Faa’iidada Ay Leedahay In La Cuno Xabbad Moos Ah Habeenkii Hurdada Ka Hor

Mooska waa faakiho ama khudrad macaan oo caafimaad badan laga helo, waxaa ka buuxo potassium iyo magnesium, waxaa kaloo ku jira vitamin B6 iyo vitamin C.

Moosku waxa uu wanaagsan yahay hurdada waxaa ku jira macdano iyo fitamiinno wanaajiya tayada hurdada.

Moosku waxaa uu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas darteed qofka waxa uu ka ilaaliya inuu gaajo la soo tooso habeenkii.

Magnesium-ta, potassium-ta iyo vitamin B6-ka ku jiro mooska waxay qofka ka caawiyaan inuu hurdo fiican seexdo habeenkii.

Murqo xanuunku wuxuu ka mid yahay calaamadaha lagu garto potassium yarida wuxuuna ku badan yahay haweenka uurka leh. Potassium-tu waxay dejisaa murqo xanuunka taas oo ka qeyb qaadata in qofku uu helo hurdo wanaagsan.

Cunnada ay ku badan tahay magnesium sida mooska waxay hoos dhigaan heerka stress-ka iyo walwalka. Walwalku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee keena hurdo la’aanta.

Macdanta magnesium waxay dejisaa maskaxda waxayna caawisaa hurdada.

Vitamin B6-ka ku jira mooska wuxuu ka gacan ka geystaa in jirku soo daayo hormoonka melatonin oo qaabilsan hurdada.

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada Fiber-ta taasoo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana uroon. Wuxuu kaloo Moosku dejiyaa laab-jeexa.

Cunnooyinka hurdada u daran ee ay tahay in habeenkii aan lagu casheynin waxaa ka mid ah:

  • Pizza-da
  • Kafeega ama bunka
  • Macmacaanka sida xalwada
  • Cunnada basbaaska iyo filfisha leh.
  • Hilibka badan iyo cunnada dufanku ku badan yahay sida beegerrada
  • Shukulaatada
  • Cabbitaannada aashitada leh (Soda)

Akhriso: Faa’idooyinka Tirada Badan Ee Cabbista Caanaha Hurdada Ka Hor

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *