DHAGAXAANTA QUMANKA: Sababaha Keeno, Astaamaha Iyo Sida Loo Nadifiyo

Dhagaxaanta qumanka (tonsil stones) waa waxyar oo cadaan xigeen ah, waxey ku sameysmaan gudaha ama qumanka korkood. Qumanka waxay ka mid yahiin goobaha jirka dhagaxaantu ay ku samaysmaan sida kilyaha iyo xameetida oo kale.

Qumanku waa qanjidh Alle ku abuuray cunaha, kaas oo loogu talo galay inay gacan ka gaystaamn difaaca jirka waxayna la dagaalamaan wixii caabuq keeni kara oo jirka afka ka soo gala.

Waxaa caadi ah in dadka la nool dhagaxaanta qumanka aysan war u hayn iney qabaan iyo in kale. Dhagaanta qumanka ma ahan kuwa fudud in la arko waxey noqon karaan dhagaxaan yaryar iyo kuwo waaweyn. Dhagaxaanta qumanka inta badan masababaan xaalado caafimaad daro oo khatar ah, hasa yeeshee mararka qaar waxey sababi karaan in qumanka ay bararaan.

Maxaa sababa dhagaanta qumanka?

Qumanka waxaa ku yaala marino iyo godad yaryar. Haraadiga sida unugyada dhintay, calyada iyo cunada ayaa ku xayirma godadka yaryar. Bagteeriya iyo Fungi ayaa quuta haraadigaas, waxeyna sababaan ur.

Muddo kedib haraadigi ayaa adkaada kedibna isu bedela dhagaxaan yaryar. Dadka qaar waxey yeelan karaan hal dhagax halka dadka kalena ay yeelan karaan dhagaxaan tira bdan.

Wax yaabaha sababi kara dhagaxaantaa waxaa kamid ah:

  • Nadaafadda afka oo aan si fiican loogu dadaalin
  • Qumanka waa weyn
  • Dhibaatooyinka hogagka sanqada
  • Caabuqa qumanka oo joogta noqda

Astaamaha dhagaxaanta qumanka

In kastoo dhagaxaanta qaar ay noqon karaan kuwa aan si fudud loo arkin, waxey guud ahaan sababi karaan astaamo la dareemi karo, waxaana ka mid ah astaamahaas:

  • Neefta oo urta
  • Dhuun xanuun
  • Laqidda oo lagu dhibtoodo
  • Dhag xanuun
  • Qufac
  • Qumanka oo barara
  • Waxyaaba cadcad ama jaale/huruud u eg oo ku sameysma qumanka

Dhagaxaanka yaryar ayaa ah kuwa ugu caansan, inta badana ma sababaan wax astaan ah, laakiin markii dhowr xabo ay samaysmaan ama kuwa waawayn ay noqdaan waxay keenaan astaamaha aan kor ku soo xusnay

Sidee baa looga hortagaa dhagaxaanta qumanka:

Dhagaxaanta qumanka waa kuwo si joogta ah ku sameymi kara, nasiib wanaag waxaa jira tillaabooyin la qaadi karo si looga hortago iney sameysmaan, waxaa ka mid ah tallaabooyinkaas:

  • In qofku uu dabeecad ka dhigto joogteynta nadaafadda afka, iyo nadiifinta qeybta gadaale ee carrabka marka qofku uu cadayanayo
  • Joojinta sigaar cabidda
  • Ku luqluqashada biyo diiran oo cusbeysan ayadoo la gaarsiinayo hareeraha dalqada
  • Joogteynta cabidda biyo kugu filan

Dhibaatooyinka ka dhalan kara

In kastoo dhibaatooyinka la xiriira dhagaxaantaan aysan aheyn kuwo badan, hasa yeeshee waa macquul in dhibaatooyinka uu qofku lasoo derso. Dhibaatooyinka ugu halista badan ayaa ah infekshan ka dhaca gudaha qumanka.

Qumanka waaweyn waxey dhaawici karaan nudaha caadiga ah ee qumanka, arintaan ayaa horseedi karta barar daran oo qumanka ah iyo infekshan ku dhaca qumanka.

Talo

In lagu soo saaro dhagaxyadaan waxyaabaha adag sida cadayga ama buraasha lagu cadeysto ayaa ah arin aad looga deyriyo sababtoo ah qumanka waxay ka sameysan yihiin nude aad u jilicsan sidaa darteed waa muhiim in aan la isticmaalin waxyaabaha sii dhaawici kara. Hadii aad ka badin weysid waxaa isticmaashaa suuf qoyan si aad ugu soo tirtirtid qumanka. Hadii dhibaatooyinka aad dareentid iney ka sii darayaan booqo dhaqtarka ku taqasusay cilimiga la yiraahdo ENT.

-Daryeel Magazine

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *