Xeelad Aad Caadooyinka Xun-Xun Iskaga Goyn Kartid Kuwo Wanaagsanna Ku Samaysan Karto Ramadaanka

Caadooyinka,ramadaankaHaddaanay dhammaantayo ba ahayn, in badan oo innaga mid ah waxaynu leennahay caadooyin xun-xun (Bad habits) oo wanaagga iyo horumarkaba innaga hor taagan. Qaybtood innaga uun baa og oo ay innagu kooban yihiin, qaarkood na waa nalala og yahay, mararka qaarna waaba nalugu xantaa yaynaan ogaan be’e. Caadooyinkaa aan wanaagsanayn ee samaha iyo sareedada innaga hortaagan waxa ka mida: beenta, ballan darrada, xanta, akhris la’aanta, wakhti dhuminta, isticmaalka muqadaraadka, jadwal la’aanta, adkaar la’aanta, salaad la’aanta, iwm. Dhammaan arrimahaa aan kor ku xusay iyo kuwa badan oo hadda xasuustayda  ka maqan ba, haddaad naftaada aqoon u ledahay, waxa laga yaabaa in  mid, labo ama kabadan ba ay dhib kugu hayaan, aadna jeclaan lahayd in aad iska goyso, baddelkoodana aad kuwo wanaagsan yeelato.

Culimada cilmu nafsigu waxay in badan isku hawleen wax ka ogaanshaha sida ay caadooyinka xun-xumi u samaysmaan iyo weliba sida la isaga goyn karo. Waxay kaloo wax badan ka qoreen sida uu qofku caado wanaagsan u yeelan karo. Haddaan is idhaahdo wax ka dheh sida caadaadku u samaysmaan, sida la isaga gooyo iyo sida kuwo cusub loo abuurto ba, malaa qormo kaliya kagama gayoon karo.  Waxaan se jeclahay in aan  idin la wadaago wax ka mida sida caadaadka xunxunna loo gooyo, kuwo wanaagsanna loo samaysto, bishan Ramadaanna ay ugu habboon tahay in looga faa’iidaysto. Culimadu waxay tilmaamaan in sida ugu wanaagsan ee caado xun loo goyn karaayi ay tahay in booskeeda la geliyo caado liddi ku ah midda xun. Aan si kale u idhaahdo, waxay leeyihiin qofku si uu u jaro caado xun, wuxu u baahan yahay in uu booskeeda geliyo mid kaloo wanaagsan. Tusaale, waxay leeyihiin qofka sigaarka cabba, mar kastoo uu u baahdo in uu sigaar cabbo, hadduu xabbad muusa/moos ah cuno ama uu xabbad xanjo ah afka geshado, in muddo ah na uu sidaa ku wado, isla jeerkaana uu naftiisa xakameeyo, waxay u badan tahay in uu sidaa kaga go’o caadadaa xun.

 Sidoo kale qofku marka uu rabo in uu caado cusub oo wanaagsan abuurto ama tii xumaydba uu mid wanaagsan ku baddelo, wuxu u baahan yahay in uu waxaa wanaagsan ee uu billaabayo dheefteeda sii suuraysto, dadabeedna uu u sii abuuro deegaankii uu ku bilaabi lahaa caadadaa wanaagsan. Marka uu bilaabana, wuxu u baahan yahay ugu yaraan in uu joogteeyo kow iyo labaatan maalmood (21 days).
Waxaan xasuusanayaa aniga iyo akhriska sidaan isku ahayn muddo hadda 5 sano  laga joogo. Kolkaan buug akhri is idhaahdaba waan lulmoon jiray. Ilaahay wuxu qaddaray in aan helo cid ka warramaysa sida loo samaysto caado cusub, waxyaalihii markaa laga hadlayay, waxa igula cuddoonaa kow iyo labaatankaa cisho ee joogtaynta ah. Eebbe mahaddiiye, kow iyo labaatan maalmood ka dib,  waxaan yeeshay caado wax akhris. Kow iyo labaatankaa maalmood ee uu qofku wax joogteeyo, waxay sababaysaa in uu qofku  falkaa qabatimo, dabadeedna isla falkaa uu ka  mid noqdo malaayiinka walxood ee ku kaydasan maskaxda qaybteeda hoose afka qalaad lagu yidhaa `Subconscious`. Waa maskaxda qaybteeda wax kaydisa ee aan  iyadu wacyiga lahayn. Waxa ku kaydsan  cado kasta  oo aad joogtaysatay, hadday tahay mid taban iyo hadday tahay tu togan ba.
Waxaana la yidhaahdaa 95% waxyaabaha uu qofku maalinkii sameeyo, waxay ka yimaaddaan qaybtaa hoose oo iyadaa si ootamaatik ah isu dirta. Waddo aad in muddo ah suuqa ku aadi jirtay, maalinkii dambe guriga intaad kasoo baxday, ma is tidhi suuqii aad oo isla waddadii masoo qaadatay. Dabadeedna adigoon suuqiiba gaadhin, laamigiina dhex socda, feker dheer ma gashay. Dadabadeedna wax yar ka dibna ma is aragtay adigoo suuqiiba soo gaadhay?  Maskaxdaada qaybteeda sare ee soo jeedda ayaad ku fekeraysay, qaybteeda hoose ee aan iyadu wacyiga lahaynna way ku wadday. Waayo waxay haysataa oo gudaheeda ku  kaydsan sawirka waddada aad muddada mari jirtay, dabadeedna wixii ku  borogaraamaysnaa uun bay yeeshay. Sidaasaa adigoo fekeraya aad misna u socotay, waddadiina aadan uga baydhin.

Conscious_sub-consciousHaddaba, kolka haddii aynnu ogaannay in qofku 21 maalmood uu ku baddeli karo caado xun ama uu mid wanaagsan ba ku samaysan karo, maxaa innoo diidaya in aynnu ka faa’iidaysanno fursaddan dahabiga ah ee aynaan ogayn in aan dib  dambe u heli doonno.   Bisha Ramadaan waa 29 ama 30 maalmoode, miyaanay ahayn in aynnu iska goynno caado xun oo aakhiradeenna iyo aadduunkeenna ba wanaagga innaga hor taagan, aadanuhuna innagu xantaan sida beenta, ballan darrada, xanta, muqadaraadka, salaad la’aanta, sadaqo la’aanta, iwm? Sidoo kale miyaanay ahayn in aynnu abuurranno caado wanaagsan oo aakhiradeena wanaajisa, adduunkeennana samo iyo sareedo inoo horseedda  sida: in aynnu billowna akhrinta wixii wax ina taraaya, maaraynta nolosheenna, af ku haynta adkaarta, billaabidda tukashada sunnooyinka nawaafisha ah, yeelashada xilli fekereed oo aynnu marna isku xisaabinno, marna ku qorsheenno nolosheenna iyo midda ehelkeennaba.? Allaylehe haa.

Haddaba, waxaad u baahan tahay in aad sii doorato:

(1) caadada xun ee aad doonayso in aad iska baddesho,

(2) midda wanaagsan ee rabto in aad ku baddesho,

(3) maalinta aad bilaabayso,

(4) in aad joogtayso ugu yaraan muddo 21 maalmood ah iyo

(5) in aad kasii baaraan degto wax alle iyo wixii kuu fududeenaya in yoolkaasi kuu suuro galo.

Haddaad doonayso in aad caado cusub oo wanaagsan abuuratana, waxaad u baahan tahay:

(1) in aad doorato caadada aad rabto in aad qabatinto,

(2) in aad joogtayso muddo 21 maalmood ah iyo

(3) in aad yeelato deegaan kuu fududayn kara in riyadaasi kuu rumowdo.

Qalinkii: Mubarak Hadi

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *