Faa’idooyinka Cabitaanka Biyaha Liinta Lagu Daro Iyo Xiliga Ugu Fiican Ee La Cabo

Dadka qaar waxay maalintooda ku bilaabaan biyo lagu daray liin inta ay ku bilaabi lahaayeen qaxwo ama shah, sidoo kale waxaa jira maqaaxiyo badan oo dadka ugu adeega biyo lagu daray liin dhanaan, maanta waxaan halkaan ku soo gudbineynaa biyahaas ma wax ufiican caafimaadka baa mise? Si akhri si aad wax badan uga ogaato faaidooyinka tirada badan ee cabitaanka biyaha liin dhanaanta lagu daro.

Faa’idoonyka cabitaanka biyaha lagu daray liinta

Waxaa jira cilmi baarisyo lagu sameeyay saameynta biyaha liinta lagu daray, waxaa jira faaidooyin laga soo tabiyay cilmi baarisyadaas

Waxay kor uqaadeysaa fuuqcelinta jirka

Cabirka ugu fiican oo la cabo biyaha maalintii waa 8 ilaa iyo 10 galaas waxaana sidaas ku taliya dadka ku xeel dheere nafaqada iyo cunada. Biyaha waa cabitaanka ugu fiican ee fuuqcelinta laakin waxaa laga yaabaa dadka qaar ineysan jeclayn dhadhanka biyaha caadiga ah sidaa darteed liinta waxay u yeeleysaa dhadhan fiican oo sahli kara in biyo badan la cabo

Waxaa laga helaa Vitamin C

Liin dhanaanta waxay kujira Vitamin C, waana maadado ah antioxidant oo ka hortagta in unugyada jirka ay dhaawacmaan

Vitamin C waxaa laga yabaa inuu hoos udhigo Xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo Xididada, Faaluga iyo in ay hoos udhigto cadaadiska dhiigga, sidoo kale Vitamin C waxay kaloo caawisaa iney ka hortagto ama ay yareeyso muddada Hargabka, in kastoo aan loo dhameyn arintaan

Waxay kor uqaadeysaa tayada maqaarka

Vitamin C-ga laga helo liinta waxay caawisaa iney ka hortago in maqaarka uu duuduubmo, Warbixin caafimaad oo la daabacay ayaa sheegeysa in dadka qaata Vitamin C badan uusan maqaarkooda sida dadka aanan qaadanin oo kale u duuduubmin. Waxaa lagula taliyaa dadka in ay ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah ay cabaan maalintii si ay jirkuudu u fuuqceliyaan ayna u qashin saaraan maqaarkooda.

Waxay caawisaa yareynta misaanka jira

Waxaa la aamin sanyahay in ay yareyso miisaanka jirka kaga yimaada cunada dufinka badan, sidoo kale waxay yareysaa iska caabinta hormoonka Insulin

Waxay caawisaa dheefshiidka

Dadka qaar waxay cabaan biyo lagu daray liin subaxdii si ay uga hortagaan calool istaag, in la cabo biyo diiran ama biyo liin lagu daray waxay dhiiragelineysaa dhaqdhaqaaqa habka dheefshiidka

Waxay carfiisaa neefta

Wali maku xoqday liin gacmahaaga si aad uga goysid ur adag? Isla sidaas ayaa loo mariyaa ama loo cabaa si ay uga hortagto neefta oo soo urta ama urta ka dhalata cunidda toonta, basasha ama kaluunka

Ku carfi neeftaada adigoo cabaya galaas biyo liin lagu daray subaxdi ama cunada ka dib, liinta waxaa la aamin sanyahay iney soo saarto calyada si ay uga hortagto in afka uu qalalo, taas oo horseedeysa neefta oo soo urto.

Waxay ka hortagtaa dhagaxa kilyaha        

Maadada la yiraahdo Citric Acid ee ku jirta liinta waxay ka hortagtaa in kilyaha ay ku sameysmaan dhagaxyada Kalshiyam, waxaa lagula taliyaa dadka iney badiyaan qaadashada Citric Acid si ay u yareeyaan halista in dhagaxyo cusub ay sameymaan

Dhinaca saameynta ee biyaha liinta lagu daray

Guud ahaan waa amaan in lacabo, laakin waxaa jira waxyaaba yaryar oo keeni kara saameyn oo loo baahan yahay in laga warqabo.

Liinta waxaa kujira maada la yiraahdo Citric Acid oo keeni karta in dahaarka ilkaha ay milmaan, si loo yareeyo waxaad ku cabtaa Straw ama ku luqluqo biyo caadi ah marka aad cabtid kadib.

Akhriso: Maxaa Ku Dhacaya Jidhkaaga Haddii Maalin Walba Cabtid 8 Koob Oo Biyo Ah?

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *