Xaaladaha Caafimaad Ee Keena Shanqarta Ama Guuxa Caloosha

Marar badan ayaa aynu caloosheenna ka maqalnaa guux aynaan xakamayn Karin ama qarin Karin. Inkasta oo ilbidiqsiyo yar uu guuxaasi socdo haddana aalaaba haddii aynu bulsho dhex joogno waxa uu innagu keenaa khajilaad.

Dadka qaar ayaa guuxaas caloosha laga maqlo ku macneeya in uu calaamad u yahay caloosha oo cunto la’aan tirsanaysa, laakiin sida ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegayaan waxaa jira sababo badan oo keena waxa se muhiim ah in aynu ogaanno in aanay sabab la’aan ku iman. Xaaladaha keena guuxa caloosha waxaa ka mid ah:

KHALKHAL NEERFEED:

Khalkhalka dareen-wadayaasha iyo xaaladaha nafsiga ah ee ay ka mid yihiin diiqadda nafsiga ah iyo qofka oo sameeya ficillo dhaqdhaqaaq badan ku sababaya midhicirada ayaa ka mid ah waxyaabaha keena guuxa caloosha.

MIDHICIRADA KACSAN:

Xanuunkan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘(Irritable Bowel Syndrome: IBS) ii ku dhaca midhicirada weyn, waxa uu dhaqdhaqaaq badan ku keenaa midhicirada, waxa aanu kordhiyaa xasaasiyadda xuubka midhicirada, sidaas awgeed waxa uu keenaa guuux badan oo caloosha laga maqlo. Xanuunka midhicirada kacsani waxa uu keenaa calool xanuun, shuban daran ama caloo istaag aad ah.

DHAGAX KU JIRA XAMAYTIDA:

Xanuunnada ku dhaca kiishka xamaytidu waxa uu isbeddel ku keenaa shaqada xamaytida sidaas awgeed waxa ay sababi kartaa in bakteeriyadu ku badato caloosha, taas oo iyaduna kordhinaysa neefaha midhicirada dhex gelaya, waana sababta inta badan qofka xamaytidu xanuunayso calooshiisa looga maqlo sanqadha iyo guux.

Akhriso: Maxaa keena Dhagaxa Xameetida (Gallstones)?

GANACA:

Ganacu waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan habdhiska dheefshiidka. Sidaas awgeed haddii ay dhibaato ku timaaddo xubintan ama uu soo gaadho dhaawac shaqadiisa wax u dhimaya waxa ay sababtaa in bakteeriyadu ay badato. Bakteeriyada oo badataana waxa ay waxay sababtaa in naqas badani samaysmo, waana sababta keenaysa guuxa iyo sanqadha xaaladahan oo kale caloosha laga maqlo.

BOOG CALOOLEED:

In uu qofku leeyahay boog calooleed ama nabarrow iyo caabuq ay caloosha ka jiraan, waxaa fursad hesha bakteerihada oo aad ugu taranta caloosha, sidaas awgeed waxaa bata naqaska caloosha midhicirada ku jira, taasina waxa ay sababtaa sanqadh badan.

Akhriso: Nabarrada Caloosha (Peptic Ulcer Disease): Astaamaha Iyo Sida Loo Daaweeyo

NAFAQO QALDAN

Waxaa muhiim ah in la iska yareeyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay, macmacaannada, iyo biyaha qudhooda oo inta caadiga ah laga badiyo. Haddii aan sidaas la yeelinna waxa uu qofku isku arkaa guux ay calooshiisu samaynayso.

MAADDOOYINKA QAARKOOD:

Maaddooyinka cuntooyinka qaar ku jira ayaa ay qaarkood sababaan naqaska caloosha. Waxaa ka mid ah Malabka, xabxabka cas, toonta, basashada iyo buskuddada.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *