Xikmado Taabagal Ah

1. Aduunkan Qofna ma aha qof ceeb ka saliim ah, haddii aad qof kaga fogaato qalad uu sameeyay, waxaad weligaa keli ku ahaanaysaa dunidann. Wax yar xukmi, wax badan Jeclow

2. Jooji in aad ka murugooto kuwa wax ka sheega noloshaada! Had iyo jeer waxaa jiraya qof aan fikrad ka haysan dhibka aad u soo martay si aad u gaarto halka aad joogto maanta

3. Carabkaagu yuusan ka sheekeyn ceebaha dadka kale, adiga laftaada ceeb baad leedahay qof kastana carab buu leeyahay. Hadii ishaadu aragto ceebaha walaalkaa, ka qari kuna dheh: “Indhaheygow! Qof kasta indhuu leeyahay

4. Qofka ugu dambeeya ee Maskaxdaada ku jira marka aad seexanayso habeen kasta & qofka ugu horeeya aad ka fakirto marki aad toosto subixi waa sababta farxadaada ama murugadaada

5. Haddii ay tahay waqtiga ugu wanaagsanaa ama waqtiga ugu xumaa waa waqtiga keliya aad heysato, adigay ku jirtaa sidi aad ka dhigan lahayd waqtigaaga & sidi aad uga faa’iideysan lahayd

6. Fahmada way ka baaxad weyn tahay Aqoonta. Waxaa jira dad badan oo ku garanaya, laakiin in yar baa ku fahmi karta

7. Aduunka marka aad ka tagto waxa laguugu xusuusan doonaa wixi aad ka tagtay xumaan ama wanaag, Aakhiro marka aad tagto waxaa laguugu xisaabi doonaa wixi aad soo sameysay ee Camal xun ama camal wanaagsan. Doorashada adigaa leh inta aad nooshahay.

W/D: Farah Cawaash

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *