9 Waxyaabood Oo Cadow Ku Ah Maqaarka Jidhka!!

Si aad u ilaalisid maqaarkaaga waxaad ogaataa inuu leeyahay 9 cadow, hadii aad ka ilaalisidna ay kuu siyaadayso qurux iyo cafimaad iyo shabaabnimo. Si aad khatartaas iyo cuduradaa aad isaga ilaalisid 9kan iska jir.

Sigaarka: sigaarka oo la cabaa wuxuu udiidaa qofka inuu qaato ogasajiin ku filan taaso keenaysa inuu burburiyo fitamiin Cga muhiimka u ah inuu dhiso kolaajiin caawinaya inuu maqaarku shabaabnimadiisa ilaaliyo, taaso keenaysa in qofka maqaarkiisu jacadado coodhcoodho siiba afka hareerihiisa iyo indhaha.

Hawada wasakhaysan: tanina waxay keenaysaa isla dhibaatooyinka uu keeno sigaarku.

Hawada qalalan: maqaarka aad ayey u dhibtaa hawada qalalani, taasoo u keenaysa maqaarku inuu waayo qoyaan badan, saas darteed waa inaad ilaalisaa inaad qoysid sida mar walba inaad kareem marisid.

Misaanka oo kugu bata / ama kaa nusqaama : qofku markuu naaxayo ama catoobayo maqaarkiisu wuu isjiidaa si uu u kala baxo oo uu dabcaa mar walba oo uu kala isjiidmana way adkaataa inuu sidiisa ku noqdo.

Maqaarka oo la qalo: dad ayaa wajiga iska qala iyagoo qurux raadinaya taasina aad ayey khatar ugu tahay maqaarka, sababto ah waala kala jiiday maqaarkii. Ama dadka sida badan u isticmaala Make up waxay keentaa in maqaarku siduu ahaa uu ka badalmo.

Maqaarka sida khaladka ah loo dhaqo: dadka qaar ayaa si adag u dhaqa maqaarka wajigooda taasoon loo baahnayn oo natiijooyin xun keeni karta, hadaba si dabacsan oo tartiiba ah udhaq maqaarkaaga.

Alkoholka: khamrigu khatar ayuu uyahay beerka, taasoo keenaysa inuu bururiyo fitamiin Bga ku jiray jirka.

Mukhaadaraadka / haashka: mukhadaraadka qaarkood waxay kadhigaan maqaarka mid u dulqaadan waaya qoraxda, qaarkoodna waxay qalajiyaan wajiga oo dhibco dhibco ayey ka soo saartaa wajiga.

Qoraxda shucaaceeda: faa`iido badan ayey ledahay qoraxdu, laakiin hadii intii loo baahnaa uu ay kabadato xanuuno ayey keentaa sida kansarka.

WQ: Sucaad A. Maxamed

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *