Hababka Ugu Habboon Ee Uu Qofku Isaga Oo Gurigiisa Jooga Lacag Ku Shaqaysan Karo

Nolosha Casriga ah ee adduunyadan aynu ku noolnahay waa ay abuurtay duruufo nololeed oo mar kasta aanay is daboolayn dakhliga qofka soo gala iyo kharashaadka uu u baahan yahay in uu isticmaalo. Dadka badankooduna waxa ay ku jiraan kifaax iyo halgan ay ku raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen ilo dakhli oo ku sii kordha kuwa ay hadba haystaan.

Maqaal ay haweenayda qoraaga ah ee Ally Semniego ku qortay majaladda Clara ee afka Spanish ka ku baxda ayaa ay ka warrantay talooyin ay la tahay in ay noqon karaan ilo labaad oo uu qofku ka helo dakhli u kaba intiisa rasmiga ah.

Ally Semniego waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, dad badan ayaa is weydiinaya in ay suurtagal tahay in qofku uu lacag xoogsado isaga oo gurigiisa jooga ama hawlihiisa kale ee rasmiga ah wata, jawaabta aan dadkaas anigu u hayaa waa ‘Haa’ waa aad soo saari kartaan dakhli labaad.

Ally waxa ay sheegtay in qof kastaa uu soo saari karo dakhligaas, laakiin ay tahay marka uu noqdo qofka leh tilmaamo ay ka mid tahay; ruux hindise, is nidaamin, xil kastnimo, iyo in uu leeyahay karti uu kaga gudbi karo caqabadaha ka sokeeya dakhliga uu raadinayo gaadhistiisa.

‘Dadka lacagta shaqaysta iyaga oo guryahooda joogaa, inta badan waa dad leh maskax ganacsade, oo mar kasta raadinaysa fursado ay ku heli karto faa’iido lacageed. Qof dhiirran oo khatarta u badheedhi kara, qof leh karti uu naftiisa ku kulmin karo ku raaxaysi iyo shaqo wada jira, iyaga oo firfircooni ku hawlgelaya, hal-abuur la imanaya, isla markaana jecel shaqada ay qabanaayn.

Qoraa Ally Semniego waxa ay maqaalkeedan ku soo bandhgitay habab ay u aragto in ay yihiin kuwa ugu habboon ee uu qofku isaga oo gurigiisa jooga lacag ku shaqaysan karo:

SAMAYSO GOLE INTERNET KA AH
Teknoolajiyadu waxa ay ka mid tahay hababka ugu badan ee casrigan dhaqaale laga sameeyo. Qoraaga Ally Semniego waxa ay ku talinasaa in samaysashada gole shabakadda internet ka ahi ay ka mid tahay hababkaas dhaqaalaha lagu samayn karo.

Inkasta oo uu isticmaalka baraha bulshadu si xawli ah u kordhayo, haddana waxaa weli jiray habab uu qofku dhaqaale kaga samayn karo bogagga internet ka ee loo yaqaanno ‘Forum’ ka. Waxa se ay u baahan tahay fikir badan in la geliyo iyo in qofku dadaal ku bixiyo sidii uu golihiisa ‘Forum’ ugu qori lahaa macluumaad iyo qormooyin dadka xiise geliya. Marka uu boggu noqdo mid bulsho badani ku xidhan tahay waxaa si sahal ah loo suurtagelin karaa in lagu xidho xayeysiisyada suuqgeynta ee ganacsatadu samaysanayo, waxa kale oo laga dhigi karaa madal leh qayb loo adeegsado iibka.

Waxa keliya ee ay u baahan tahay waa in qofku uu hal abuur la yimaaddo, in uu helo kombiyuutar iyo internet iyo in uu bilowga helo farsamo qurux badan oo uu cid xeeldheere ahi u dhigto dhismaha shabakadda ama golaha uu doonayo in uu ku baahiyo xogta.

Tirokoobyo lagu sameeyey lacagta laga faa’iido teknoolajiyada ayaa muujiyey in dhaqaale fiican laga samayn karo xayeysiisyada ay dadku ku baahiyaan bogagga ay ku leeyihiin internet ka ee ‘Websites’ ka iyo madalaha ‘Forums’ ka loo yaqaanno.

KAALIYE KU-MEELGAADH AH

Shirkadaha waaweyn dhibaatooyinka ugu badan ee ka jira waxaa ka mid ah shaqaalaha iyo shaqada taalla oo aalaaba kala badan, taas oo keenta in mar kasta ay jirto baahi kaaliyeyaal waqtiyo kooban hawlo u dhammaystira. Waxaa iyaguna fursado kaaliye laga helaa shirkadaha iyo ganacsiyada bilowga ah ee aanay weli ku filnayn waayo-aragnimada iyo aqoonta ay u baahan yihiin qaybaha kala duwan ee shaqadu. Ally Semniego waxa ay maqaalkan ku sheegaysaa in sannadihii u dambeeyey ay dunida ku soo badanayaan fursadaha kaaliyenimo, oo ah in qofku saacado kooban shirkad ama meherad ganacsi ugu shaqeeyo.

Hawlaha ugu badan ee kaaliyeyaasha loogu baahdo ayaa ay Ally sheegtay in ay ka mid tahay nidaaminta xafiiska iyo dhukumantiyada kaydka ku ah, xirfadda tababaridda shaqaalaha qaybahooda kala duwan, nidaaminta qaybta xidhiidhka dadweynaha ee ganacsiga ama xafiiska, iyo xirfado badan oo aanay goobaha shaqadu ka maarmin.

Waa in aad shirkad kasta tijaabiso in aad ka heli karto shaqo aad waayo-aragnimo iyo aqoon u leedahay oo aad waqti kooban iyo kharash aan aad u badnayn kaga caawin karto hawlo shaqo oo ku meelgaadh ah, xitaa haddii ay tahay in aad shaqaalaheeda ku tababarto xidhiidhka internet ka, ama in aad adigu qaaddo masuuliyadda ah in aad adigu u qaabilsanaato xidhiidhada internet ka iyo adeegyada kale ee la midka ah, oo xidhiidhada taleefannaduna ka mid yihiin.

LA TALIN IYO XAYEYSIIS

Haddii aad isku ogtahay aragti dad badani soo dhoweeyaan, iyo in taladaada la xiiseeyo. Maxaa kuu diidaya in aad ka dhigto fikir aad dhaqaale ku hesho, dadkana ugu faa’iidayso. Adduunka waxaa dhaqaale badan laga sameeyaa shirkado iyo xafiisyo la talineed oo kala duwan, xitaa cuntooyinka, is qurxinta, iyo safarka ayaa ay dadka qaar ka bixiyaan talooyin dhaqaale ka soo galo.

Bar bulshadaada in ay u baahan yihiin la talin, dugsiyada waxbarashada, xafiisyada shaqada, dadka iska caadiga ah ee dhibaatooyinka bulsho, dhaqaale ama siyaasadeed haystaan, iyo ganacsatada doonaysa in ay suuq u helaan ganacsigoodu dhammaan tood xitaa haddii aanay ogeyn waxa ay u baahan yihiin latalin, u tag, oo bar faa’iidada la talinta ku jirta, una caddie sida aad kaalinta u buuxin karto.

Laakiin marka hore inta aad dadka kugu xeeran waraysato, kaddibna kelidaa fadhiiso oo waxa aad qortaa meelaha aad u awood iyo aqoon badan tahay iyo waayo-aragnimada aad leedahay ee aad ogtahay in aad wax ku tari karto cidda aad latalinta ka doonayso. Haddii aanay jirin meelahaas, maantaba bilow diyaarinta iyo barashada takhasuska iyo aagagga aad doonayso in aad ka talo bixiso. Aqoonta kaa dhiman korodhso, kuna dadaal in ay noqoto arrin la xidhiidha shaqada aad aqoonta u leedahay ee aad hadda ku shaqayso.

Haddii shaqada aad ku shaqayso ka baran weydo waayo-aragnimo iyo hal abuur aad dadka u gudbin karto, ogow waxa aad tahay ma gudbi noloshiisa uun u kifaaxaya oo aan horumar u socon.

Waxa kale oo jira hab aad suuqgeyn ku samayn karto adiga oo gurigaaga jooga, bogag xayeysiis ah ka samayso baraha bulshada, qurxi oo waqti iyo maalgelin horumarintooda, kaddibna adiga oo inta kugu xidhan ka bilaabaya isku day in aad ganacsiyo ku xayeysiiso, dhaqaale koobanna ka qaaddo qofka.

SAWIRRO IYO FIIDYOWYO IIBI

Haddii aad isku ogtahay hibada sawirqaadista, ama aad xariif ku tahay sida filimada gaagaaban iyo fiidyowada quruxda badan loo sameeyo, waxa aad haysataa fursad aad dhaqaale ku samayn karto.

Iibso kamarad iyo kombiyuutar ku habboon wax ka beddelka iyo qurxinta sawirrada iyo fiidyawyada. Tag munaasabadaha muhiimka ah oo ka soo qaad muuqaallo qurux badan, khudbadaha iyo hadallada dadka muhiimka ahi joogaan ka qaybgal oo ka samee muuqaallo. Kadidb ka iibi warbaahinta, dadka munaasabadaha leh ayaa qudhoodu u baahan in ay dib u iibsadaan sawirrada laga qaaday muuqaalkoodii goobta iyo fiidyowyada laga sameeyey kaalintii ay ka qaateen munaasabadda.

Ha sugin in laguu yeedho, ee bilow oo kaddib adiga oo diyaariyey tus, una sheeg in lacag kooban laga rabo, ama xitaa maanta lacag la’aan uga dhig oo berri lacag ka qaad.
Samayso shabakado internet ka ah iyo baraha xidhiidhka bulshada oo aad dadka ku tusto muhiimadda shaqada aad haysto iyo sida ay ugu qalanto in la iibsado.

QORAANIMO KU SHAQAYSO

Haddii aad ogtahay in aad qoraalka ku fiican tahay, isla markaana aad hibo u leedahay wax qorista iyo waqti u hurista qoraalka. Ogow in aad leedahay fursad aad ku samaysan karto shaqo uu dhaqaale ka soo galo adiga oo gurigaaga jooga.
Dunida maanta, waxaa maalin kasta sii kordha muhiimadda ay leeyihiin shabakadaha internet ka iyo degellada xogta lagu baahiyo (Website). Waxa ay arrintaasi sababtay in maalin kasta loo baahan yahay kumannaan qof oo wax qori kara. Qoraallada cilmiga ah, qoraallada warbaahinta iyo xayeysiisyada ah, qoraallada ganacsiga iyo guud ahaan xidhiidhada kala duwan ee ganacsiga ah.

Samayso shabakad aad dadka isku barto, ku tababaro sida xidhiidhka dadweynaha loo sameeyo, iyo sida naftaada loo iib geeyo, kaddibna is bar dadka baahida u qaba qoraalka oo tus waxa aad ku kordhin karto. Waa hab adiga oo aan sara kicin aad dhaqaale ku samayn karto.

BARE INTERNET KA ADEEGSADA

Maanta marka Soomaalida laga hadlayo, dad badan oo Qur’aanka Kariimka ah xafidsan ama aqoon akhriskiisa u leh ayaa ah bareyaal internet u adeegsada macalinnimo ay Qur’aanka ku baraan arday Soomaali ah oo daafaha adduunka jooga.

Laakiin dad badan oo kale ayaan fahamsanayn in fursaddani ay sida oo kale u bannaantahay cid kasta oo leh hibo iyo aqoon ay gudbin karaan. Waa se Soomaalida oo keliya, ee dunida kale waxaa maanta dhaqaale badan laga sameeyaa waxbarashada internet ka loo adeegsado.

Maaddooyinka kala duwan ee cilmiga, heerarka dugsiga iyo illaa waxwbarashada jaamacaddaba waa fursad dihin. Xitaa shaqaalaha kala duwan iyo ganacsatada ayaa u baahan waayo-aragnimo iyo duruus laga siiyo shaqooyinka ay wadaan. Xisaabaadka, maamulka xafiisyada, nidaaminta shaqada, iyo meel kasta oo la dayo fursad ayaa ka jirta ee haddii aad aqoon iyo waayo-aragnimo u leedahay ka faa’iidee fursaddaas.

Adiga oo shaqadaada kale haysta, ku dadaal in aad dugsi internet ka ah furato oo aad ardayda daafaha adduunka jooga u gudbiso aqontaada iyo waayo-aragnimaada. Waa kaalin aad ka qaadanayso dhismaha bulshada iyo fursad aad dakhli labaad ku samaysan karto.

MAAMUL BOG KA MID AH BARAHA BULSHADA

Waxaa jira dad badan oo leh bogag ka mid ah baraha xidhiidhka bulshada, sida Facebook, Youtube, twitter iwm, oo ay ku faafiyaan xogo iyo macluumaad ay danaynayaan. Dadkaas waxaa ku jira kuwo badan oo dano iyo shaqooyin kale ku mashquula oo aan waqti u helin in ay ka shaqeeyaan, ama xogtooda geliyaan barahooda bulshada.

Haddii aad dhisto xirfaddaada maamulka iyo qurxinta baraha bulshada, sida oo kalana noqoto ruux aamin ah, waxa aad heli kartaa qof dadkaas ka mid ah oo aad u maamusho barahiisa bulshada. In aad boggiisa facebook geliso macluumaadka uu kuu dhiibto ama ku faro in aad geliso iyo in aad muuqaallada uu doonayo geliso kanaalkiisa Youtube ka.

Shirkadaha oo dhami maanta waxa ay leeyihiin baro bulsho oo ay kala xidhiidhaan macaamiishooda, kuna soo jiitaan macaamiil cusub, shakhsiyaadka muhiimka ahina sida oo kale waa ay leeyihiin. Waxa kale oo leh warbaahinta kala duwan ee adduunka ka jirta. Waxaa marar badan dhinacyadan kala duwani ay dhibaato kala kulmaan maamulista iyo ka shaqaysiinta barahooda bulshada oo aanay waqti ku filan u helin.

Adiga oo shaqadaada kale haya u tag shirkadaha kala duwan ee bogagga ku leh shabakadaha xidhiidhka bulshada, xitaa u tag dadka wax ku iibiya baraha bulshada dhexdooda, tus khibraddaada saacado koobanna ka shaqayso.

YouTube

Ally Semniego waxa ay maqaalkeeda ku sheegtay in waayadii hore ay carruurta adduunka badankoodu ku hammiyi jireen in ay dhakhaatiir iyo macallimiin noqdaan, laakiin wax badani ay hadda aragtidaas hore iska beddeleen.

Ciyaaraha kubadda oo kubadda cagtu ugu sii weyn tahay, fannaanimada iyo saxaafadda ayaa maanta ka mid ah xirfadaha ay da’ yar badani u aragto in barashadoodu fududahay, dhaqaale iyo magac weyna laga samayn karo. Waxaaba dhici karta in ay gaadho in ilmaha yar marka aad weydiiso waxa uu jecel yahay in uu mustaqbalka ka shaqeeyo, uu kugu jawaabo in uu samaysto Youtube (YouTuber).

Haddaba adiguna ha dhayalsan faa’iidada laga samayn karo YouTube ka oo noqon kara il uu qofku ku helo kab dhaqaale oo wax badan ka daboola.

Samayso Kanaal YouTube ah, baro filim qaadista iyo qurxinta ama wax ka beddelka muuqaallada, kaddib bartaada Youtube ku faafi muuqaallada aad ogtahay in ay bulshada anfacayaan ama in qayb bulshada ka mid ahi xiisayn doonto.

Waxa aad ogaataa in warbaahinta internet ka ee ‘Digital Media’ loo yaqaannaa ay ku sii siqayso in ay beddesho warbaahintii dhaqanka ahayd ee talefishannada, idaacadaha iyo wargeysyadu ka mid ahaayeen.
Waxa aad samayn kartaa Youtube Tv, ay ka baxaan macluumaad iyo warar la xidhiidha siyaasad, dhaqaale, waxbarasho, maadays iyo guud ahaan waxyaabaha ay bulshadu xidhiidhiso.

W/T: Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *