Nafaqooyinka Ay U Baahan Tahay Hooyada Uurka Leh Iyo Cunnooyinka Laga Helo

Cunno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo la cuno xilliga uurka waxay sare u qaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqo noocee ah ayaad u baahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka.

Ma jirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur la’aanba waa muhiim in dabeecad laga dhigto cunidda cunno isku dheelitiran. Cunooyinka isku dheelitiran waxaa ka mid ah cunidda mira ama fawaakihaat badan, qudaarta, haruurka sida digirta, galeyda, qamadiga, borotiinka iyo dufinta fiican oo laga helo (kaluunka, lowska, avocadada, sisinta).

Hasa yeeshee waxaa jira nafaqooyin qaar oo ubaahan in il gooni ah lagu hayo xiliga uurka, waxaa ka mid ah nafaqooyinkaas.

Folic-ama folet asid (folic acid):

waxay ka hortagtaa in ilmaha ay ku dhashaan iin ama cilad, Maadadaan waa Vitamin B, waxay caawisaa iney ka hortagto cilad ku timaada tuubada neerfaha, oo ah xaalad halis ah oo soo wajihi karta maskaxda iyo xangulaha.

Cuntada laga helo: badarka, qudaarta cagaaran, liin bambeelada, digirta la qala jiyay, iyo digirta cagaaran oo lagu kariyo cunada. Cabirka loo bahaan in lacuno xiliga uurka waa 800 micrograms.

kalshiyaam (calcium): 

wuxuu xoojiyaa lafaha. Hooyada iyo uurjiifkaba waxay ubaahan yihiin kalsiyam si ay uhelaan lafa xoog iyo ilkaha, sidoo kale kalsiyam wuxuu caafimaad wareega dhiigga, murqaha iyo habka dareemayaasha.

Cuntada laga helo: Wax yaabaha laga sameeyo caanaha ayaa ah meesha ugu fiican ee laga helo maadada kalsiyam sidoo kale waxaa laga heli karaa borokooli iyo cabitaanada la shiido. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 1,000 milligrams.

Vitamin D:

wuxuu caawiyaa dhisidda lafaha, Cuntada laga helo ayaa ah kalluunka, ukunta iyo caanaha.

Borotiin:

Borotiinku wuxuu caawiyaa koriimada. Borotiinka wuxuu lagama maarmaan uyahay koriimada uurjiifka, khaasatan 6da bil ee dambe ee uurka.

Cuntada laga helo- hilibka aan cadiinta lahayn, digaaga, kaluunka, ukunta ayaa ah meelaha ugu badan uu jirka ka heli karo borotiinka, sidoo kale waxaa laga heli karaa digirta cagaaran ee lagu kariyo cunada, waxyaabaha laga sameeyay caanaha iyo subaga lowska la marsado rootiga. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 71 grams.

Birta ama xadiidka:

Waxay ka hortagtaa dhiig yari. Jirka wuxuu isticmaalaa maadada iron si uu usameeyo HB oo ah maadada xambaarta ogsijiinta kujirta dhiigga, xiliga uurka cabirka dhiigga wuu is bedelaa si jirka uu ula qabsado shaqada jirka hooyada iyo kan uurjiifkaba, sidaa darted jirka wuxuu ubaah naanaayaa Ayron dheeraad ah si loo helo HB badan oo xambaari kara ogsijiinta ay ubaahan tahay hooyada iyo uurjiifkaba.

Hadii aadan cunin iron kugu filan, waxaa laga yaabaa inaad dareentid daal, waxaad kaloo u nuglaaneysaa infekshan, sidoo kale waxaa kor ukacaya farsadaha in uu cunuga dhasho xiligi loogu talagalay kahor asagoo kayar culeyski laga filaayay.

Cunada laga helo waxaa kamid ah hilibka aan lahayn baruurta, digaagga iyo kalluunka, sidoo kale waxaa laga heli karaa badarka, digirta iyo khudradda cagaaran.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *