Astaamaha Walwalka Shilka Kadib (PTSD) Iyo Dadka Halista U Ah

Walwalka shilalka kadib (Post-Traumatic Stress Disorder) waa shay badanaa dadka ku dhaca markay shil galaan kadib. Shilkaas ayaa noqon kara mid gaari, diyaarad, mooto, ama wax kale oo qofkaas ku sababay inuu dhaawacmo ama naftiisa khatar galiyay. Waxay kaloo xaaladan dhici kartaa hadii qofka ehelkaaga ah ama kuu dhaw uu shilkaas haleelo.

Waxyaalaha kale ee qofka ku sababi kara inuu xaaladan wajaho waxaa kamid ah. Kufsiga, dagaalada, jir dilka, ama fatahaadaha. Xaaladan oo kale markay dhacan wuxuu qofku dareemayaa cabsi siyaado ah, kalinimo ama khal khal.

Astaamaha walwalka shilka kadib

Dadka ay ku dhacdo xaaladan waxaa badanaa lasoo darsa dareen cabsi iyo argagax leh, taasoo lamid ah mida qofku dareemayo marka shilka dhacayo. Badanaa dadku waxay isku arkaan afar astaamood.

La noolaanshaha dhacdada: qofku wuxuu la noolaanayaa ama ku dhex jirayaa dhacdadii ku dhacday ama shilkii ku dhacay, xasuus soo laa laabanaysa ayaa qofka ku qasbaysa inuu mar walba ka fikiri sida waxa u dhaceen, qofku wuxuu isku arkayaa dhidid badan, wadna garaac, iyo cabsi gaar ahaan marka qofku soo xasuusto ama qof kale soo xasuusiyo shilkii ku dhacay.

Digtoonaan saaid ah: waxaa laga yaabaa in arintaan qofka ku abuurto hurda la aan, nasiino la aan, iyo in qofku awoodi waayo inuu hawl maal meedkiisa caadigaa qabsado. Waxaa laga yaabaa in dadku sahladaan astaamahan, balse waa arin halisteeda leh qofkana ku sababi karta in xaaladiisu sii xumaato.

Qofka oo ka cabsada in uu soo xasuusto wixii dhacay: qof walba oo wajahaya xaalad noocaan oo kale ah wuxuu isku dayayaa in uu ka dheeraado xasuusta wixi dhacay oo dhan, meeshay ka dhaceen, dadkii shilka kula jiray ama ka danbeeyay wixii dhacay. In uu qofku ka dheeraado waxyaalaha aan soo sheegnay oo dhan ama qaar kamid a waxaa loo sababeeyaa inay qofka galinayaan xasuus hore oo aan fiicnayn taasoo gabi ahaanba badali karta xaalada caafimaad ee qofka. Soo xasuusashada arimaha noocaan oo kale ah waxay qofka ka dhigayaan mid bulshada ka dhex baxsan wax xiisa ah aan u hayn shaqooyinka uu qabanayo.

Waa wax caadi ah in dadka qaba walwalka shilka kadib dareemaan dhibaatooyin maskaxeed kale. Dhibaatooyinkan xaga maskaxda qofka kaga dhaca waxay noqon karaan kuwa yimaada shilka kadib ama kuwa dhaca isla waqtiga shilku dhacayo. Waxaa kamid ah niyad jab, argagax, ama balwad cusub oo qofku barto. Dhamaan dhibaatooyinkan waa kuwa dhici kara hadii xanuunkan uu sii jiro waqti dheer.

Yaa khatar ugu jira?

Qof walba oo shil ku dhaco wuxuu la kulmi karaa wel wel ama walbahaar shilku sababay, laakiin waxaa jira dad khatar gaara ugu sii jira xaaladan. Khaas ahaan dadka lasoo kulmay Kufsi, jir dil, shilal badan oo soo laa laabtay, caruurta oo yaraantooda loo gaysto fal anshax xumo ah ama garaacid siyaadaa, ama dadka jooga meelaha dagaaladu ka dhacaan.

Marka laga soo tago khatarta ka imaan karta hadii shil dhaco, waxaa jira waxyaalo kale oo sahli kara in qofku daris la ahaado wel welka noocaan ah. Sida, shilal horay kuugu dhacay, xanuun maskaxeed hore, qofka oo qabta shaqo culus shilka kadib iyo bulshada oo caawinaad siin wayda dhbanaha.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *