Dhirta Dabiiciga Ah Ee Lagu Jari Karo Baruurta Caloosha

baruurta caloosha,

Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay dhibaato haysata dad badan oo dunida ku nool Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo cunno qaadashada .

Baruurta caloosha ma ahan oo keliya inay saamayso quruxda qofka balse waxay kaloo keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan. Waxaa la arkay inay siyaadiso halista cudurrada dhiig karka, macaanka iyo wadne xanuunka.

Waxa aad isweydiinaysaa inay jirto hab dabiici ah oo dhakhso loogu jari karo xayrta ku uruurta dhexda iyo caloosha. Hadaba qormadaan  waxa uu Daryeel Magazine ku soo gudbinayaa dhir dabiici ah oo si weyn u caawiya gubista baruurta caloosha.

Xulbada:

Xulbadu waa dawo dhaqameed aadamuhu soo isticmaalayay muddo qarniyo ah. Cilmi baarisyo cusub ayaa iftiimiyay in xulbadu ay nidaamiso sonkorta dhiigga islamarka ay yareyso dufanka ku uruura jirka khaasattan caloosha.

Huruuda:

Huruudu waxa ay caan ku tahay awoodeeda hur bi’ineed. Sida daraasaadka lagu arkay, maadada “curcumin” ee ku jirta huruudda waxay yareysaa baruurta ku uruurta caloosha. Huruuda shaah ayaad ka samaysan kartaa, caano ayaad ku karsan kartaa, raashinkana waad ku darsan kartaa.

Sinjibisha:

Sinjiibishaa waxaa lagu yaqaannaa inay uroon tahay dheefshiidhka. Sida oo kale waxa ay door weyn ka qaadataa miisaan dhimista. Waxa ay kobcisaa dheefsiga cunnada ee jirku uu kaga faaidaysanayo cunnada uu qofku qaadanayo, waxay kordhisaa heerkulka jirka, waxayna yareysaa doonista cunnada, sidaa darteed waxa ay gubi kartaa xaddi badan oo dufan ama baruur ah.

Caleenta Naacnaaca:

Waa caleen cunnada lagu macaaneeyo, laguna udgooneeyo cunnada, islamarkaana caawisa yareynta xayrta caloosha. Waxa ay jirka ka nadiifisaa sunta iyo qashinka. Sida oo kale waxa ay yareysaa dibirada waxayna caawisaa dheefshiidka. Caleentan cunnada ayaad ku darsan kartaa ama shaaheeda ayaad cabbi kartaa.

Basbaaska:

Basbaaska loo yaqaanno “cayenne pepper” waxa uu caan ku yahay gubista baruurta. Waxaa ku jirta maadada “capsaicin”, taas oo dedejisa dheefsiga cunnada, dufankana gubta. Sida oo kale, basbaaskani waxaa uu yareeyaa cirweynida waxaana uu xakameeyaa cunno jamashada taas oo qofka u sahlaya inuu raaco nidaam cunno oo caafimaad leh.

Shaaha cagaaran:

Shaaha cagaaran waxaa ku jirta maadada gubta baruurta jirka, cilmi baarisyo kala duwan ayaa waxaa lagu arkay in dadka caba shaaha cagaaran inay bixiyaan tamar badan taas oo keenaysa in baruurta la gubo  khaas ahaan baruurta caloosha gasho sidaasna uu miisaanka ku yaraado.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *