Dhalmo Joojinta Dumarka (Memopause): Sababaha Iyo Calaamadaha Lagu Ogaado

Dhalmo joojinta waa xaalad ay gaaraan dumarka oo dhan marka ay da’dooda gaarto 40 sano iyo ka badan. Dhalma joojintu waxay tilmaamaysaa is bedelka ka dhaca jirka dumarka ka hor ama kadib marka uu ka istaag dhiiga caadada taasoo cadeyneysa dhamaashaha xiliga ay uur qaadi karaan dumarka.

waa marxalad biological ah oo marwaaliba soo mara haween kastoo ku nool adduunkaan aynu ku nool nahay.

Inta lagu jiro xaaladaan kala wareega ah ee dumarka ay ka wareegan nidaamka dhalmada una wareegan xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada, Ovarieska ama xubnaha sameeyso ugxaanta ama hormoonka dumarka ayaa waxay bilaabayaan in aay joojiyaan soo saarista in ku filan hormoonka haweenka Estrogen iyo Progesterone ama soo saarin ugxaanta dumarka, mar hadii uu hoos uu dhaco horamoonka aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Progesterone dumarka waxaay uu horseedeysa in ay wayso dhiiga caadada uu ku dhaco dumarka bil waliba.

Sababaha dhalma joojinta dumarka

Dumarka waxay ku dhashaan ugxaan kooban kuwaaso ku xareysan ugxaan sidaha, ugxaan sidaha waxay soo daayaan hormoonada loo yaqaano Estrogen iyo Progesterone kuwaasoo maamula imaanshaha dhiiga caadada iyo soo saaridda ukumaha, dhalma joojin waxay imaanaysaa marka ugxaan sidaha uu joojiyo soo saarida ukumaha, taasoo meesha ka saareysa imaanshaha dhiiga caadada.

Dhalmo dayska waa wax caadi ah oo kamid ah gabowga dumarka, waxay na dhacdaa marka dumarka ay gaaran 40 sano iyo wixii ka badan.
Ereyga dhalma joojin wuxuu qeexayaa marka qofka dumarka ah aysan isku arag wax caada ah ugu yaraan hal sano, sababtuna ay tahay ugxaanta oo joojisay soo saaridda ukumaha.

Xaaladaha sababa

  1. Mararka qaar ugxaanta waxay joojisaa soo deynta hormoonada Estrogen iyo Progesterone ayadoon la ogayn sabbabaha kadambeeyo, waxaana loo yaqaanaa Premature ovarian failure
  2. Dhalma joojin la sababay, arintaan waxay dhici kartaa marka dumarka lagu sameeyo qaliin oo laga saaro ugxaan sidaha, ama marka uu ugxaan sidaha uu dhaawac ka soo gaaro dawooyinka qaar ee lagu daweeyo cudurka kansarka.

Astaamaha dhalmo joojinta dumarka:

Dumarka gaari raba xiliga caadi goyska inta badan waxa ay kuleel ka dareemaan wajiga.

  • Hurdo la’aan
  • Dareen is bed bedal (mood changes)
  • Daal
  • Niyad jab
  • Xanaaq
  • Wadna garaac
  • Murqaha iyo gala goys yada oo xanuuna
  • Damaca galmada oo yaraada
  • Xubinta taranka oo qoyaanka ka yaraada
  • Xakameynta kaadi haysta oo dhib keenta

Dumarka oo dhan ma wada dareemaan calaamadahaan oo dhan

Sideen ku ogaadaa xiliga dhalmo joojinta

Waxaa laga yaabaa inaad ka shakisid marka ay kugu soo dhawaato ama dhaqtarkaaga uu sheego marka aad lasocod siisid calaamadahaaga, waxaana laga yaabaa inuu kaa qaado dhiig si uu uxaqiijiyo iney jirto dhalma joojin.

Waxaana haboon inaad mar walba la socotid is bed bedelka caadada oo aad meel ku qortid si ay ugu fudu daato dhaqtarka.

Akhriso: 7 arrimood oo laga qaado ma dhalaysnimo

 Dhibaatooyinka la xiriira dhalmo joojinta dumarka

Hormoonka estarojiin hadii la waayo waxaa jirka la soo darsa xaalada caafimaad xuma ah.
Marka ay caadad joogsato waxaa laga yaabaa iney dumarka helaan

  • Lafabeel
  • Cudurada wadnaha
  • Kaadi haysta iyo saxara haysta oo sii daciifta
  • Maqaarka oo jilca si fudud na usoo laabma
  • Awooda murqaha oo daciifta
  • Araga oo caad soo fuula

Waxaa jira dawooyin badan oo lagu daaweeyo xaladaha caafimaad daro ee ka dhasha dhalmo joojinta

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *