Dhalma La’aanta Ragga Iyo Dumarka: Sababaha Ugu Badan Ee Keena Iyo Talada

Dhalma la’aanta (infertility) waa in xaaska ay qaadi weyso uur ayadoo ay jirto isku day ah iney qaado uur mudo 6 bilood, iyadoo ay sameeyneyso galmo aan laga gaashaaman (unprotected sex) ninka ama naagta ayaa noqon kara dad ay haysato dhibaato xaga bacriminta ah, dumarka ka weyn 35 sano dhalma la’aantooda waa marka ay qaadi waayaan uur, ayagoo loo galmoonaaya si joogta ah.

Dhalma la’aanta kama dhigna inuu qofku yahay ma dhalays, 15% lamaanaha waa kuwa aan heli karin ilmo, laakin 1% ilaa 2% oo kaliya ayaa ah kuwo madhaleys nimo ay lasoo deristo, kala bar lamaanayaasha aan dhali karin ilmo ayaa ugu dambeyta dhala ilmo ayagoo isticmaalaya caawinaad caafimaad.

Dhalmo la’aanta waxay la darsi kartaa ragga iyo dumarka,waana xiisad ay lasocoto dareen dambiila nimo ah.

Lamaanaha isku dayaya iney helaan ilmo ayaa looga baahan yahay iney la tashadaan dhaqtar, khaas ahaan hadi mid kamid ah uu qaato daawooyin ama uu qabo xaalad caafimad, sababtoo ah dawooyinka qaar ayaa hoos udhiga fursadaha uurqaadista.

Maxaa sababa dhalma la’aanta ee ragga?

Sababha ugu caansan ee ragga aysan udhali ayaa katimaada dhibaatoyinka xaga xawada sida:

Cadadka manida oo yar: Shahwada waxaa ku dhex jira xawo (sperms) tasoo ah 50% waxa loo baahan yahay si ay ubacrimiso ukumaha dumarka.

Dhaqdhaqaaqa xawada oo yar: waxaa loo baahan yahay iney xawada udhaqaaqdo meesha ay taalo ukunta si ay u bacrimiso, hadii aysan dhaqaaqin waxa bacrimin ah ma sameyn karto xawada oo si aan fiicnayn usameysmata Meeshi ay minida kasoo bixi lahayd oo xiranta.

Dhibaatada kale ee ku dhici karta ragga ayaa ah, iney hoos udhacdo soo saarka xawada si ku meel gaar ah, waxayna dhici kartaa marka uu dhaawac soo gaaro xiniinyaha, sida marka ay kululaadaan in mudo ah, ama ninka uu isticmaalo kiimikooyin ama dawooyin saameyn kara xawada.

Cabidda khamriga iyo cabidda sigaarka ayaa hoos udhigi karo cadadka xawo ee ku jirta shahwada, sidoo kale ragga kaweyn 40 sano ayaa hoos udhaca awooda ay wax ku bacrimin karaan.

Maxaa sabab dhalma la’aanta ee dumarka?

Sababta ugu wayn oo ay dumarka u dhali karin ayaa ah, ugxaantooda oo aan soo sarin ugun, waxaa kaloo jira dhibaatooyin ka dhici kara tubada ay soo raacdo ukunta oo loo yaqaano Fallopian tube, sababtoo ah mararka qaar tubooyinka ayaa waxaa xiri kara nabar ka dhalasha infekshan loo yaqaano Endhomitriyoosis.

Cabidda sigaarka ayaa hoos udhigi karta fursadaha dhalmada ee dumarka, wuxuu kaloo siyaadiyaa fursadaha in uurjiifka uu galo tubooyinka soo qaada ukumaha.

Da’da ayaa ku noqon karta dumarka mid aan usaamixin iney qaadaan uur, fursadaha in ukunta la bacrimiyo ayaa hoos udhac wayn ku yimaada mar hadii dumarku ay gaaraan 35 sano, waxaa dhif ah in dumarku ay qaadaan uur wixi ka dambeeya 45 sano.

Dhibaatooyinka kale ee sababi kara dhalma la’aanta waxaa ka midka in xaaska ay cayilantahay ama ay caata siyaada tahay.

Talo:

Marka laga soo tago ilmaha oo ah hibbo uu rabbi nagu maneystay, waxaa jiri karta labada isqaba iney dareemaan dareen dambiila nimo ah oo midba midka kale uu hoos ka eedeynayo, laakin waxaa wanaagsan in marka hore la ogaado in ay tahay hibo uu Rabbi dhiibo, kadib waxaa kaloo jiri karta waqtiya badan oo dhacdooyinka ka dhaca jirka aysan saamaxayn in uu uur yimaado, si kastaba ha ahaatee waxaa wanaagsan lamaana kasta oo rajeynaya iney uur helaan in ay wax ka bartaan waxyaabaha fududeyn kara iyo wax yaabaha cusleyn kara, hadii loo baahdana in la raadiyo warbixin caafimaad oo laga heli karo macluumaad buuxa oo ku saabsan dhalma la’aanta.

Akhriso: Fiitamiinnada U Fiican Uur Qaadista Haweenka Iyo Cuntooyinka Hodanka Ku Ah

Check Also

madax farad, noocyada madax xanuunka

Noocyada Madax Xanuunka, Midka Ugu Daran Iyo Hababka Looga Bogsado

Madax xanuun iyo madax farad (headache and migraine) Madax xanuunka: Madax xanuunku waa xanuun qofku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *