Daryeelka Wajiga Saliida Leh Iyo Waxyaabaha Ku Haboon

daryeelka wajiga saliida leh

Casharkani waxa  uu gaar u yahay gabadh kasta oo jidhkeedu saliid leeyahay, wajigeedu qoyo had iyo jeer, finan yar leh. Jidhkan saliid leh ee aan maanta ka hadlayno ayaa ah jidhka ugu dhibtada badan ee ay dumarku yeeshaan.

jidhkan ayaa ah jidh had iyo jeer kadeedan, haddii daldaloolada wajigu xidhmaan qofku wuxuu isku arkaa finan waa wayn oo dheecaan leh.

Jidhkan saliida leh ayaa u baahan nadaafad ka badan ta noocyada kale ee jidhka, waayo jidhkani wuxu sameeyaa saliid iyo dhidid badan oo ka soo baxa jidhka oo had iyo jeer ka gala daloolka jidhka  ilaa ay fadhiistaan barta ay xaaddu ka soo baxdo, saliidan iyo biyahan ayaa noqda jeermis, haddii jeermiskaasi meeshaa sii fadhiyo dhibaato badan ayuu keeni karaa.

Maxaa sababaha wajiga saliida leh?

Oogada biniaadamka waxa uu Alle ku abuuray qanjirro loo yaqaaanno “Sebaceous glands” oo shaqadoodu ay tahay inay soo daayaan saliida loo yaqaanno “sebum” si loo subkiyo maqaarka. Marka Qanjirradaasi ay soo saaraan saliid badan, waxa ka dhasha wajiga saliidda leh.

Sababo kala duwan ayaa keeni kara in qanjirradaasi ay si aad u shaqeeyaan oo ay saliid badan soo saaraan waxaana  ka mid ah dhaxal, walwalka xad dhaafka ah iyo isbeddellada iyo khalkhalka hormoonnada.

Nasiib wanaag waxaa jira dawooyin guri oo lagula tacaali karo jidhka saliidda leh, dawooyinkaas dabiiciga ah oo uu Daryeel Magazine soo aruuriyay waxa ay kala yihiin

Dacarta:

Dacartu waxa ay jidhka ka nuugtaa saliidda dheeraadka ah. Waxaa ku jira iskudhisyo liddi ku ah bakteeriyada, waxa ay dishaa bakeeriyada keenta finanka waxayna daweysaa finanka. Mari wajiga dareeraha dacarta 2 goor maalintii adiga oo u deynaya illaa uu ka qalalo.

Biyaha liin dhanaanta:

Liin dhanaantu waa waxa ugu cajiibsan ee markaaba jidhka saliida leh caawisa, Waxay ilaalisaa dheellitirka heerka pH-ta jidhka, saliida taagan foodda iyo gadhka ayay jidhka kale ku kala qaybisaa. Sida oo kale, liin dhanaantu waxay iftiimisaa maqaarka waxayna ka qaadaa unugyada dhintay.

Waxa aad isku qasaysaa xaddi isle’eg oo ah biyaha qajaarka iyo biyaha liin dhanaanta ah, mari wajiga adiga oo u deynayna inta ay ka qallalayaan kadibna ka biyo raaci. Joogtee habkan.

Xabka beedka

Beedkan xabki ahi waxa uu caawiyaa inuu saliida ka nuugo wajiga, Kala saar qeybta xabka ah ee beedka ama ukunta iyo qeybta huruudda ah. Qeybta xabka ah u isticmaal sida qasilka oo kale, kadibna biyo diiran kaga maydh wajiga.

Ama waxaad isku darsan kartaa beedka qeybta xabka ah, biyaha liin dhanaanta iyo dhowr dhibcood oo malab ah. Mari wajiga adiga oo u deynayaa muddo 30 daqiiqo ah kadibna ka maydh. Samee habkan asbuuc kasta.

Boorashka:

Boorashku maqaarka ayuu qaboojiyaa, waxaana uu  ka dhigaa mid qoyan oo aan saliid lahayn, waxa ku jira walxaha sunsaarista kuwaas oo la dagaallama calaamadaha gabowga. Boorashka waxa lagu daraa biyo yar, dhowr daqiiqana waa kariyaa, wajiga ayaa la mariyaa kadibna biyo diirran ayaa looga maydhaa.

Tamaandhada:

Tamaandhada iyaduna aad ugu fiican tahay wajiga saliida leh, waliba dadka cas casaanka leh, jidhka way qaboojisaa, daldalooladana way furtaa,  waxay caawisaa dheellitirka heerka pH-ta jidhka, maqaarka way dhalaalisaa, finankana way yareeysaa. Waxaa tamaandhada ka buuxa faytamiin C oo jidhka quruxdiisa u fiican. Inta la shiido tamaandhada ayaa wajiga la marsadaa.

Jooji maydhista badan:

Tani waa qaladka ugu badan ee lagu dhaco, dadku waxay aaminsan yihin haddii uu qofka uu wajiga maydho in saliiddu ay ka yaraanayso, waa caksi, saliidda waa ay sii badataa, marka waa inaad wajiga  maydhaa labo goor kaliya, marka aad soo kacdo subaxdii iyo marka aad seexanayso habeenkii, taas oo qanjirrada saliidda dareensiinaysa in baahi wayn aanay jirin.

Cab biyo badan:

Biyo cabista badan waxa ay jidhka ka ilaalisaa engaga ama qallaylka, waxayna hoos u dhigtaa howsha qanjirrada saliidda soo saaro, ogow haddii biyo cabbistaadu ay yar tahay, saliida way jiraysaa.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *