Waxtarka Sisinta (WAA DAWO QIIMO BADAN)

Sisinta waa miraha ugu qadiimsan ee saliidda laga dhaliyo oo uu bani aadamku bartay.Waxa ay ka bixi jirtay meelo badan oo dunida kamid ah muddo ka badan 5000 sano. Dalaggan waxa uu taariikh u leeyahay awooddiisa ah inuu ku koro dhul ay adagtahay inay ku baxaan miraha kale ee la beerto; waana dalag adag oo kaalmo badan uga baahneyn beeraleyda, kuna kori kara dhulka qallalan, kulul ee leh dhadada marka ay tagaan dabeylaha mansoonka, ama xataa marka uu xilliga roobka baaqdo ama roobab mahiigaan ah da’aan. Waana miraha ku kori kara lama degaannada. Sisinta waxaa loogu yeeraa miraha badbaadada.

Sisinta waa miro laga dhaliyo saliid taasoo inta badan xadaaradihi soo maray dunida siyaabo badan loogu tilmaamay, sida masaaridii hore oo u yaqiin sesemt, waxa ayna ka mid aheyd dawooyinka ay faraacinnadi u isticmaali jireen daweynta. Sidoo kale xadaaradihii Babiliyiinta iyo Hindida ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.

Nafaqadeeda:

Sisinta waxaa ku jira inta badan nafaqada uu ubaahanyahay bani aadamka ama guud ahaan noolaha, waxaa ku jira noocyada carbohydrates, proteins (gaar ahaan amino acids), dux ama fats, biyo, vitamin C, macdanta sida; Calcium, Iron, Magnesium, Phosphorus, Potassium, Sodium, Zinc.

Sisinta waxa ay leedahay saliidda ugu badan ee dhir laga dhaliyo. Waxa ayna ka mid tahay saliidaha ugu adkeysiga badan ee aan dhakhso hallaabin, waayo waxa ay leedahay xaddi aad usareeya oo antioxidants dabiici ah. Saliid macsarada sida saliidda gabal dayaha waxa ay qani ka tahay Omega 6 fatty acids. Sisinta waxaa kale oo ay qani ka tahay protein ka, iyadoo 25% miisaankeeda uu yahay borotiin. Murufka ka soo hara marka saliidda laga saaro ama soomaalidu utaqaan maankaal 35 ilaa 50% waxa uu ka koobanyahay borotiin, waxaa kale oo uu leeyahay waxtar carbohydrate iyo isagoo leh antioxidant biyaha ku milmi kara, kaasoo ka dhigaya inay muddo dheer aalli karto. Sidoo kale maankaalka waxa uu waxtar fiican uleeyahay quudinta xoolaha iyo digaagga.

Waxtarkeeda caafimaad:

Sisinta waxaa ku jira maaddada loo yaqaan phytosterols  oo la socota hoos udhigidda heerka dhiigga ee kolistaroolka. Waxayna qani ku tahay kaalsium, sidaa awgeed waxay ku habboontahay dadka qaba cudurrada lafaha ku dhaca sida: Osteoporosis. Nafaqada ku jirta sisinta waxa uu jirku nuugi ogyahay haddii la shiido ama la ridqo intaan la cunin. Sisinta waxaa lasheegay inay waxtar fiican u leedahay indhaha nafaqooyinka ku jira awgeed.

Waxaa jira qisooyin fara badan oo ka hadlaya sisinta iyo sidi dadyowgi hore ay ka aaminsanaayeen, tusaale ahaan, sida ay qortay Positive Health Magazine ; dumarka baabiliyiinti hore waxay cuni jireen isku dhis ka kooban malab iyo sisin si ay ugu da’ yaraadaan quruxdoodana usii joogto, halka ciidamadi Romanki hore ay cuni jireen isku jirtaas si ay uga helaan adkeysi jireed iyo tamar.

Maxaa loo adeegsadaa macsarada?

Cuntada:

Saliid macsarada waxaa ilaa waqti hore loo adeegsan jiray cuntada, waxayna leedahay caraf u gaara, waxaa loo adeegsan karaa karinta cuntada noocyadeeda kala duwan.

Dawo:

Xilliyada haweeneyda uu hayo xanuun la socda caadada saliid macsarada waxaa la mariyaa caloosha qeybteeda hoose si ay u khafiifiso xanuunka ka dhasha murqaha caloosha giigsanaantooda, waxaa kale oo uu aad u socodsiiyaa dhiigga caadada.

Maqaarka:

Macsarada waxa ay ka mid tahay maaddooyinka dabiiciga ah ee maqaarka siiya dhal dhalaal, waxaana la isticmaalaa marka maqaarka abaareysto ama jafaaf ku dhaco. Waxaa kale oo uu aad waxtar u leeyahay marka maqaarka xasaasiyad ama cuncun ku dhaco iyo qolofta dul fuusha xasaasiyadda kaddib.

Masaaj:

Macsarada waxaa loo isticmaalaa daliigga ama masaajka, waxa uuna dareen firfircooni geliyaa jirka, maqaarka wuu jilciyaa, jirkana waxa uu siinayaa dhal dhalaal aad u bilicsan.

Wadnaha:

Macsaradu waxa ay firfircooni gelisaa halbowlayaasha dhiigga taasoo keenta inay baa ba’aan kolistaroolka markaa isku uruursanaya gidaarka halbowlaha. Sidoo kale waxa ay kordhisaa nashaadka wareegga dhiigga.

Macsarada waxyaabaha lagu tilmaamay waxaa ka mid ah inay hoos u dhigto cadaadiska halbowlayaasha, sida lagu sheegay diraasad lagu sameeyay 336 qof oo cadaadiska halbowlayaashoodu kacsanaa.

Macsarada waxay qani ka tahay waxa loo yaqaan unsaturated fatty acids oo dowr weyn ka cayaarta faya qabka jirkeena, gaar ahaan wadnaha.

Waxtar kale:

Macsarada waxaa kaloo loo isticmaalaa in lagu socodsiiyo caloosha, iyadoo saxarada jilcisa. Sisinta waxaa lagu sheegay waxtar fara badan, kitaabka lagu magacaabo Almuctamad lil-adwiyah waxaa lagu sheegay in sisinta ay kordhiso dareenka kacsiga iyo manidaba, dhiigga caadadana si fiican u shubto, waxaa kale oo ay wax ka tartaa neef xiranka iyo xanuunka neefta.

Raganimada:

Ninka marka uu gaaro lixdameeyo sano waxaa hoos u dhacayo xaddiga hormuunka raganimada ee loo yaqaan testosterone ilaa bar inti uu sameyn jiray dhalinyaranimadiisi, sidaa awgeed qaar ka tirsan dhaqaatiirta sida Dr. Lily Kindeblan waxa ay leeyihiin ninka waxa uu weynayaa inta u dhexeysa 1-2% hormuunka testosterone wixi ka dambeeya sanadka 35 jirka, hoos udhacaasne waa wax caadi ah, laakin qeyb ka mid ah raga oo 10 ilaa 15% gaareyso heerka hormuunka waxa uu hoos udhacayaa heer ka sareeya sida dabiiciga ah, taasoo soo dedejineyso inay soo baxaan astaamo jinsiga ah ama galmada la xariira iyo kuwo aan jinsiga la xariirin wixi ka dambeeya da’da kontomeeyada ama lixdameeyada .

Hormuunka raganimada ee testosterone waxaa soo saara unugyada leydig cells oo ku dhex yaal xiniinyaha ragga , dabadeedna nudaha jirka ayuu galaa isagoo sameysta receptors, sidaa awgeed waxa uu saameyn ku leeyahay murqaha, lafaha, qanjidhada iyo habdhiska dareen wadka dhexe (Central Nervous System ).

Hoos udhaca ku yimaad testosterone waxa uu keeni karaa astaamo fara badan sida kuwan hoos ku qoran oo noqon kara calaamado digniin ah:

Daal jir iyo maskaxeed, Xasuusta oo qasanta, Hurdo la’aan, Tabar yari murqaha ah, Niyad jab, Lafaha oo tabar yareeya, Miisaanka oo kor u kaca, Rabitaanka galmada oo hoos u dhaca ama xubinta taranka raga oo kici weysa, iyo kuwo kale. Calaamadahan waxaa kaloo lagu arki arkaa cudurro kale.

Haddaba da’da keliya ma keento hoos udhaca hormuunka raganimada, balse waxaa jira sababo kale oo keena, waxaana ugu weyn cuntada uu qofka cunayo oo aan dheeli tirneyn, aalamiito la’aan, maandooriyaasha noocyadooda kala duwan iyo cadaadiska qofka ka soo wajaha shaqada.

Wax Malaga qaban karaa hoos udhaca hormuunka testosterone?

Talooyinka soo socda wax weyn ayay ka tari karaan:

1.     Qaadashada cunto isku dheeli tiran oo ay ku jirto dufan maalin kasta, tamarta guud ee maalinlahana ka ah 30%

2.     Cunidda cunno uu ku jiro zinc xaddi dhan 5 ilaa 15mg maalinti, waxa ay kaa caawineysaa inuu jirka sameeyo hormuunno isu dheeli tiran oo kugu habboon

3.     Sameynta alamiito ama jimicsi heer dhexe ugu yaraan 3 jeer usbuuci

4.     Sameynta galmo haddii aad xaas leedahay, waayo waxa uu jirka ku dhiiri gelinayaa soo saaridda hormuunka, sidaa awgeed waxaa habboon in qofka xaas leh uunan ka safrin ama haddii uu safrayo uu horay uwato si caafimaadkiisa u dheeli tirnaado.

5.     Ka fogaashaha carada badan iyo cadaadiska nafta

Waxaa jira dawooyin lagu daweeyo hoos udhaca dareenka galmada ama rabitaankeeda balse taasi waxay ku habboontahay in qofku la tashado dhaqtar ku shaqo leh arrintaa.

Haddaba isu soo wada duuboo sisinta ayaa laga heli karaa dhammaan waxyaabaha kor ku xusan ee jirka siinaya dheeli tirnaan xag nafaqo ah, waxayna xoojisaa dareenka galmada, waxaana mararka qaar lagu sheegaa inay ahaan jirtay waayihi hore dawada lagu xoojiyo galmada sida maanta dawada loo yaqaan fiyaagra.

Dadkeena soomaaliyeed waxaan talo ahaan u jeedi lahaa inay ka faa’iideystaan sisinta iyo wax kasta oo laga sameeyo, waayo waxaa layaab leh dad dalkooda lagu beero cunnooyinka ugu nafaqada badan dunida sida sisinta oo misna macluuli leyso sanad kasta. Sisinta nooc kasto oo loo sameeyaba nafaqada way ku jirtaa, ama saliid ka sameyso ama mac macaan ka dhigo ama cabitaan ka dhigo, balse markasta waa inaan niyadda ku haynaa sisinta ma lahan haraa nafci la’aan ah, xataa murufkeeda waa borotiin, marka waa inaan soomaaliyey dib isugu laabanaa oon dib u qaabeynaa cuntooyinka aan ka sameyn karno dalagga aan beerno, kuwaasoo si fudud aan ku lumino nafcigooda aqoon darri awgeed.

W/Q:  Dr. Abdulkadir Insi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *