Haddii Dhakhtarku Ku Weydiiyo Arrimahaan, Ha Ka Been Sheegin!

Daacad u ahow dhakhtarkaaga oo ka run sheeg haddii uu ku weydiiyo su’aalahaan soo socda:

1. QALLIIN HORE U SAMEYSAY:

Marka uu ku wareysanayo dhakhtarkaaga waxa uu ku weydiinayaa su’aalo fara badan oo la xariira caafimaadkaagi hore, weligaa haka been sheegin taariikhdaada caafimaad ee ku soo martay, gaar ahaan haddii aad horay usoo martay qalliin, waayo waxaa dhaci karta in cilladda aad u timid ay xariir la leedahay qalliinka aad sameysay muddo ka hor.

2. DA’DAADA:

Da’du waa muhiim inaad si saxan u sheegtid, waxaa jira xanuunno ku badan da’ gooni ah oo aan laga helin cimriga intiisa kale. Da’da oo aad run ka sheegtaa waxa ay kaa saacidi kartaa waxyaabo badan oo xanuunkaaga la xariira oo aan la garan laheyn haddii aad da’ been ah qoratid.

3. CUNTADAADA:

Nooca raashinka aad cunto inaad dhakhtarka usheegtid marka uu ku weydiiyo waa qasab. In badan xanuunnada la xariira dheefshiidka iyo nafaqeynta waxa ay si qoto dheer xariir adag ula wadaagaan nooca raashinka aad isticmaasho.

4. SIDA AAD U ISTICMAASHO DAWADAADA:

Marka uu dhakhtarkaaga kuu qoro dawo, muddo kaddibne aad u soo laabato adigoo ka cabanaya isla cilladi, waxa uu ku weydiinayaa sidaad u isticmaashay dawadi uu ku siiyay, waxa lagaa doonayo waa inaad si daacad ah ugu sheegtid habka aad u isticmaashay dawadi, haddii ay kaa khaldaneyd wuu ku saxayaa, haddii aadan khaldaneyne sida habboon ayuu kugu hagayaa.

5. BALWADDAADA:

Dhakhtarku waxa uu ku weydiinayaa inaad balwad leedahay, nooca balwaddaada, imisa jeer baad maalinti isticmaashaa, iwm. haka been sheegin balwaddaada iyo habka aad u isticmaashid, waayo waxaa ku xiran caafimaadkaaga.

6. DAWOOYINKA DHEERIGA AH EE AAD ISTICMAASHO:

Dadka qaar waxa ay si joogto ah  u qaataan dawooyin iyo dhir fiitamiin ahaan u isticmaalaan iyadoon loo qorin, dhakhtarkaaga u sheeg tirada aad ka cuntid, sida aad u isticmaashid iwm. waxa uu doonayaa inuu ku caawiyo ee ma ahan inuu wax kaa sheegayo. Waxyaabaha la xariira dawo dhireedka waxaa ka imaan karta khatar caafimaad oo badan, u sheeg dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo talada ugu habboon.

7. HADDII AAD DHICISTAY AMA DILANTAY:

Inaad dhakhtarkaaga u sheegtid dilanka ama dhiciska ku soo maray waxa ay ka caawineysaa inuu qiimeyn sax ah ku sameeyo xanuunka aad ka cabaneysid.

8. WAXA AAD DAREEMEYSID MASKAX AHAAN:

marka uu dhakhtarku ku weydiiyo dareenkaaga u sheeg sida aad wax u aragtid ama u dareemeysid, si wareysigiisu u noqdo mid nuxur leh waa inuu dareemaa inaadan dareenkaaga ka qarineynin.

9. XARIIRKAAGA GALMADA:

Haddii uu ku weydiiyo dhakhtarkaaga inta xaas ee aad leedahay ama ninkaagu xaasas kale leeyahay runta u sheeg hana ka labalabeyn. Waxaa jiraa xanuuno la isugu gudbiyo galmada, waana muhiim in wareysigaaga laga helo inaad xaas tahay ama leedahay.

10. MARKI KUUGU DAMBEYSAY AAD DHAKHTAR AADID:

Dhakhtarkaaga haddii uu ku weydiiyo runta sheeg, dadka qaar qaba cudurrada raaga (Chronic Diseases) waxaa la faraa inay sameeyaan la socosho xanuunkooda ah mar walba, dhakhtarka markaad u tagtid waxa uu ku weydiinayaa goorma ayaa kuugu dambeysay ee aad checking sameysay?

W/Q: Dr Cabdulqadir Insi

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *