10 Siyaabood Oo Aad U Kordhin Karto Rabitaankaaga Kulanka Sariirta

Waa wax dabiici in qofka rabitaankiisa galmo uu isbedel ku yimaado muddo kadib. Waxyaabo badan ayaa saamayn ku leh kacsiga sida stress-ka maalin laha ah, isbedellada hormoonada iyo da’da. Si kastaba ha ahaatee qofku wuu xoojin karaa rabitaankiisa galmada xittaa isagoo waayeel ah.

Haddii aad jeceshahay inaad rabitaankaaga galmada aad sare uga qaado sida hadda uu yahay waxaa jira habab fudud oo aad ku kobcin karto kacsigaaga. Si akhri si aad u barato hababka loo xoojiyo rabitaanka kulanka sariirta.

Maaree walwalkaaga:

Way adag tahay qofka inuu kacsado isagoo walwalsan. Sida ay xaqjiyeen cilmibaarisyo la sameeyay walwalku waxa uu keena hoos u dhaca rabitaanka kulanka sariirta. Cilladaha isku-buuqsanaanta way noocyo badan yihiin siyaabo kala duwan ayayna dadka u saameeyaan. Haddii aad isku buuqsan tahay ama aad ka walwalsan tahay galmada, waxay si daciifinaysaa kacsigaaga.

Akhriso sida loo mareeyo walwalka

Iska Daawee niyad jabka:

Niyad jabka waxaa loola jeedaa, markay jirto xaalad dareen ah oo uu qofku muddo dheer dareemayo dhib iyo ciriri nafsi ah, noloshuna ay u muuqato mid aan iftiin lahayn. Marka qofka uu hayo niyad jab, haba yaraadee ma jiraan wax uu dareen wanaagsan oo farxad geliya uu ka helayo. Niyab jabku wuxuu saamayn xun ku yeelan karaa kacsiga, in badanoo ka mid ah dadka niyad jabku uu hayo waxay ka sheegtaan kacsi yari. Kadib marka niyad jabka la daaweeyo, doonista iyo awooda galmada way hagaagaan.

Akhriso: niyad jabka iyo daaweyntiisa

Seexo hurdo wanaagsan:

Habeenkii oo aad hurdo fiican seexataa waxay fure u tahay inaad maalintaadu ay wanaagsanaato. Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la’aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii dhan shaqo ku jireen. Dhafarka wuxuu yareeyaa hammiga kacsiga qofka, waxaa la arkaa dadka dhafra inay ka hami yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii Hurdo la’aantu waxay keentaa dhibaatooyin badan oo caafimaad sida kacsi yari iyo cillado galmo.

Tijaabi dhirta dabiiciga ah:

Waxaa jira daawo dhireedyo kordhiya kacsiga kuwaas waxtarkooda lagu ogaaday cilmi baarisyo lagu sameeyay waxaan ka mid ah dhirtaas:

  • Maca: Kummaan sano ayay dadka u dhashay dalka Peru ay Geedkaan u isticmaaleeyeen daawo ahaan iyo cunno ahaan. Waxaa farmashiyeyaasha iyo dukaamada iibiya alaabaha dabiiciga ah laga helaa isagoo buddo ah oo cabbitaannada lagu dhex shiidan karo iyo isagoo kiniini u samaysan.
  • Ginseng: Daraasado badan oo lagu sameeyay geedka “ginseng” waxay muujiyeen inuu kordhiyo rabitaanka iyo awooda galmada. Nooc ka mid ka ah geedkaan oo ka baxa dalka Korea kaas oo loo yaqaanno “Korean red ginseng” ayaa la arkay inuu kobciyo rabitaanka galmada ee dumarka ku jira dhalmo dayska. Kala tasho dhakhatarkaaga ka hor inta aadan isticmaalin geedkaan maadaama uu hoos dhigo tayada dawooyinka aad qaadanayso.

Samee jimicsi joogto ah:

Qofka inuu jir ahaan firfircoonaado waxay sare u qaadaa doonistiisa kulanka sariirta. Waxaa la isku waafaqsan yahay in jimicsigu uu kordhiyo hammada. Waxaa jira siyaabo kala duwan oo jimicsigu u hagaajiyo kacsiga, waxaana ka mid ah, dhisidda kalsoonida, hagaajinta sawirka uu qofku naftiisa ka haysto, xoojinta caafimaadka wadnaha, waajinta niyadda, shaqada maskaxda iyo habdhiska qanjirrada iyo hormoonnada.

Cun cunnooyinka kordhiya kacsiga:

Cunooyinka u wanaagsan kacsiga waxaa ka mid ah:

  • Cunnooyinka qaniga ku ah macdanta zinc: macdanta waxaa laga helaa cunnooyinka badda sida kalluunka iyo lohodka, waxaa kaloo laga helaa digaagga, beerka, lawska, iyo caanaha. Cunnooyinka waxay nidaamiyaan hormoonka testosterone iyo awoodda galmada.
  • Cunnooyinka ay ku badan tahay maadada flavonoid: cunnooyinka waxay ka hortagaan cilladaha galmada, waxaana ka mid ah liin macaanta, liin bambeelmada, barbarooniga, caleemaha shaaha iyo geedka shukaalatada (cocoa).
  • Cunnooyinka kordhiya qulqulka dhiigga: cunnooyinkaan waxaa ka mid ah badarka iyo digirta.

Akhriso: Cunnooyinka ugu fiican ee lagu kobciyo rabitaanka galmada

ka fagoow cunnooyinka yareeya kacsiga:

  • cunnooyinka shiilan waxay keenaan in halbowlayaasha dhiiggu ay xirmaan iyo qulqulka dhiiggu uu yaraado.
  • Milixda badan waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga.
  • Burka cad iyo macmacaanka badan waxay hoos u dhigi karaan heerka hormoonka testosterone.

Si wada jir ah xiriirkiina uga shaqeeya:

Haddii lammaanahaaga aadan wax xiiso ah u qabin ama aad u aragto inuusan soo jiidasho lahayn way adag tahay inaad doonto in galmo aad la samayso. Tan waxaa lagu xallin karaa in si wadajir ah aad uga shaqaysan xiriirkiinna. Waxaad isku deyi kartaan inaad isla baxdaan habeenkii oo casho, sheeko iyo waqti fiican aad soo wada qaadataan, ama dalxiis aad u baxdaan. Markaad dareemayso inaad haysato jaceyl aad ku qanacsan tahay waxay u badan inuu kordho rabitaanka iyo xiiseynta galmada lammaanahaaga. Ilaahay wuxuu labada qof ee is qaba dhex dhigay kalgacal iyo jacayl, taasoo isu taggooda lagu xaqiijin karo waxyaabo badan oo ka qeyb qaato farxadda iyo raynraynta nolosha.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *