Carruurtaada Ha ka Qarin Xaaladda Dhaqaale Ee Qoyska Laakiin Ha U Sheegin Dakhligaaga!!

Hamsata Yuunis oo ah lataliye dhinaca Barbaarinta Carruurta ah ayaa waraysi ay siisay shabakadda Almiidaan waxa ay ku sheegtay in ay habboon tahay in waalidku aanu carruurtiisa ka qarin xaaladda dhaqaale ee qoyska. Waa in waalidku uu Carruurta uu u caddeeya xaaladda guud ee dhaqaale iyo duruufaha ku xeeran ee aan laga gudbi karin, sidaas awgeed ay waajib tahay in lala noolaado. In uu ilmuhu ka warhayo xaalad kasta oo dhaqaale oo uu qoysku marayaa waxa ay ilmaha dareensiinaysaa in uu qayb muhiim ah ka yahay, iyo in uu kaalin wax ku ool ah ku leeyahay.

Beth Kobliner oo ah qoraa iyo saxafi Maraykan ah oo aad uga faaloota maamulka maaliyadda shakhsiga ah ayaa kitaabkeeda ‘Make Your Kid A Money Genius (Even If You’re Not)’ waxa ay kaga hadlayso sida ugu habboon ee ilmaha loogu tababari karo xisaabta iyo maamulka maaliyadda, gaar ahaan marak da’da ilmuhu u dhexeyso 3 illaa 23.

Beth Kobliner mar ay jeedisay khudbad dadweyne oo ay maamulka iyo xisaabta maaliyadda shakhsiga ah kaga hadlaysay waxa ay sheegtay in waqtiyadan dambe ay waalidiintu u furfurmeen in ay carruurtooda kala sheekaysan karaan arrimo xasaasi ah oo jinsiga iyo maandooriyuhu ka mid yahay, laakiin weli Arrimaha maaliyadda la xidhiidhaa ay ka mid yihiin waxyaabaha mamnuuca ka ah in ay kala hadlaan. Dhaqankaas ayaa ay ku tilmaamtay mid qaldan, in kasta oo ay iyada qudheedu qirtay in ay jiraan qodobbo maaliyadeed gaar ah oo ay tahay in aan ilmaha loo sheegin, waxaana ka mid ah:

  1. MUSHAHARKAAGA BILLAHA AH:
    Ma jirto sabab innagu kallifaysa in aynu Carruurta kala hadalno tirada ama xaddiga mushaharka billaha ah, ama dakhliga ku soo gala. Dhibaatada ugu weyni waa ilmaha oo aanay maskaxdiisu awood u lahayn in ay isu eegto dakhliga aad u sheegto oo mar kasta tiro ahaan la badanaya iyo kharashka oo intiisa badani isaga ka qarsoontahay ama aanu qiimihiisa fahmi karin. In ilmaha loo sheego mushaharka iyo dakhliga qoysku waxa ay sbabai kartaa in maskaxdiisu ay qaadato sawir ah in aad haysato dhaqaale ku filan in aad ku bixiso dalabaadkiisa oo dhan, muhiimka iyo ka aan muhiimka ahayn labadaba.
  2. LABADA WAALID MIDKEE DAKHLI BADANI SOO GALAA:
    Haddii labadaba waalidba ay shaqeeyaan ama siyaabo kale uu dakhli u soo galo waxa awaajib ah in ay iska ilaaliyaan in ay Carruurta hortooda kaga sheekaystaan dakhligooda iyo sida uu u kala badan yahay. Muhiim ma’aha in ilmaha yar loo sheego tiro cad oo dakhliga maaliyadeed ee waalidka ah. Waxa ay ilmaha maskaxdiisa u diraysaa farriin ah in labada waalid midkood uu bixinta kharashaadka qoyska ka badsato kan kale. Ma fiicna in ilmuhu uu fahmo in kharashka qoysku uu labada waalid midkood uun bixiyo ama badsado bixintiisa, xitaa haddii uu aabaha yahay.
  1. HAB DHAQANKA MAALIYADEED EE DADKA KUGU XEERAN
    Muhiim ma’aha in ilmahaaga aad u sheegto aragtida aad ka qabto xaaladda maaliyadeed ee adeerkii ama habaryartii ama qof kale oo qoyska ka mid ah. Tusaale ahaan in aad ku dhaliisho in uu bakhayl yahay ama ku xamato in uu Xoolaha bilaa xisaab ugu takri falo iwm.
    Arrintani waxa ay keenaysaa in ilmuhu u qaato in xidhiidhka qoysnimadu uu inta badan ku xidhan yahay heerka maaliyadeed ee uu qof kasta taagan yahay.
  2. QIIMAHA MAALIYADEED EE HADYADDA:
    Waalidku waa in uu iska jiro in ilmaha uu u sheego qiimaha hadyadda u uu soo iibiyey. Taasi waxa ay tashuush ku furaysaa farxaddii ay hadyaddani ilmaha ku abuuri lahayd. Haddii ay hadyad badan tahay, markan oo laga yaabo in ay mustaqbalka ku abuurto dareen qawadaya hadyad kasta oo aan aad u qaali ahayn oo la siiyo ama haddii ay yartahay oo laga yaabo in farxaddii uu shaygan u qaadi lahaa hoos u dhacdo marka uu u arko shay qiimihiisu aad u hooseeyo.
    In ilmuhu uu ogaado qiimaha hadyaddu waxa ay saamayn ku yeelanaysaa farxaddiisa iyo ka mahadcelinta hadyadda xitaa haddii ay yartahay.
  3. HADYADDA ILMAHA AAD SIINAYSO HA KA DHIGIN CIQAAB AMA ABAALMARIN
    Cilmibaadhis ay sannadkii 2014 kii samaysay jaamacadda University of Missouri, Colombia ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in Carruurta ay aabayaashood dhaqanka ka dhigtaan in hadyadda ay ilmaha siinayaan tahay mid ciqaab ama abaalmarin ah ay inta badan ku dhacdo xaalad ah in uu aamino in guusha noloshu ay iyadu jaangoyso Nooca iyo tirada waxyaabaha maaddiga ah ee uu Qofku helayo, sidaas awgeed in uu waxyaabaha qaar guul ka gaadho uu ku mutaysanayo soo jiidashada dareenka dadka.
  4. WARWARKA AAD KA QABTO KHARASHKA WAXBARASHADA ILMAHA
    Waalidku waa in aanu ilmaha dareensiin warwarka uu ka qabo bixinta kharashada waxbarashada. Waa arrin dunida oo dhan ka jirta in waalidku ka warwaro kharashaadka waxbarashada heer jaamacadeed ee ilmihiisa, gaar ahaan marka ay carruurtu badan tahay.
    Waa ay kala duwanyihiin in ilmaha lagala sheekaysto jaamacadda iyo kharashaadkeeda, iyo in loo soo bandhigo warwarka laga qabo awoodda sii bixinta kharashkaas. Ka dheeroow in aad si taban uga hadasho kharashka ilmaha waxbarashadiisa kuliyadda ama jaamacadda ku baxda. Ha uga caban in uu culays gaar ah iyo cabsi sii wadistiisa mustaqbalka ah kugu hayo.

Waa arrin aad u fudud in ilmuhu uu fahmo xeeldheerida hadalka, sidaas awgeed waxaa dhici karta in hadalkaagu uu ku abuuro walaac iyo walbahaar uu ka qabo culayska badan ee waxbarashadiisa jaamacaddu kugu hayso. Haddii ilmuhu waalidkii aad u jecelyahayna waxaa dhici karta in uu diido waxbarashada jaamacadda isaga oo marmarsiinyo kale sheegaya laakiin runtu tahay in uu ka walaacsanyahay culayska dhaqaale ee ay waalidka ku hayso.

Kamaal Marjaan

www.aljazeera.net

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *