Sirta Caafiimaad Ee Miraha Farawlaha

Farawlaha waa miro cas oo u saamaysan qaabka wadnaha, waa miro indhaha uroon, dumarkuna ay aad u jecel yihiin. waxa ay hodan ku yihiin walxaha sunsaarista iyo maadooyin kale oo faaido u leh caafimaadka guud.

Farawlaha waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan taas oo tamar iyo caafimaad bini’aadanka uu ka helo sida fitamiin C, fitamiin A, Fitamiin K, folate, calcium, magnesium, phosphorus, potassium iyo gan (fibre).

Faaidooyinka Caafimaad ee miraha farawlaha:

Ilaalinta caafimaadka wadnaha:

Farawlaha waxaa ka buuxa walxaha jirka sunta ka saaro kuwaas oo hoos u dhiga halista xanuunka xannibo xididada “atherosclerosis” iyo kolestaroolka dhibaatada leh.

Nidaaminta cadaadiska dhiigga:

Mirahaan waxaa ku badan maadada potassium taas oo caawisa hoos u dhigista caadiska dhiigga. Potassium-ta oo jirka ku yarataa waxa ay kordhisaa halista dhiig karka, dhan-qallalka iyo dhagaxaanta ku samaysmo kilyaha.

Ka hortagga cudurka kansarka:

Walxaha sunsaarista ee ka buuxa mirahan waxa ay la dagaallamaan waxa loo yaqaanno “free radicals”, waxa ay xannibaan koritaanka burooyinka, waxayna yareeyaan hurka jirka. Daraasado la sameeyay ayaa lagu arkay in miraha farawluhu ay hortag u noqon karaan kansarka noocyadiisa ku dhaca afka iyo beerka sababtuna waa maadooyinka ku jira ee “ellagic acid” iyo “ellagitannins” kuwaas oo joojiya koriitaanka unugyada kansarka.

Kantaroolista sonkorta dhiigga:

Farawlaha waxaa laga helaa faybar, kaas oo caawiya in sonkorta dhiiggu aysan dhaafin heerkeeda dabiiciga ah. Farawluhu waxa uu ka mid yahay furuutka uroon dadka sonkorowga qaba. Daraasad ayaa iftiimisay in maadada “fisetin” ee ku badan farawlaha ay yareyso dhibaatooyinka cudurka sonkorowga sida dhaawacyada soo gaara kilyaha iyo dareemayaasha.

Awood siinta difaaca jirka:

Farawlaha waxaa ka buuxa fitamiin C oo ah sunsaare xoojiya difaaca jirka, isagoo la dagaallama infekshannada iyo xanuunada.

Calool istaagga:

Mirahaan waxaa ku badan biyaha iyo faybarka kuwaas oo jirka waraabiya, dhaq-dhaqaaqa mindhicirradana kobciya. Faybar waxa uu muhiim u yahay la dagaallanka calool istaagga.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *