Waxyaabaha horseedi kara in ilmahaagu guul ka gaadho tacliinta?

Waalid weliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta.

Mar kasta oo ilmuhu guul ka gaadho waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan lasoo koobi karin. Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan.Waa mid u baahan iskaashi dhexmara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto. Haddii xidhiidhkaasi noqdo mid joogto ah oo wakhti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmaha laga gaadho guul wayn .

Haddiise xidhiidhkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata dhamaan dhinacyada aan kor ku soo sheegnay. Ilmaha waxbaranayaa waxaa uu aad ugu baahan yahay Caawimada joogtada ah iyo dhiiri gelinta uu ka helo waalidkiis. Ardaygu kolkii uu taas helo waxaa uu dareemayaa inuu hayo howl waxtar leh oo anfaceysa naftiisa, waalidkiis iyo wadankiisaba.

Haddaba sidee ayuu waalidku u kobcin karaa ilmihiisa si uu tacliinta guul uga gaadho?

Waxbadan ayaa waalidku qaban karaa
Ugu horeyn waa inaad waalid ahaan diyaar u tahay inaad tacliinta ilmahaaga wakhti gelisid. Waxyaabahan soo socda isku day inaad sameysid si ilamaagu horukac u sameeyo, niyad fiicana u helo.
Warayso ilamaaga: Markii ilmuhu guriga yimaado ee uu soo dhameeyo iskuulka, weydii kana warayso waxyaalihii uu maanta kala soo kulmay dugsiga. Ilmaha yar-yari aad bey u jecel yihiin iney waalidkood u sheegaan iskuulku sida uu maalintaas ahaa iyo weliba waxyaalihii uu soo bartay. Daqiiqadahaas yar ee aad ilmahaaga dhegeysatey waxaa ay waallid ahaan kusiineysaa warbixin muhiim ah, ilmahana waxaa ay siineysaa kalsooni buuxda.
Ku barbaari ilmahaaga akhriska. Waa inaad ilamaha tustaa ugana sheekeysaa muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo. Haddii uu yahay gurigu meel wax lagu akhriyo, waxaa ilamaha u sahlanaaneysa inuu ku dhiirado wax akhriska. Ku barbaarinta ilamaha ee xagga akhriska waa inaad bilowdaa wakhti hore. Taas oo loola jeedo inta ilmuhu yar yahay. Waxa aad u muhiim ah in ilmaha la geeyo goobaha wax lagu akristo sida maktabada (libary) iwm.Ilmuhu kolkay aad u yar-yar yihiin ee aaney weli akhriska baran waxaa aad muhiim u ah in buugaag loo akhriyo. Taasi waxay kobcineysaa maxkaxda ilamaha.
Daawashada tv-ga iyo ciyaaraha computerka
Waxa aad iyo aad u haboon in ilmaha loo qorsheeyo daawashada Tv-ga iyo ciyaaraha komputerka. Haddii ilmuhu uu aad u badsado labadaan arrimood ee aan soo sheegnay waxaa uu ilmuhu aad uga daalayaa xagga maskaxda.
Taas oo dhalisa in ilmuhu ka caajiso ku dadaalista tacliinta maadaama ay maskaxdiisii daalan tahay. Waxaa kaloo ay daawashada badan ee Tv-ga iyo ciyaaraha komputeradu dhaliyaan in ilmaha ay ku yaraadaan hal abuurka xagga maskaxda ah. Ilmuhu waxaa uu noqonayaa sidii mashiinka oo kale, mar walbana waxaa uu sugaa in la howl geliyo. Haddii uu waayo komputer ama tv-na waxaa uu markiiba u imanayaa waalidkiis isaga oo weydiinaaya: Hooyo/aabe maxaan qabtaa? Waxaa i haya caajis aad u badan iwm. Baaritaan cilmiyeed badan oo la sameeyey waxaa lagu ogaadey ilmaha uu ku yar yahay daawashada tv-ga iney maskaxdoodu aad u fir-fircoon tahay, ayna mar walba diyaar u tahay iney wax cusub abuurto.
Haddaba waxaa waalidka la gudboon iney ilmaha u qorsheeyaan daawashada tv-ga iyo ciyaarta komputerka.
Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah
Ilmuhu waa inuu leeyahay jedwal joogto ah oo uu raaco. Tusaale ahaan waa iney ilmaha u kala baxsan yihiin wakhtiga wax akhriska, wakhtiga ciyaarta, nasashada, wakhtiga cuntada iyo wakhtiga hurdada. Haddii uu jedwalku isku qasmo waxaa dhaceysa in ilmuhu jahawareero isla markaasna uu garan waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa. Si ilmuhu ula qabsado jedwalkan waxa uu u baahan yahay caawinaada aabaha iyo hooyada. Tusaale ahaan kolka ilmuhu sameynaayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa waxyaabaha u sahli kara inuu haowshiisa guto. Waa in ilmuhu haystaa qalmaan kala duwan, kuwa midabka leh iyo kuwa caadiga ahba, mastarada wax lagu cabiro, miis iyo kursi wanaagsan, nal ifiin fiican leh iwm. Meesha ilmhu wax ku baranayaa waa iney ahaataa meel degan oo aan qaylo lahayn. Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogaa kolkii uu howsha iskuulka sameynaayo ama waa inuu meeshaas ka ag dhow yahay.
Waa in dhamaan waxyaalaha ardayga khal-khalka gelin kara laga fogeeyaa goobta akhrisa. Waxyaalahaas waxaa ka mid ah Raadiayaha, Tv-ga, komputerka iyo wax kasta oo ilamaha mashquulin kara.Ugu dameynta kolkii uu ardaygu howsha iskuulka dhameeyo, waxaa haboon in waalidku eego buuga ilmaha si uu ula socdo meesha wax marayaan.
Xidhiidh la sameyso iskuulka

Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku xidhiidh joogto ah la yeesho iskuulka ilmuhu dhigto. Waa in waalidku tagaa iskuulka kolkii uu sanad dugsiyeedku bilaabmo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga. Taasi waxay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgeliyo iskuulka.
Macalimiintuna waxay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba meesha ay tacliinta ilmahaagu mareyso iyo waxyaabaha loo baahan yahay in ardayga laga Caawiyo. Waxaa haboon in waalidku ku biiro gudiyada kala duwan ee iskuulka. Haddii taasi aaney suurogal ahayn waxaa haboon in waalid kale oo soomaali ahi galo gudigaas si uu waalidiinta kale ee soomaaliyeed ula socodsiiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan.
Waxaa iyana muhiim ah in waalidku wiiggiiba halmar soo booqdo iskuulka ilmaha si uu indhihhiisa ugu soo arko siyaabaha kala duwan ee ilmaha wax loo baro.
Waxaa loo baahan yahay in waalidku macalimiinta u sheego fikirkiisa ku wajahan habsami u socodka tacliinta ilmaha. Weydii macalimiinta maalmaha la doonaayo in lasoo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray (Home work).

Waxaad kaloo weydiisaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Su?alaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan. Waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.

C/risaaq Maxamed Xuseen

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *