13 Cunto Oo Ka Hortagga Cudurka Kansarka

cuntooyinka kansarka, kansar,

Cudurrada dunida maanta ugu halista badan waxaa ka mid ah cudurka Kansarka oo noocyo kala duwan leh. Sababaha ugu badan ee keenana waxa ay dhakhaatiirtu ku sheegeen nidaamka cunto oo aad uga qaldama dadka iyo qaab nololeedka xun.

Magaca kansar waxa loo adeegsadaa in kabadan 100 cudur oo ka dhasha tarmidda unugyada jirka oo utarma si aan caadi ahayn. Kansarka wuxuu bilaawdaa marka qaar kamid ah unugyada jirka ay bilaabaan inay u tarmaan si xad ka bax ah, ayadoo aysan jirin sabab loogu baahan yahay inay tarmaan, sida unugyo dhintay ama unugyo dhaawacmay midna, sida caadiga ah unugyada beni aadamka waa kuwo dhinta laakin kuwa kansarka waxay taranka bilaabaan ayagoo aan dhiman, arintaan waa mid badinaysa tirade unugyada, dhanka kale unugyada kansarka waxay sameeyaan wax aysan sameyn unugyada caadiga ah waxa ay gudaha ugalaan xubno iyo cadad kale oo ay ku sii dhex tarmaan. Tarmida xad la’aanta ah iyo dhex galka qeybaha kale ee kamidka ah jirka ayaa sababa unugyada iney isku badalaan kansar.

Cunista cunno isku dheeli-tiran iyo jimicsiga joogtada ah waa qaab fiican oo looga hortegi karo noocyada kala duwan ee cudurka kansarka. Qoraalkan waxaan ku soo qaadanaynaa 11 cunto oo la xaqiijiyay inay ka hortagaan kansarka, waxayna kala yihiin:

Tufaaxa:

Tufaaxa waxaa ku jirta maadada polyphenol oo ka hortagta cudurka kansarka, wadne xanuunka iyo infekshannada. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu arkay in cunista xabad tufaax ah maalin kasta ay dumarka ka yarayso halista kansarka sambabada iyo naasaha.

Afakaadhada:

Afakaadhadu waxa ay hodan ku tahay maaddooyin tiro badan oo kiimikaad, kuwaas oo ay cilmibaarisuhu tilmaameen in ay xiriir la leeyihiin la dagaallanka kansarka iyo koritaankiisa. Waxa ay Afakaadhadu la dagaallantaa in ay koraan unugyada kansar ama in uu kansarku sii kordho.

Cambaruudka:

Cambaruudka waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista kuwaas oo ka hortagga kansarka sambabada ku dhaco.

Kalluunka:

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dufanka Omega 3 ee ku jira kalluunka uu ka hortago cudurka kansarka, sidoo kale dufankani wuxuu ka hortagaa wadne xanuunka iyo xanuunada la xiriira wadnaha.

Rummaanka:

Rummaanka wuxuu alle ku abuuray maaddo ka hortagto samaysanka unugyada kansarka, waxaana la arkay inuu ka hortag u yahay kansarka ku dhaca naasaha dumarka iyo kansarka ku dhaco qanjirka ragga ee “Prostate-ka”.

Misirta:

Maadooyinka “polyphenols” ee laga helo misirta waxay joojiyaan koritaanka unugyada kansarka. Waxaa kaloo misirta ku jira fiber oo yareeya halista kansarka malawadka.

Canabka:

Maadada “resveratrol” ee laga helo canabka waxay hortagtaa koritaanka iyo fidista kansarka.

Shaaha cagaaran:

Maadada ECGC oo ku jita shaaha cagaaran waxay si adag ula dagaallantaa sababaha keena kansarka, gaar ahaan noocyadiisa ku dhaca, sambabada, malawadka, qanjirka prostate-ka iyo naasaha.

Toonta:

Cunista toonta oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa noocyo badan oo kansarka ka mid ah sida kansarka malawadka, kansarka qanjirka ragga ee “prostate-ka” sababtoo ah waxaa ka buuxdo maadada “allicin”.

Lawska:

Lawska waxaa ku jirta maado la yiraahdo “beta-sitosterol taas oo ka hortagta samaysanka burooyinka kansarka waxayna xakamaysaa koritaankooda.

Qoondarka (flaxseed:

Dufanka omega 3 ee ku badan qoondarka wuxuu ka hortagaa koritaanka burooyinka kansarka khaasatan kansarka ku dhaca naasaha. Dumarka waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan cunista qoondarka si ay u hortagaan kansarka naasaha gaar ahaan haddii ay dhaxal u leeyihiin.

Kaarootada:

Kaarootada waxaa ka buuxo maado la yiraahdo “Beta-carotene” maadadaan waxay yaraysaa khatarta kansarada khaasatan kansarka sambabka, waxaa la arkay haddii qofka maadadaan uu ka qaato 2.7 milligram maalin kasta inay yaraynayso halista kansarka boqolkiiba 40% markii lagu tijaabiyay dadka sigaarka aad u cabo, cilmibaaris kale waxaa lagu arkay inay yarayso halista kansarka malawadka ku dhaco, taasi waxay na tusinaysaa in kaarootadu ay faa’ido ka hortag oo aad wayn in ay leedahay haddii la joogteeyo.

Harakowga ama fasuuliyada (navy beans):

Manganese waa macdan aadan inta badan maqlin laakiin wuxuu ka qeyb qaate u yahay enzyme-yo ka hortaga walaxa loo yaqaano “free radicals” ee dhaawaca jirka ee kor uqaada halista kansarka iyo xanuunada raaga. Sidoo kale maadada copper waxey qeyb muhiim ah ka ciyaartaa kicinta qulqulka dhiiga, sidoo kale waxey kor u qaadaa dabacsanaanta kalagoysyada ayadoo yareyneysa cadaadiska wax dhaawici kara.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *