Maxaa Dhici Kara Haddii Mooska La Cuno Caloosha Oo Maran?

muuska caloosha oo maran

Ma la cuni karaa mooska caloosha oo maran?

Moosku wuxuu ka mid yahay furuutka ugu caansan dunida oo ay ka buuxaan fitamiinno iyo macdano kala duwan oo muhiim u ah caafimaadka, waxaa ka mid ah magnesium, potassium, copper, iron, fiber, fitamiin B-6 iyo fitamiin C. Waxaa kaloo ka buuxa barootiinka loo yaqaanno tryptophan” kaas oo ka qeyb qaata soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada.

Aan eegno qaar ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee mooska:

Hoos u dhigista Miisaanka:

Mooska waxa uu gacan weyn ka geystaa inuu yaraado miisanka qofka, waxaana ku jirta maado la dagaalanta baruurta iyo dufanka, sidoo kale waxay ka qeyb qaadataa inuu miisanka qofka uu hoos u dhaco. Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka cayilan oo cuntada xakamayn karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan si fiican u bislaanin

Waxa laga helaa tamar badan:

Mooska waxa ku jira 3 sonkorood oo dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaasoo ka caawiya jirku inuu helo tamar ku filan.

Caafimaadka dheefshiidka:

Moosku waxa uu sare uu qaadaa caafimaadka dheefshiidka, waxaa ku jiro fiber oo calool istaagga ka hortagga, saxaradana jilciya.

Kordhinta xusuusta:

Cunidda moosku waxay sare u qaadaa awooda xusuuseed ee qofka. Xaddi badan oo ah Maadooyina tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.

Dejinta sonkorta dhiigga:

Mooska aan si fiican u bislaanin waxaa ku jirto maado loo yaqaanno “Pectin” iyo “resistant starch” labaduba waxay hoos u dhigaan sonkorta dhiigga, sidaas darteed cuntada kahor ama ka dib in la cuno ayaa lagu taliyaa, laakiin dadka macaanka qabo waa in ay ka fogaadaan mooska badan weliba kan si fiican u bislaaday.

Caafimaadka wadnaha:

Macdanaha Potassium iyo magnesium ee laga helo mooska waxa ay kaalin weyn ka qaataan caafimaad qabka wadnaha. Potasium waxay gacan ka geysataa kantaroolista cadaadiska dhiigga iyo ka hortagga wadne xanuunka.

Su’aashu waxa ay tahay ma la cuni karaa mooska caloosha oo maran?

Waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan inaan mooska kaligiis la cunin marka calooshu ay marantahay, sababtoo ah mooska waxaa ku badan sonkorta dabiiciga ah taas oo hoos u dhigaysa firfircoonida qofka islamarkaana ku keenaysa daal, tabar yari iyo hurdo inuu dareemo.

Mooska waxa uu kordhiyaa tamarta qofka laakiin marka mooska kaligiis la cuno caloosha oo maran, energy-ga si  dhaqso ah ayuu u dhammaadaa. Sidoo kale moosku waxa uu leeyahay aashito taas oo  keeni kartaa cillado dhanka caloosha ah.

Cunista mooska caloosha oo maran waxay si aad ah u kordhisaa magnesium jirka, waxayna waxyeelayn karta isu-dheelitirka magnesium-ta iyo calcium-ta dhiigga taas oo horseedi karta wadne xanuun, sidaas awgeed dhakhaatiirtu way ka dhigaan in qofku moos kaliya uu cuno isagoo gaajeysan ama calooshiisu ay maran tahay.

Si kastaba ha ahaatee, mooska waa la cuni karaa subixii iyadoo lagu darsanayo boorashka, ama khudaar kale lala cunayo sida tufaax, taas oo hoos u dhigaysa asiidhka badan. Sidoo kale mooska waxaa lagu dhex shiidan karaa khudaar kale sida afakaadhada iwm.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *