Health

Faa’idooyinka Cabitaanka Tufaaxa, Baytaraafka Iyo Karootada & Xaaladaha Caafimaad Ee Uu La Dagaallamo

baytaraafka tufaaxa karootada, cabitaan,

Cabitaanka dabiiciga ah waxaa uu baabi’iyaa oonka, waxaa laga helaa nafaqo, culaysna ma saaro beerka iyo kilyaha. Hadaba casharkaan waxaan soo qaadanaynaa cabitaan aad caafimaadka ugu roon oo laga samaynayo saddex shay oo dhulkeenna si fudud looga heli karo kuwaas oo kala ah tufaax, baytaraaf iyo karooto (dabocase). Cabitaankan, waxaa meelo badan dunida ka mid ah looga adeegsadaa in jirka …

Read More »

Cuntooyinka Ramadaanka Ee U Fiican Dadka Waayeelka Ah

cuntooyinka dadka waayeelka ah, ramadaanka,

Calool istaagga iyo mararka qaarkood nafaqadarradu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha uu qofka waayeelka ahi kala kulmo soonka. Nidaam cunto oo caafimaadka u fiicani waa tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku ku wanaajin karo xaaladdiisa caafimaad. Waxa aana muhiim ah in maskaxda lagu hayo in hal cunto oo qofka da’da ahi uu joogteeyo, xitaa haddii ay tahay cuntada u …

Read More »

7 Cunto Oo Aad Ugu Wanaagsan Ragga

Cuntooyinka ragga u fiican

In kasta oo si guud cuntooyinka waxtarka caafimaad leh ay u siman yihiin ragga iyo dumarku, haddana sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan culimada caafimaadku, waxaa jira kuwo waxtarkaas caafimaad ee ay aadamaha siiyaan sii kala tayo iyo awood badan yahay marka loo eego kala duwanaanshiyaha jinsiga. Qormadan  oo aynu ka soo qaadannay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa qaybo …

Read More »

Habka Cunto Qaadasho Ee Ku Haboon Soonka Xilliga Xagaaga

soonka xagaaga, ramadaanka, cuntooyinka

Bisha soon waxa ay sannadkan ku hagaagtay xilli xagaa oo lagu jiro bilaha ugu kulul sannadka, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aynu u talo urursanno hababka ugu fiican ee aynu isugu diyaarin karno u adkaysiga bisha soonka, gaar ahaan dhinaca cuntada oo ay tahay in laga xusho noocyada jidhka biyaha u ilaalinaysa isla markaana firfircooni iyo tamar siinaysa, saacadaha …

Read More »

CALOOL ISTAAGA: Xaaladaha Keena Iyo Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo

CALOOL ISTAAGA, CALOOSHA,

Waxa aynu maanta taxanaheenii caafimaad ku gorfayn doonaa calool istaaga. Calool istaag waxa loo yaqaanaa marka uu qofku saxaroodo 3 goor ama ka yar todobaadkii. Calool istaaga ayaa ah xaalad caafimaad oo aad caan u ah isla markaana dadka intooda badan ugu yaraan mar uun soo marta/martay noloshooda. Calool istaagu waa astaan ka mid ah astaamaha cuduro kala duwani muujiyaan …

Read More »

Maxay Hurdo Kuu Qabataa Afurka Kadib?

afurka, soonka, ramadaanka,

Maadaama la soomanaa saacado badan oo la dareemayo harraad, diihaal iyo dacas, waxay dheguhu dhawrayaan maqalka Aadaanka si afka loola helo cabitaan iyo cunto wixii naftu jamato si looga kabto oonkii, daalkii iyo dihaalkii, waxa sida loo yeelayaa si jirka loo tamriyo loona helo firfircooni. Hase yeshee waxaa suurta-gal ah in aynaan helin tamarti aynu u baahnayn kolka aynu afurno, …

Read More »

Cunnooyin Burburintooda Ay U Fududahay Dheefshiidka Oo Ku Haboon In Lagu Afuro

dheefshiidka, cuntooyinka afurka

Sannad kasta bilowga bisha soon iyo horraanteedaba waxa ay dhakhaatiirtu soo saaraan talooyin caafimaad oo qofka muslimka ah ka caawinaya in uu cibaadadan qaaliga ah guto, isaga oo dhinaca kalana ka helaya caafimaadkii jidheed ee ku jiray, kana fogaanaya khatartaha iman kara haddii qaladaad qofka ka dhacaan. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa talooyinkaas …

Read More »

Ahmiyadda Ay Leedahay In Mooska Lagu Darsado Suxuurta Iyo Cunnada Ugu Fiican Ee Lagu Suxuurto

mooska, cuntooyinka suxuurta,

khubarada ku xeel nafaqada iyo cuntada ayaa ku talinaya in qofka soomaya uu cuno mooska xilliga suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay jirka. Waxaa muhiim ah in dadka soomaya ay doortaan cuntooyinka ku habboon suxuurta oo ah cuntada ugu muhiimsan ramadaanka. Cilmi baarisyo la sameeyay waxaa la ogaaday in Moosku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin harraad …

Read More »

Noocyada Gaas Calooleedka (Gastiriga), Dhibaatooyinkiisa Iyo Sida Ugu Haboon Ee Looga Hortagi Karo

gastiriga, gaas calooleedka, bakteeriyada caloosha, gaaska,

Cudurka ay soomaalidu u taqaano gastirig wuxuu ku bilowdaa boogo yar yar oo ku samaysma darbiyada caloosha, iyo qeybta ugu horeysa ee xiidmaha yar yar ee loo yaqaano duodenum. Waxaa badanaa caabuqaan keena bakteriyada loo yaqaano H. Pylori iyo aashitada caloosha oo xaalufisa lakabyada maqaarka ee caloosha, taasoo sababta in xuubka jilicsan ee calooshu uu dhaawacmo kadibna qofku uu damqasho dareemo mar …

Read More »

Dadka Qaba Cudurka Macaanka Iyo Soonka

cudurka macaanka, soonka

Ramadaan Mubaarak. Akhriste, waxa aynu qormada maanta ku lafa guri doonaa mid ka mid ah cudurada lala noolaado kaas oo ah macaan ka. Macaanka ayaa noqda dhawr nooc oo ay ugu caansan yihiin Type-1 iyo Type-2. Nooca labaad ayaa ah kan aynu maanta faaqidayno. Noocan ayaa ah mid aan si rasmi ah ugu tiirsanayn qofku in uu qaato insulin. Waxa …

Read More »

SHUBANKA: Sababaha Keena, Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo

Shubanka waa xaalad saxara jilicsan oo joogta noqoto, caadi ahaan soconaysa dhowr maalmood oo inta badan joogsada bilaa dawo. shuban waxaa lala xiriiriyaa amaba keena infekshan, bakteeriyo iyo mararka qaarkood natiijo ka timid cuno lagu sumoobay. Marka uu xanuunka shubanku raago sida caadiga ah waxa ay ka dhalataa cudur ama xanuun ku dhaca mindhicirada. Shubanka waa dhibaato ay la kulmaan dadka badankooda …

Read More »

Noocyada Xanuunka Qalalka, Sababaha Keena Iyo Astaamihiisa

Xanuunka qalalka (epilepsy) waxaa sababa qalad ka dhaca habka dareemayashaa dhexyaalka ah, taasoo sababeysa in carqalad ay ku timaado shaqooyinka neerfayaasha, arintaan waxey dhalineysaa qallal, ama waqti kooban oo qofku dareemo dareeno kala duwan iyo in qofku uu si kumeel gaar ah u miyir daboolmo. Astaamaha qallalka waa kuwo si weyn u kala duwanaan kara inta badan, dadka qaar wuxuu …

Read More »

Habka Loo Maareeyo Raaxa La’aanta Ka Dhalata Laab Jeexa

LAAB JEEXA, LAAB DILAACA,

Maaraynta Laab Jeexa: Ma dareentaa laabjeex? Haday jawaabtaadu haa tahay, waxa ugu muhiimsan ee lagaa rabo inaad sameesid waa inaad isbadal ku samaysid waxa aad cunaysid iyo hab nololeedkaaga. Dib u habeyn ku samee waxa aad cuneysay Dooro oo cun cuntooyinka dufanku ku yaryahay. Tusaale ahaan hilibka digaaga wuxuu leeyahay maqaar dusha sare kaga dahaaran oo dufan badan u yeelaya …

Read More »