataanka aad nolosha wadaagtaan oo fahma in riyada iyo himilada aad leedahay ay ka mid tahay garab siintiisu, iyo sida aad ugu diyaarsan tahay in aad samayso wax kasta oo kaa caawinaya rumaynta arrintaas ayaa ku filan in qalbigiisu si buuxda u aqoonsado jacaylka aad u qabto.

  1. Garab istaag

In qofka aad jeceshay aad u muujiso in aad ku garab taagantahay duruufaha kala duwan ee noloshu waa arrin qofka ku abuuraysa xasilooni qalbiga ah. Maalmaha adag iyo marka uu qofku dhib la kulmo oo aad u muujiso garab istaag iyo in aad ka gacan siinayso sidii uu uga bixi lahaa waxa ay ku abuurtaa kalsooni iyo jacayl kale oo dheeraad ah oo uu qofka ka adkaado. Waxaana ka dhasha in qofku isaga oo aanad ka dalban uu isaguna markiisa garabkaaga istaago marka aad xaaladaha adag ku jirto. Waa habdhaqan ka qiimo iyo miisaan badan afka oo aad kaga celceliso waan ku jecelahay. Waana fure qalbiga qofka aad ku qabsan karto.

  1. Isbeddel raadin

Khataraha soo waajaha jacaylka lammaanaha waxaa ka mid ah in midkood uu doono in kan kale uu isu beddelo sida uu isagu rabo ama ku qancayo. Qof kastaa waxa uu leeyahay dabeecad u dadka kale kaga suntan yahay iyo habdhaqanno qaarkood laga yaabo in aanay qof ka kale raalligelin. Waa dhab in jacaylku indha la’ yahay, waayo waxa uu ina faraa in aynu aqbalno ceebaha uu qofka aynu jecelnahay leeyahay, waxa aanaynu nafta barnaa sida ay dabeecadahaas iyo ceebahaas ula macaamili karto. In qofka aad ku jeclaato sida uu asalkiisu yahay adiga oo aan ka doonayn isbeddel waxa ay sii xoojisaa jacaylka uu qofkaasi kuu qabo. Laakiin haddii jacayl iyo xidhiidh kaddib uu lammaanaha midkood kan kale ka doono isbeddel ama in aragtidiisa iyo taladiisa oo keliya lagu socdaa waxa ay khatar ku tahay niyaddii iyo jacaylkii labada qof isugu yimaaddeen.

Jacaylkaaga ku xaqdhowr dabeecaddiisa abuurka ah, haddii aad marka hore iska indhatirtayna ka digtoonow in aad mar dambe ka doonto isbeddel.

4. Ha ka dheeraan

Qof kastaa waxa uu jecelyahay in mataankiisa noloshu aanu ka dheeraan, in lammaanaha is qabaa meel ku wada nool yihiin waxa ay sii xoojisay jacaylka ka dhexeeya. Jacaylkaaga u muuji in aad la jooggiisa ku nasato, ku dadaal in aad xafladaha iyo munaasadaha qaar u raacdo, una sheeg in aad caajis iyo wehel la’aan dareento marka aanu ku hareer joogin. In qofka aad jeceshay uu ogaado in agjooggiisu wehel kuu yahay, in aad jeceshay raacistiisa iyo sheekadiisu waxa ay jacaylka lammaanaha u xoojisaa si ka badan sida uu ereyga ‘Waan ku jecelahay’ u xoojiyo.

Jacaylkaaga dareensii in maalin kasta oo cusubi ay ka duwan tahay maalintii ka horreysay xiisaha aad u qabtaana sii xoogeystay

Qir saamaynta uu jacaylkaagu kugu yeeshay

Waxaa hubaal ah in labada qof ee is jecel mid kastaa uu kan kale saamayn ku yeelanayo, xaaskaaga ama saygaaga u sheeg waxyaabaha wanaagsan ee uu noloshaada ku soo kordhiyey. U qir in uu noloshaada isbeddel fiican ku keenay. Mar kasta oo qofka uu xidhiidhka jacayl idinka dhexeeyaa ogaado in jacaylkiisu sabab u noqday in maanta aad ka fiican tahay shalay, waxa ay ku sii kordhisaa jacayl iyo xiise dheeraad ah oo ka awood badan in aad afka ka odhan lahayd ‘Waan ku jecelahay’

Doorbidis

Qofka aad jeceshay oo aad ka dareento in uu naftaada iyo jacaylkaaga awgii u hurayo xitaa waxa ay naftiisu jeclaan lahayd, waxa ay sii xoojisaa jacaylka. Jacaylkaaga oo ogaada in wax kasta aad raalligelintiisa u hurayso, iyo in wax kasta isaga aad ku horreysiinaysaa waxa ay ka awood badan tahay ereyga waan ku jecelahay oo aad ku tidhaahdo. Waxa ay muujisaa xurmayn iyo wanaag aad u hayso, sidaas ageed waxa uu qalbigiisu ku xasilaa jacaylka uu kuu qabo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Marjaan

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *