Haddii Aad Imika Jaamacadda Bilaabayso Ama Qof Aad Talo Gaadhsiin Kartaa Uu Bilaabayo…

Waxaa inoo bilowday sannad dugsiyeedkii cusbaa ee 2022/2023, waxaa marxaladdii waxbarasho ee dugsiyada soo dhammaystay arday badan oo hadda isu diyaarinaya jaamacadda.

Waxaa waajib ah in arday kastaa uu ogaado in heerka jaamacaddu uu aad uga duwan yahay waxbarashadii dugsiga; waxaa ku qasbayey oo arrimahaaga oo dhan maamulayey waalidka ama ciddii kale ee masuulka kaa ahayd, macallimiinta qudhooduna si adag ayaa ay kula xisaabtamayeen oo waajibaadka waxbarasho iyo imaanshiyahaaga dugsigaba si dhow ayaa ay ula socdeen.

Jaamacaddu sidaas ma’aha! Waxa aad markii ugu horreysay si buuxda uga masuul noqonaysaa waxbarashadaada, iyo xitaa naftaada. Saacadda aad tegeyso, waxa aad baranayso, halka aad doonayso in aad ka gaadho waxbarashada, mihnadda iyo xirfadda aad naftaada la jeceshahay iyo jidka aad u marayso gaadhista yoolkaagaba adiga ayaa jaangoynaya. Waa masuuliyad laba af leh oo haddii aad si sax ah u maaraysana guul bilowgeed kuu noqonaysa, haddii aad la hallowdana mustaqbal madow kugu hagaysa.

Haddii aad tahay arday marxaladdan xasaasiga ah hadda bilaabaya, haddii aad waalid u tahay arday bilaabaya, iyo haddii aad meel uun talo ka gaadhsiin karto ardayda marxaladdan gelaysaba qormadan akhri oo talooyinka ay xambaarsantahay sii faafi.

TEERAMKA KOOWAAD WAA SEESKII EE ISKA ADKEE

Waxa ay xeeldheerayaasha waxbarashada iyo barbaarintu aaminsan yihiin in teeramka koowaad ee jaamacaddu uu yahay seeskii ay qaybaha dambe oo dhami ku dul dhismayeen. Tusaale ahaan, haddii wadarta guud ee imtixaanka teeramka koowaad aad keento natiija u dhiganta shan meelood saddex ama boqolkiiba 60 iyo ka yar, xaalkaagu aad ayuu u adagyahay, waxaana hubaal ah in sannado adag oo dambe ku sugayaan, takhasus fiican oo aad diyaarisaana kugu adkaan doono. Halka haddii aad keento Shan meelood afar iyo badh ama boqolkiiba 85 illaa 90, ay bidhaan u tahay guul aad ka samayn doonto waxbarashada mustaqbalka, iyo in aad heer dhexdhexaad ah ku sii wadan karto waxbarashadaada.

Mar kale natiijada aad ka gaadho imtixaanka guud ee Teeramka koowaad ayaa jaangoynaysa takhasuska aad mustaqbalka guul ka samayn karto. Ku dadaal in teeramka koowaad aad geliso dadaal badan oo sees adag kuu noqda.

WAX ISBAR

Jaamacad baan bilaabay macnaha koowaad ee ay leedahay waa in aad ka soo baxday xilligii qalinka iyo hoggaanka waxbarashada laguu hayey, hadda kaddibna tilmaam uun macallinku ku siin doono, balse ay adiga kuu taallo hawshan miisaankeedu, lagaana rabo in aad wax is barto.

Ku dadaal sidii aad u noqon lahayd qof naftiisa ku tiirsanaan kara, xitaa maaddooyinka qaarkood isagu is bari kara Macallin la’aan. Haddii aanad sidaas yeelin saadaasha waxbarashadaada mustaqbalku ma fiicna.

AFKA INGIRIISIGA

Barashada iyo ku xeeldheeraanta afkaaga hooyo waa muhiim, waana sababta ay waxbarashada dugsiga hoos ugu fiican tahay in afka hooyo lagu dhigto. Laakiin ma ogtahay in carro-edegeynta (Globalization) adduunka maanta ka jirtaa ay abuurtay isdhexgal bulsho, dunidiina ay ku socoto in ay af Ingiriisiga isku wada fahamto. Ma se la socotaa in horumarka sayniska iyo teknoolajiyadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhinacyada nolosha ee maanta la gaadhayaa uu gebi ahaantiiba ku diyaarsan yahay afka Ingiriisiga. Waa sababta aan hore ugu idhi, afka Ingiriisigu waxa uu ku sii siqayaa in uu noqdo cilmi ay tahay in iskii loo barto.

Ku dadaal in aad muhiimad xooggan siiso Barashada afka ingiriisiga, weliba waqtigan aad jaamacadda bilowday, ku hadalka waxaa kaaga sii muhiimsan Barashada xeerarka iyo hab qoraalka afkan iyo fahamka akhriskiisa, Af kasta oo ay barayaasha jaamacaddu duruusta ku sharraxayaan, haddana afka ugu badan ee ay koorsooyinka ama ugu yaraan tixraacyadu ku diyaarsan yihiin waa Ingiriisi. Waxa intaas dheer in Afka Ingiriisigu uu aasaas u yahay shaqadaada mustaqbalka iyo mihnadda aad noloshaada ugu talagashay nooc kasta oo ay tahay.

Haddii aad dareensantahay in jaamacadda aad dhigataa aanay luuqaddaada Ingiriisiga dhisayn, ku dadaal in aad meelo kale ka barato koorsooyin dheeraad ah oo afka Ingiriisiga ah, adiga qudhaaduna dadaal geli in aad is barto.

ADKAYSI U YEELO CULAYSKA

Waxbarashada jaamacaddu waa ay ka culays badan tahay tii dugsiga, cilmibaadhis, tixraacyo raadis, buug daalacasho, qoraallo iyo waajibaad kala duwan ayaa mar kasta kuu yaalla. Marka la gaadho teeramka toddobaadkiisa sagaalaad illaa saddex iyo tobnaadna waxa ay u badan tahay in culaysku uu sii kordho, waajibaadka dhammaadka teeramka ee laga sugayo ayaa kordhaya.

Haddii waajibaadka dugsigu ay ahaayeen kuwo maalin ama laba keliya laga sugayo, Jaamacadda waxaa dhacda in aad muddo haysan karto. Taasi waxa ay inta badan hoddaa ardayga, gaar ahaan kuwa wahsiga ama mashquulku ku badan yihiin oo naftu ku marrarowsiiso in weli waqti u hadhay, illaa waqtigii oo dhacay uu arko. Ka gaadhsiiska ka dhashaana waxa uu sababaa dhammaystir la’aan iyo dhooba eri uu ku kasbado dhibco hoose. Waxa kale oo dhacdaba in waqtigu sidaas kaga dhaco oo dhibcahaas uu waayo.

Weligaa shaqada jaamacaddu kaa sugayso dib ha u dhigan, xitaa haddii aad waqti badan haysan karto. In aad u badheedho nasasho hore oo khatartaas keeni karta, waxaa ka fiican culays shaqo oo hore in ay nasasho ka dambayso.

JAAMACADDA OO KELIYA MAYA!

Daalka badan ee ardaygu nafsad ahaan u dareemayo xilliga dugsiga, ayaa marka uu dhammeeyo waxa uu ku keenaa in uu jaamacadda u arko waqti nasasho iyo firaaqo badan uu helayo, laakiin waa fikir aan sax ahayn. Marka laga tago waajibaadka culus ee jaamacadda, waxaa muhiim ah in aad naftaada u sheegto in marxaladda aad maraysaa ay tahay tii ugu habboonayd ee aad mustaqbalkaaga waxbarasho ku saxaysay, waxa aanay u badan tahay in ay tahay waqtigii ugu muhiimsanaa ee aad mihnaddaada mustaqbalka ku toosin kari lahayd.

Ha ku ekaan waxbarashada jaamacadda ee ku dadaal in aad naftaada u diyaariso aqoon korodhsi iyo diyaargarow ka baxsan jaamacadda. Nolosha casriga ah ee teknoolajiyaddu hoggaaminaysaa wax badan ayaa ay fududaysay, adiga oo waxbarashada jaamacadda wada ayaad internet ka aqoon ka korodhsan kartaa, ama koorsooyin dheeraad ah ka qaadan kartaa kulliyadaha iyo xarumaha waxbarasho ee kale.

Adduunyada waxaa dhacda in bilaha jaamacaddu fasaxa tahay uu ardaygu qaato waxbarasho kale; maxaa diidaya in aad qaadato koorso saddex bilood oo farsamada gacanta ah, ama aad barato culuumta kala duwan ee kombiyuutarka iyo teknoolajiyada ama duubista, isku dubaridka, qurxinta iyo habaynta filimada iyo Sawirrada ayaa aad baran kartaa, culuumta iyo xeeladaha habqoraalka tolmoon ayaa jira, saxaafadda ama gurmadka degdegga ah ee caafimaadka iyo kalkaaliyenimo ayaad baran kartaa.

Waxan oo dhammi waa ay ku anfacayaan xitaa haddii takhasuskaaga jaamacaddu uu ka duwan yahay, ama shaqadaada mustaqbalku ay ka jaad duwanaato. In badan ayaa ay dhacday in ardaygu takhasuskiisa ku xoogsan kari waayo, taas beddelkeedana noloshiisa dambe oo dhan uu ka dabbaro xirfad kale oo uu bartay ama is baray, laakiin weli waxbarashadii jaamacaddu waa muhiim.

Marar kalana waxaaba dhacda isaga oo aqoontiisa ku shaqaysanaya in xirfadahanna uu ku helo shaqo dadban oo dakhli dheeraad ah uu ka sameeyo.

HA DHAYALSAN ISU XILQAANKA ARRIMAHA BULSHADA

Si muuqata uga qayb qaado hawlaha iskaa wax u qabsada ah iyo is xilqaanka bulshada dhexdeeda, Sida dad la caawinayo, gacan ka geysashada hawlaha gurmadka xaaladaha degdegga ah, qaadhaan ururinta, naadiyada dhalinyarada ee aqoon korodhsiga iyo iskaashiga ah iwm.

Waa hawl fursad kuu siinaysa in aad bulshada dhexgasho, taas oo leh faa’idooyin ay ka mid tahay waayoaragnimo iyo faham nololeed oo kuu kordha, heerkaaga dhexgalka bulshada oo dhisma iyo shakhsiyaddaada oo awood yeelata.

Weligaa ka dheeroow in aad gooni joog noqoto, ogow in ka qaybqaadashada hawlaha bulshadu ay si weyn uga qayb qaadanayso dhismaha xirfaddaada shakhsiga ah. Hawlaha is xilqaanka ah ee jaamacaddaada gudaheeda ku jira ayaa ay tahay in aad ka bilowdo, sida ka qaybgalka naadiyada iyo ururrada kala duwan ee jaamacadda dhexdeeda laga sameeyo.

Dadka ugu badan ee shaqooyinka hela xilliga ardaynimada jaamacadda ama isla marka ay dhammeeyaan uun, iyo dadka goor hore hela sumcad iyo magac u fududeeya shaqo heliddu waa kuwa ka dhex muuqda hawlaha iskaa wax u qabsada ah ee bulshada dhexdeeda magaca fiican kaga kasbada.

DHISO SHABAKAD XIDHIIDHO AH

In aad marxaladda jaamacadda soo gaadhay waxa ay ka dhigantahay in aad soo gaadhay kadinta nolosha adduun ee waayaha badan. Waa halka aad ka bilaabi karto xidhiidhada mustaqbalka ku anfaci kara. Ma’aha xidhiidhada aad la yeelanayso ardayda oo keliya, balse waxaa muhiim ah in aad ku dadaasho sidii aad xidhiidho kala duwan ula yeelan lahayd cid kasta oo khibrad, hoggaamin ama indheergaradnimo aad ku ogtahay ama laguugu sheego.

Waxa aad ka heli waayoaragnimo iyo aqoon kuu korodha oo mararka qaarkood laga yaabo in aanad jaamacaddaba ku baran. Waxaa ka sii fiican ee aad ka helaysaa waa xidhiidho laga yaabo in ay fududeeyaan shaqo raadiskaaga dambe.

Waxaa la yidhaahdaa, adduunyadu ma’aha ‘Maxaad taqaannaa ee waa yaa aad taqaannaa’ macnaheedu waa in marar badan aqoontaadu si ay kuu waddo ay u baahan tahay cid marka hore iba furta iyo shakhsiyaad kalsooni kugu qaba oo laga yaabo in ay kuu fududeeyaan shaqo raadiska.

Mar kasta ku dadaal in aad barato shakhsiyaadka waxtarka leh ee laga yaabo in ay noloshaada faa’ido u leeyihiin. Tusaale ahaan ka qayb gal munaasabadaha doodda, falanqaynta iyo khudbadaha cilmiga ah ee dadka muhiimka ahi imanayaan si aad fursad ugu hesho in aad dad fiican ka barato.

YEELO SAAXIIB JAAMACADDA KAA AGDHOW

Marka aad waxbarashada jaamacadda bilowdo waxa ugu horreeya ee aad raadisaa ha noqdo jaal iyo saaxiib waxbarashada aad iska kaashan kartaan. Waxbarashada jaamacaddu kama maaranto jaal aad duruusta soo wada akhridaan, waajibaadka iska caawisaan, Rugta akhriska kutubta kuu raaca, cilmibaadhista aad iska kaashataan, nolosha waxbarasho ee jaamacadda oo dhanna wehel kugula noqda.

W/Q: Kamaal Marjaan

https://www.facebook.com/marjaankam

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *