Ereyada Ay Caanka Ku Yihiin Dadka Niyadda Wanaagsan Ee Farxadda Geliya Dadka Ku Xeeran

Diinta Islaamku waxa ay dhiirrigelisay hadalka wanaagsan, iyada oo uu Nebi Muxamed (SCW) inoo sheegay in “Ereyga wanaagsani yahay sadaqad”. Culimada cilmiga bulshaduna waxa ay ogaadeen in erey kasta oo qof aad ku tidhaahdaa uu ku yeelanayo raad nafsadeed oo togan ama taban, hadba midka uu yahay. Waxa kale oo uu cilmiga bulshadu ogaaday in qofka hadalkiisu uu ka turjumo shakhsiyaddiisa, iyo in qaab hadalkeenu uu kaalin weyn ku leeyahay guulaha aynu gaadhayno.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda caanka ah ee Harvard ayaa daahfurtay in “Ereyada togan ee uu qofku jeediyaa ay maskaxda qofka uu la hadlayo ku dhiirrigelin karaan in ay soo saarto maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Oxytocin’ taas oo xoojisa xasiloonida nafsiga ah ee qofka, maskaxdana ku abuurta dareen-celin kalgacal oo ka badan intii hore”.

Waxaa jira ereyo ku celcelinta adeegsigoodu ay saamayn togan ku yeelato dareenka qofka, taas oo sida lagu sheegay warbixin ay shabakadda Aljazeera faafisay, uu adeegsigoodu yahay hubka ugu fiican ee dareenka dadka lagu kasban karo.

Michael Thompson oo ah xeeldheere dhinaca xidhiidhka ah oo u dhashay dalka Isbayn ayaa soo koobay ereyada ugu muhiimsan ee ay dadku jecel yihiin in ay maqlaan. Waxa se muhiim ah in la ogaado in ereyada qalbiga qofka taabanayaa ay yihiin kuwa marka horeba niyadsamaan iyo qalbi wanaag qofka kaga yimi balse aanay ahayn kuwo si ku talagal ah loogu yidhi keliya si dadka loo kasbado.

Adigaaban niyadda kugu hayey:

Waa arrin iska caadi ah in xasuusta qofku ay marar kala duwan maskaxdeenna ku soo dhacdo, iyada oo laga yaabo in waxa aynu ku xasuusanaynaa ay kala duwan yihiin. laakiin sida caadiga ah qofka uma sheegno in aynu xasuusannay. Haddaba culimada cilmiga bulshadu waxa ay ku talinayaan in xasuustan aynu u sheegno qof kasta oo aynu doonayno in uu xidhiidhkeennu sii xoogeysto.

Waxaa dhacaysa in qofka oo laga yaabo in ay dhibaato haysatay ama arrin xallintoodu mashquul ku haysay, marka uu kaa helo farriinta ah “Waan ku salaamayaa, waxa aanan kuu rajaynayaa in aad fiican tahay. Hadda ayuun baad xasuustayda ku soo dhacday, kaddib waxa aan doonay in aan ku salaamo” ay taasi xoojinayso kalgacalka uu qofku kuu hayo iyo kaalinta aad ku leedahay qalbigiisa ama saaxiibtinimadiina ay ka dhigto mid muddo dheer sii waarta.

Sidaas awgeed haddii aad ka fikirto ama xasuusato qof; saaxiib, walaal ama qof xidhiidh kale idinka dhexeeyo, waxaa muhiim ah in aad la xidhiidho weliba u sheegto xusuustaada. Haddiiba ay dhacdo in uu qof kula soo xidhiidho isaga oo kuu sheegaya in uu ku xasusutayna ha illaawin in aad u sheegto in aad ku faraxsan tahay xidhiidhkiisa, ama u sheegto in aad qudhaadu xasuusnayd, waa haddii aad xasuusatay oo aanad hore ugu sheegin ee.

Arrintaas sideed u aragtaa … Waayoaragnimo ma u leedahay?!

Marka aad qof arrin kala hadlayso, haddii aad dareento in qofkaasi uu arrinkaas xiisaynayo ama muhiim u arko, ka codso in uu aragtidisia isla arrinkaas ku aaddan kuu sheego. Dabeecad ahaan dadka oo dhami waxa ay jecel yihiin in fikirkooda la dhegeysto iyo in ay talo ku yeeshaan hadba hawlaha socda. Haddaba haddii aad qof uga warranto arrin iyo qorshe aad leedahay, iska ilaali in hadalka aad dhinacaaga uun ka waddo. Waxa aad ku dadaashaa in aad isagana weydiiso aragtidiisa qorshahaas ku aaddan iyo bal in uu waayoaragnimo u leeyahay. “Waxa aan xiisaynayaa in aan taladaada iyo fikirkaaga arrintan ku aaddan ogaado. Wax waayoaragnimo ah arrintan ma u leedahay”

Waxa kale oo ay dadku dabeecad ahaan jecel yihiin in ay ka sheekeeyaan casharrada ay ka bartaan waayoaragnimada soo marta, iyo in ay dareemaan in aragtidooda la qaddarinayo ama talo la weydiinayo. Waa hab aad u heersarreeya oo ay dadku dareen wanaagsan kaaga qaadan karaan, kuna sii xoojin karto kasbashada maankooda.

Saaxiibtinimadu waa ay waartaa mar kasta oo aad qofka saaxiibkaa ah fursad u siiso in uu kaaga warramo waxa maankiisa ku jira, ama aaminsan yahay iyo in uu waayoaragnimadiisa kula wadaago.

Wax cusub baan kaa barayaa:

Marka uu qof kuu sheego arrin ku xiise gelisa, ha kala bakhaylin in aad u sheegto sida aad arrintaas u danaynayso. “Hab fikirkaaga ayaan jecelahay” … “Mar kasta oo aan kula kulmo wax cusub baan kaa bartaa” .. “Taloow fikirkaas iyo taladaasi halkay aniga iga dhaafeen markii hore” waa ereyo odhaahdoodu fududahay, laakiin qofka ku abuura dareen sarrayn iyo inuu dareemo muhiimadda uu leeyahay, sidaas awgeed weligaas ha dayicin fursadda aad qofka dareenkaas ugu hibaynayso, abaal gudka aad helaysaana waa maankiisa oo aad kasbato.

Kulankeennii u dambeeyey ayaad arrintaas iga warrantay:

Ammaanta ugu weyn ee aad qof u jeedisaa waa in aad u sheegto in aad u dhegraaricinaysay hadal uu kuu sheegayey. Tusaale ahaan arrin ku dhacay oo mashquul badan ku hayey ayaa aad mar dambe weydiisay sida uu arrintii isaga xalliyey. “Kulankeennii ug udambeeyey arrintaas ayaa aad ii sheegtay, hadda ma dhammaatay, maxaad se ku xallisay?” … “Arrintii aad iga warrantay markii isugu keen dambaysay, hadda maxaa ay ku dambaysay?”  … “Markii isugu keen dambaysay waxa aad ii sheegtay mashruuc cusub o oaad bilowday, halkee uu marayaa, sidee se xaalkiisu yahay?” .. “Waa adigii I isheegay in ay hooyo xanuunsanayso , sidee hadda caafimaadkeedu yahay?” su’aalahan iyo kuwa la midka ah ee qofka tusaya in aad danaynayso ama hoos u xaal ogtahay waxa ay ku abuuraan kalgacan dheeraad ah iyo in uu laabtiisa kuu furo.

Taladaada waan qaatay:

Dareen farxadeed oo weyn ayaa ay qofka ku abuurtaa marka aad uga warranto in talo uu ku siiyey ay sabab u noqotay in aad arrin si sax ah u gudato ama guul ku gaadho. Weligaa ha ka bakhaylin in aad qofka u sheegto talo uu ku siiyey oo ku anfacday. Dadku waxa ay jecel yihiin in talo la weydiiyo, waanay ku farxaan in taladooda la qaato. Waxa se ay ka sii jecel yihiin in looga waramo waxtarka ay taladiisii yeelatay, iyo saamaynta togan ee ay nolosha qofka ku yeelatay.

Waan kuu boholyoobay

Mar kasta oo aad qofka kala fogaataan, xidhiidhkiinuna yaraado, farriinta qofka aad u dirtaa waxa ay u leedahay qiime gaar ah. tusaale ahaan farriin taleefan ama dhambaal Email ka aad uga dartay oo aad uga warramayso sida aad ugu xiistay, waxa ay ku abuuri doontaa farxad weyn.

Weligaa qof aad kala fogaateen oo aad xusuustiisa kalgacal iyo xiisaha aad u qabto aad u boholyawday ha ka qarin, waa farriin ilbidhiqsiyo aad ku qori karto, adiga oo xaalkaaga uga warramaya isagana xaalkiisa ka waraysanayaa waxa ay ku abuurtaa farxad, waxa aanay u dhowdahay in saaxiibtinimada qofkaas idinka dhexeeya ay ka dhigto mid abadiya ah.

Arrintaas ayaan kugu jecelahay:

Qof kastaa waxa uu leeyaha yarrin uu aad ug ufiicanyahay, sida uu u leeyahay dhaliilo. Qofka aad danaynayso ku dadaal in aad baadho meelaha uu u fiican yahay, kaddibna uga warran una qiro sida aad uga heshay iyo ixtiraamka aad ugu hayso. Waxa ay ku beeraysaa kalgacal hor leh iyo in uu qalbigiisa kuu furo. Tusaale ahaan afka Ingiriisiga oo aad ogeyd in uu barto ku hadalkiisana aanu aad ugu fiicnayn, ayaad aragtay in uu aad isaga dhisay.

Ha kala bakhaylin in aad ku tidhaahdo, “Waan ku faraxsanahay sida quruxda badan ee aad u dhistay ku hadalkaaga afka Ingiriisiga.

Waxaa la mid ah qofka oo aad ku ogtahay macaamil wanaag iyo dad la dhaqan wacan, “Waan ka helaa sida quruxda badan ee aad dadka ula macaamisho” intaas ama ereyo la mid ah oo aad ku tidhaahdaa albaab muhiim ah oo qalbigiisa ka mid ah ayaa ay kuu furaysaa. Xidhiidhkiinana si weyn ayaa ay u sii xoojinaysaa.

Kartidaadaan jecelahay

Adduunyada kuma arki kartid qof lagu yidhi, “Waxaa kugu jira karti iyo tamar ballaadhan, in aan waqti kula qaataana waxa ay igu kordhisaa firfircooni iyo wanaag” ama “Waxa aan ka helaa firfircoonidaada” ama “Togannaanta aragtidaada ee joogtada ah ayaa I farxad gelisa” waa ereyo mararka qaarkood u muuqda in ay yihiin ka badbadin iyo faanin, laakiin waxa ay khubarada cilmiga bulshadu sheegayaan in ay tahay hab aad u fiican oo lagu kasban karo qalbiga qofka, laguna xoojin karo xidhiidhka

Markii aan waxaas arkay ama hadalkaas maqlay adiga ayaan ku xasuustay:

Marar badan ayaa ay dhacdaa in shay aynu aragnay ama hadal aynu maqalnay ama xasuusannay uu ina xasuusiyo qof kale, laakiin aalaaba qofka aynu xasuusannay lama hadalno ama haddii aynu la hadalno uma sheegno waxa ayun ku xasuusannay. Laakiin culimada xidhiidhka cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in qofka aad la hadashay oo aad u sheegto sababta fiican ee aad ku xasuusatay ay ku beerayso kalgacal dheeraad ah iyo in uu si niyad ah qalbigiisa kuuguy furo. Waxa ay ku abuuraa xiise iyo qiire saaxiibtinimo oo dheeraad ah.

Dadku sidoodaba waxa ay jecel yihiin waxa aanay filayn ee sida kediska ah u soo gala ama loo xasuusiyo. Sidaas awgeed in aad kedis kaga dhigto xidhiidhka oo haddana aad kedis kaga dhigto xasuusinta arrin uu illowsan yahay oo aad ku xasuusatay, waxa ay abuurtaa dareen xooggan oo jeclaysiiya xidhiidhkaaga

Dookhaaga ku mahadsanid .. heersare ayaad tahay:

Haddii aad rabto in aad saxiib fiican kasbato, qalbigiisana farxad geliso si fiican u dhegeyso. Haddii aad muddo kala maqnaataan u sheeg wax kasta oo wanaagsan oo u soo kordhay muddadaas. “Waqti dheer ayaa isugu keen dambeeyey, runtii heersare ayaad noqotay / Waad quruxaysatay” ereyadan iyo kuwa la macnaha ahi waxa ay xoojiyaan niyadwanaagga qofka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *