Ramadaanka waxaa is beddela nidaamka cunto ee dadka soomaya, waxa ay sabab u noqon kartaa dhibaatooyin ay ugu yar tahay in miisaankii ay ahayd in uu qofka ka dhacaa uu kordho iyo in ay dhibaatooyin caafimaad keento. Qormadani waxa ay talo kaa siinaysaa cuntooyinka aan ku habboonayn in aad ku suxuurato: 1. Cuntooyinka ama cabbitaannada lagu sameeyey sonkorta badani waxa …
Read More »Health
Faaidooyinka Guurka Uu U Leeyahay Dumarka Iyo Cudurrada Uu Ka Caabbiyo
Cidi shaki kama qabto in guurku uu yahay furaha xasiloonida ee ragga iyo dumarka labadoodaba, waxa aanay marar badan oo kala duwan khubarada cilmiga bulshadu inoo sheegaan in dhismaha qoyska iyo ubad la dhalaa ay si weyn uga qayb qaataan in la xaqiijiyo isu-dheelli tirnaan jacayl oo lammaanaha dhex timaadda, iyo in ay yeeshaan caqli ka fogaanaya dhammaan caadooyinka xun …
Read More »Sababaha Keeno Khuurada Badan Iyo Cilladaha Lala Xiriiriyo
Khuurada waa xaalad caan ah oo ku dhici karta qof kasta, inkastoo ay ubadan tahay ragga iyo dadka cayilan. Khuuradu waxay u nugushahay iney ka siidarto sanadba sanadka ka dambeeyo Dadka khuuriya mararka qaar waxa dhib ah kuma ahan, dhibka kaliya ay leedahay ayaa ah iney arbush ku tahay lamaanaha sariirta la jiifo, hasa yeeshee qofka hadii uu si joogta …
Read More »Cuntooyinka Halista Ku Ah Caafimaadka Caruurta Ee Ay Tahay Inaan La Siinin
Warbixin caafimaad oo dhowaan lagu faafiyey Shabakadda ‘Bright Side’ ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa shaaca ka qaadday in jiraan cuntooyin badan oo aynu si joogto ah u isticmaalno, innaga oo u aragna in ay wax ka tarayso caafimaadka, laakiin aan ka warqabin in ay jiraan daraasado cilmiya oo muujinaya in ay khatar ku yihiin caafimaadka caruurta yaryar. Waxaa ka …
Read More »Waa Maxay Neerfo, Maxaa Se Sababa?
Maanta waxaan ka hadli doonnaa, qoraal ku saabsan mawduuc aan ka aaminsan nahay qaladaad badan.Siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa kalmadda loo yaqaan “Neerfo” ama “Nerve”, tusaale ahaan: Neerfo ayaan qabaa, Neerfo ayaa igu kacsan & Neerfaa lugta ama gacanta iga hayo. Talow Neefaha la sheego muxuu yahay? Waa Maxay Neerfo (Nerves)? Neerfaha (Nerves), Afsoomaali ahaan micnihiisu waa “Dareen-Side”, wuxuu …
Read More »Sababaha Keeni Kara Lalabada Ama Yalaalugada La Dareemo Aroortii
Bismillah, Casharkeena maanta wuxuu ku saasbsan yahay arrin ku badan bulshada taasoo ku saabsan lalabada la dareemo subaxdii hore illaa barqadii laga gaaro taasoo qofku quraacan karin, sidaasne shaqada ama waxbarasahada ku aado. Maxaa keeno cilladaan? Cilladaan waxaa keena dhowr arrimood oo kala duwan, waxaana u kala hormarin doonnaa sida ay ugu kala badan yihiin bulshada iyo mid walba sida …
Read More »Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Marka Ay Bunka Cabbaan Qaar Kalena Ay Iskaga Waayaan Hurdada?
Mar kasta oo aynu bun cabbayno waxa aynu niyadda ku haynaa in uu firfircooni inoo horseedo, waana sababta dad badani balwad uga dhigteen in ay cabbaan marka ay subaxdii hurdada ka toosaan. Laakiin waxaa dhici karta in mararka qaarkood natiijada aynu ka filaynay mid ka duwani ka soo baxdo. Bunka oo aynu cabnay in aynu isku aragno hamaansi ama hurdo …
Read More »Haddii Aad Ka Cabanayso Hurdo Xumo, Ku Dedaal Caadooyinkan Wanaajiya Tayada Hurdada
Hurdadu waxay aasaasi u tahay nolosha iyo caafimaadka qofka. Waxa ay maskaxda ka dhigtaa mid firforcoon, waxayna saamayn ku yeelataa fariidnimada qofka, fikirkiisa, hal-abuurkiisa, dabeecaddiisa, awoodda fahamkiisa iyo xasuustiisa. Sidoo kale, hurdadu waxa ay xoojisaa awoodda difaaca jirka waxayna ka hortagtaa cudurro badan oo kansarku uu ka mid yahay. Jirka oo heli waaya hurdo ku filan waxa ay keentaa cillado …
Read More »Dhukayga Muxuu Taraa, Maxaa Se Dhici Kara Haddii Dhegta Laga Saaro?
Dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo. Dhegta qeybteeda dibadda wuxuu Alle ku abuuray qanjiro sameeyo dhukayga, markii la sameeyo kadib, wuxuu u dhaadhacaa gudaha. Dhukayga wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay: Wuxuu qooyaa dhegta, kana ilaaliyaa qallaylka iyo cuncunka. Dhukayga waxaa ku jiro maaddo jeermiska …
Read More »Da’da Aabuhu Saamayn Ayaa Ay Ku Leedahay Caafimaadka Ilmaha Uu Dhalayo?
Cilmibaadhiso caafimaad oo ay samaysay xarunta caafmaadka ee jaamacadda Standford ayaa muujiyey in ragga da’doodu weyntahay ay khatar ugu jiraan in ay dhalaan ubad caafimaadkoodu aanu buuxin. Waxaa hore loo aaminsanaa in caafimaadka ilmuhu uu si weyn ugu tiirsan yahay caafimaadka hooyada, laakiin cilmibaadhistan cusubi waxa ay caddaysay in caafimaadka labada waalidba uu saamayn ku leeyahay caafimaadka ilmaha ay dhalayaan. …
Read More »Fadhiga Badan Iyo Xarakaad Yaraantu Waxay Caruurta Ku Keenaan Cilladahan
Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah. Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga …
Read More »Hababka Sare Loogu Qaado Caafimaadka Kelyaha, Loogana Hortago Kelyo Xanuunka
Kelyuhu waxa ay door wayn ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka guud, iyagoo dhiigga ka sifeeya qashinka iyo dheecaannada dheeraadka ah, waxa ay nidaamiyaan cadaadiska dhiigga, waxayna sameeyaan unugyada dhiigga cas. Si kasta ha ahaatee, arrimo kala duwan ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka kelyaha islamarkaana keeni kelyo xanuun, waxaana arrimahaas ka mid ah; hab nololeedka xun iyo cudurrada raaga. Haddaba Daryeel Magazine, …
Read More »Sababahan Awgood, Haka Tegin Quraacda
Waxaa la isku waafaqsan yahay in quraacdu ay tahay cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii uu qofku howlgeli lahaa. Nasiib darro, nolosha maanta ee mashquulka badan ee xawaaraha ku socota ee la wada ordayo dad badani way ka boodaan quraacda sababo la xiriira howlaha u yaalla subaxdii iyo shaqooyinka ay u degdegayaan awgood laakiin taasi waxay keentaa in barqadii ay cunaan …
Read More »Hababka Loo Xoojiyo Difaaca Jirka, Cudurradana La Iskaga Caabbiyo
Habdhiska difaaca jirku waa nidaam uu jirku iskaga ilaaliyo infekshannada iyo cudurrada oo ay ka mid yihiin xanuunnada raaga. Difaaca jirkaagu wuxuu la dagaallamaa wax kasta, laga bilaabo fayrasyada keena hargabka iyo ifilada illaa cudurrada halista sida kansarka. Hab-nololeed caafimaad leh oo la joogteeyo wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan, oo ay ku jirto xoojinta difaaca jirkaga. Waxaynu qoraalkan ku soo qaadanayna …
Read More »Cuntooyinka La Dagaallama Daalka Iyo Tamar Yarida Ee Qofka Siiya Firfircoonida
Daalka badan waa cillad caan ah oo saamaysa malaayiin dad ah, waxaana inta badan keena cunno xumada, hurdo la’aanta iyo xanuunada qaarkood. Inkasta oo helida hurdo kugu filan iyo maaraynta stress-ku ay muhiim u yihiin la dagaallanka daalka iyo tabar darrada, haddana cunnadu waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa ilaalinta heerka tamartaada. Qaadashada cunnooyinka nafaqada leh ee tamarta kordhiya, waa …
Read More »
Daryeel Magazine