Xikmad Iyo Murti Jaceyl

xikmad iyo murti jaceylXikmad Iyo Murti Jaceyl

Boqolaal weji oo qurux badan waxaa ka fiican HAL qalbi oo daacad ah.

Haka Shallaynin inaad qof jeclaatay qofkaasna uu meel cido ah kaaga tagey ileen qofkaas wuxuu ku siiyay jaanis aad qof kuu qalma oo wanaagsan ku raadsato.

Haka shallaayin haddii aad qof daacad u noqotay xittaa haddii uusan u qalmin in daacad loo noqdo qofkaasi, dadka qaar waxay moodaan doqonimo inay kaa tahay daacnimada.

Ha siin wadnahaaga qof aan aqoon sida wax loo jeclaado.

Raali gelintu waa sifo dhif ah oo laga helo kuwa daacadda ah oo keliya.

Ha jeclaan qof aan Ilaahay SW jeclayn. Haddii ay ka fogaan karaan Ilaahay adna way kaa fogaan doonaan.

Haku khasaarin wakhtigaaga qof aan rabin inuu wakhtigiisa kula qaybsado.

Ma dhimaneysid haddii aad waydo qof aad jaceshahay Laakiin waxaad dhimaday marka aad waydo sharaftaada.

Ma jirto cid markasta Mashquul ah kaliya waxey ku xeran tahay Muhiimada Liiska aad qofkaasi ugu jirto.

Check Also

Xikmado Xaqiiq Ah

1. Qofna ma aha qof dhameystiran oo ceeb ka saliim ah Dunidan. Hadii aad kaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *