Cuntada & Nafaqada

10 Cunno Oo Daweeya Naqaska Caloosha Iyo Dibirada, Caafimaadka Dheefshiidkana Wanaajiya

dheefshiidka, dibirada,

Naqaska caloosha isku xira iyo dibiradu waxay qofka ka qaadaan xasiloonida iyo raaxada. Nasiib wanaag, waxaa jira cunnooyin yareyn kara astaamahaan. Cunnooyinkan oo la joogteeyo waxay kaxeynaysaa dibirada iyo hawada caloosha ku uruurta waxayna sare u qaadaysaa caafimaadka dheefshiidka. Sinjibiisha: Muddo qarniyo ah ayaa sinjibiisha loo adeegsan jiray in lagula tacaalo cilladaha dheefshiidka. Waxaa ku jira maadooyin yareeya hurka caloosha, …

Read More »

Cuntooyin Ay Qalad Tahay In La Maydho Kahor Karinta & Sababta Caafimaad Ee Diidaysa

In cuntada aynu cunayno la iska maydhaa waa arrin caafimaadka u fiican dhaqan ahaanan tan iyo carruurnimada lagu barbaariyo ubadka. Waxa aynu naqaannaa in dadka cuntada kariya rag iyo dumarba ay badankoodu cuntada ay karinayaan maydhaan karinta ka hor, laakiin cilmi ahaan, waxaa la xaqiijiyey in cuntooyinka qaar aanay u baahnayn in la maydho. Iyo in cuntooyinka qaar maydhistu ku …

Read More »

Waxyaabaha Ugu Fiican Ee Beerka Looga Nadiifiyo Sunta Iyo Wasakhda

Beerku waa xubinta ugu wayn uguna muhiimsan ee habka dheefsiga cunnada ee jirka.Waxa uu qabtaa howlo kala duwan sida burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo  hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista. Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta. Waxa uu jirka …

Read More »

7 Cunto Oo Ay Tahay Inaad Iska Yareyso Si Aad Caloosha Weyn U Dhinto

caloosha weyn, baruurta caloosha

In kasta oo aanay dhakhaatiirta iyo xeeldheerayaasha nafaqayntu isku khilaafsanayn in ay tahay cunto caafimaad ahaan aan wax dhibaato ah keenin, haddana cilmibaadhiso xeeldheer oo lagu sameeyey ayaa daahfurtay in qofka oo iska daaya cunistoodu ay ka caawinayso in uu ka takhaluso caloosha oo uu gaadho himiladiisa ah in uu yeesho calool muruqyadeedu giijisan yihiin. Warbixin uu dhowaan baahiyey wargeyska …

Read More »

Faa’idooyinka Waa Wayn Ee Basbaas Qajiga Iyo Nooca Ugu Waxtarka Badan

basbaas qajiga, basbaaska,

Basbaasku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka dunida aadka looga yaqaanno, In ka badan 62% dadka dunida ku nool ayaa xiiseeya cunnooyinka kulul ee basbaaska leh.  Inkastoo basbaasku uu ku caan baxay kulaylka haddana waxaa ku jira faytamiinno iyo macdanno jidhka waxtar u leh, sida faytamiin c, faytamiin B6, faytamiin K, faytamiin A, choline, kalsiyaam, potassium, phosphorus iyo magnesium. Waxaa kale …

Read More »

Faa’idooyinka Qajaar Qaraarka Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu Aad Wax Uga Taro

qajaar qaraar, khudrad

Casharkeenna maanta waxaan ku soo qaadanaynaa geedka qajaar qaraarka ee afka Ingiriiska lagu yiraahdo “bitter melon” ama “bitter gourd”.  Qajaar qaraarka dalkeenna laguma beero laakiin wadamada deriska nala ah sida Kenya, Uganda iyo Ethiopia waa lagu beeraa.  Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Hindiya.  Inkastoo qajaar qaraarka aysan dad badani jeclayn dhadhankiis, haddana waa khudrad xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo …

Read More »

Dhirta Dabiiciga Ah Ee Lagu Jari Karo Baruurta Caloosha

baruurta caloosha,

Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay dhibaato haysata dad badan oo dunida ku nool Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo cunno qaadashada . Baruurta caloosha ma ahan oo keliya inay saamayso quruxda qofka balse waxay kaloo keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan. Waxaa la arkay inay siyaadiso halista cudurrada dhiig karka, macaanka …

Read More »

Ahmiyadda Cunnada Isku Dheellitiran Ay U Leedahay Caruurta

nafaqo, caruurta

Ma ogtahay in carruurtu ay baahan yihiin nafaqo la mid ah tan dadka waa wayn ay u baahan yihiin? Carruurtu kama maarmi karaan in ay helaan cunno caafimaad leh oo isku dheellitiran si ay si wanaagsan ugu koraan uguna kobcaan. Nafaqo darrada waxa ay caruurtu ka qaadi karaan miisaan yari xaad dhaaf ah. Cunista Cunno isku dheellitiran waxaa laga helaa …

Read More »

Ahmiyada Caafimaad Ee Saliida Qoondarka Iyo Cilladaha Ay Wax Ka Tarto

saliida qoondarka,

Saliida qoondarka waxaa loo yaqaannaa “flaxseed oil” ama “linseed oil”, waxaana laga dhaliyaa miraha qoondarka. Saliidani waxa ay hodan ku tahay asiidhada dufanka ah ee omega 3, barootiin, gan, faytamiinno iyo macdano. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa saliidaan sida in cunnada lagu karsado ama lagu darsado iyo in korka la marsado. Saliida qoondarku waa saliid xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo …

Read More »

Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Subaga Lawska

subaga lawska,

Subagga lawsku waa cunno macaan, nafaqo ahaanna hodan ah. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaali karaa sida in roodhida la marsado iyo cabitaannada dabiiciga ah lagu dhex shiito. Subaga lawska waxaa ka buuxa dufannada loo yaqaanno “monounsaturated fats” iyo nafaqooyin kala duwan. Cunista 2 qaaddo oo subaga lawska ah waxa ay ku siinaysaa 188 garaam kalooris ah, 8 garaam oo barootiin, …

Read More »

Caanaha Iyo Malabka Oo Isku Daro Waxa Ay Ka Hortag Iyo Dawo U Yihiin….

caanaha iyo malabka

Caanaha iyo malabka la isku daro Caanaha dabiiciga ah waxaa ka buuxo nafaqooyin kala duwan oo aasaas u ah caafimaadka. Calcium-ta iyo fiitamiinnada ku jira caanaha waxay kobciyaan caafimaadka lafaha wayna adkeeyaan. Caanaha qaar sida kuwa geela wuu ku noolaan karaa qofka, waxay u geli karaan badalka cuntada iyo cabitaanka, wixii nafaqo jirka u baahnaa waa laga helaa oo waad …

Read More »

Cunnooyinka U Fiican Dhisida Murqaha Jidhka Iyo Xilliyada La Cuno

cuntooyinka muqaha dhisa, dhisida murqaha jidhka

Dhisida murqaha jidhka iyo qaabaynta murqaha maaha mid bilaabata kaliya marka aad aaddo goobaha lagu dhiso jidhka oo aad biro qaaddo, si murquhu ay u kobcaan waxaa loo baahan yahay qaadashada cunno iyo cabitaanno qani ku ah tamar badan iyo inaad awoodda murqaha ku dhistid miisaan culus. Qorshaha cunnada Khudradda iyo midhaha: Waxay aasaasi u yihiin cunno isku dheelitiran oo …

Read More »

Hadii Aad Gaadhay Da’da 30 Jirka, Ka Dheeroow Cuntooyinkan!

Marka ay da’da qofku 30 jir gaadho waxaa hoos u dhacda awoodda uu jidhku u leeyahay dheefshiga cuntada, sidaas awgeed waxaa la gudboon in uu fiiro gaar ah u yeesho cuntada uu da’dan kaddib cunayo. Haddii kale waxa uu halis u yahay in uu miisaankiisu kordho, ama buurnimada iyo dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhasha. Warbixin ay Aljazeera ka soo …

Read More »

Cabbitaannada La Dagaallama Calool Istaagga

Qormadan  waxa ay soo bandhigaysaa dhowr ka mid ah cuntooyinka iyo cabbitaannada dalkeenna laga yaqaanno oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaadka caloosha, dadka calool istaagga joogtada ah ka cawda iyo kuwa cillad caafimaad darro oo dhinaca dheefshiidka ahi haysana kula taliyeen in ay isticmaalaan. 1. Cabbista bunka: In badan ayaa ay khubarada caafimaadku ka digaan …

Read More »

Faa’idada Ay Leedahay In Toonta La Cuno Subaxdii Quraacda Ka Hor

In kasta oo ay dad badani aaminsan yihiin in toonta oo la cuno marka ay calooshu madhantahay ay dhibaato keeni karto, waxaa fahamkaas si adag uga hor imanaysa natiijada daraasad daahfurtay in toontu ay waqtigaas oo kale dawo ka tahay dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, gaar ahaan in marka waqtigan oo kale la joogteeyo cunista toonta ay jidhka siiso awood …

Read More »