Waxyaabaha Sababa Shahwada Oo Dhiig Yeelata (Hematospermia) Iyo Sida Loola Tacaalo

shahwada oo dhiig yeelata, shahwada dhiiga,

Shahwada oo yeelata dhiig waxay ragga galisaa cabsi iyo walwal. Balse nasiib wanaag maahan shay keeni kara khatar caafimaad oo aad u wayn.

Ragga kayar 40 sano oo aan lahayn wax calaamado ah ama aan isku arag waxyaalo kale oo cabsi galiya hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato maahan inay cabsadaan ama wal walaan, waayo xaaladani kuma ahan khatar caafimaadkooda wayna iska dhamaataa ayadoo aan la dawayn.

Balse ragga da doodu ka wayntahay 40ka sano hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato waxay u baahanyihiin inay baaritaan caafimaad oo degdeg ah sameeyaan. Tusaale ahaan hadii aad isku aragtid qodobada soo socda waxaad u baahantahay inaad dhakhtar kala tashatid xaaladaada,

  • Hadii dhawr jeer ay shahwadaadu dhiig yeelatay
  • Hadii aad calaamado kale isku aragtay markaad kaadinaysid ama aad biya baxaysid
  • Hadii aad qabtid cudurka kansarka iskuna aragtid dhiig la socda shahwadaada.

Maxaa sabbaba in shahwada raggu dhiig yeelato?

  • Infekshan iyo caabuq
  • Cudurada lagu kala qaado galmada
  • Dhaawac soo gaara xubinta taranka ragga ama tuubooyinka soo qaada shahwada
  • Tuubooyinka soo qaada manida oo xirma
  • Kansarka ku dhaca qanjirka borosteyt-ka

Calaamadaha shahwada oo dhiig yeelata:

  • Kaadida oo ku gubaysa xanuun darana yeelata
  • Kaadi haysta oo aan marnaba maranayn
  • Kaadi haysta oo xanuunta Marwalba oo kaadi soo gashabab
  • Biya baxa oo xanuun yeesha
  • Xubinta taranka ragga oo barrarta
  • Qandho, cadaadiska dhiiga oo kaca iyo wadne garaacis,

Talo:

Hadii aad ka yartahay 40 Sano manidaadana aad dhiig ku aragtid badanaa uma baahnid inaad dhakhtar u tagtid hadiiba;

  • Aadan Isku arag calaamado kale
  • Aad samaysay baaritaan ama qaliin la xiriira qanjirka borosteyt-ka kaasoo kuu cadeeyay in qanjirku xoogaa yar dhiig ah soo daynayo
  • Hadii dhiiga la socda shahwadaada uu yahay mid yar kaasoo aan ahayn wax la arkayo waqti walba

Hadii da daadu ka wayntahay 40 sano dhiigna aad ku aragtid manidaada waxaad u baahantahay inaad dhakhtar la tashatid;

  • Hadii dhiigu uu kaadidada la socday waqti badan ama isbuucyo
  • Hadii dhacdadu marar badan soo laa laabatay
  • Hadii aad isku aragtay calaamado kale sida, kaadida oo xanuun ah
  • Hadii aad qabtid kansar ama cudurada galmada la iskugu gudbiyo

Akhriso: Aqoon Badan Uyeelo Cudurada Galmada Lagu Kala Qaado (STDs)

Akhriso: Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Badiya Shahwada Ragga

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *