Sababta Ay U Fiican Tahay In Lagu Quraaacdo Boorash Iyo Midhaha Chia Seeds Oo La Isku Daray

Dad badan ayaa quraacda ka taga iyagoo dareemaya in waqtigu uu ciriiri ku yahay ama aaminsanba in quraac la’aantu miisaanka ka yaraynayso, laakiin daraasadaha arrintan lagu sameeyey waxa ay isku raaceen in ay quraacdu qofka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo aad u badan.

Xeeldheerayaashu waxay isku waafaqeen in quraac la’aantu ay kordhiso buurnida maadaama ay sababayso in qofkuu cunno badan maalinta inta hartay.

Quraacdu waa cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii qofku uu ku howl geli lahaa, waxay qofka gelisaa tamar uu howlmaalmeedkiisa si wacan ugu guto. Noocyada quraacda la ammaano waxaa ugu horreeya boorashka iyo miraha chia seeds. Labadaan shay waxaa ka buuxo fiitamiinno, macdano iyo maadooyinka kale oo faa’ido u leh caafimaadka. Ma ahan keliya inay nafaqo badan yihiin, caafimaadkana uroon u yihiin balse waxay kaloo ku siinayaan tamar badan oo maalintii oo dhan kugu filan.

Boorashku wuxuu qani ku yahay maadada beta-glucan, oo ah faybar milma kaas oo leh faa’idooyin kala duwan. Wuxuu habeeyaa heerka sonkorta dhiigga, wuxuu hoos u dhigaa kolesteroolka xun, wuxuu kaloo kor u qaadaa caafimaadka wadnaha. Sidoo kale, waxaa boorashku ku badan barootiin iyo macaadin kala duwan.

Kaarbohaydareetka iyo barootiinka ka buuxa boorashka, waxay jirkaaga siinayaan tamar badan.

Boorashka oo la cunaa maalin kasta waxay kobcisaa dheefsiga cunnada (metabolism), waxayna dedejisaa miisaan dhimista. Nafaqooyinka ku jira boorashka ma ahan keliya inay dedejinayaan in jirku uu nafaqada ka nuugo cunnada balse waxay kaloo ka hortagaan in dufan iyo sun ay ku uruuraan jirka.

Dhinaca kale, miraha chia seeds waxaa ku badan saliidaha omega 3 iyo omega 6. Waxaa ku jira kalshiyaam ka badan midda ku jirta caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo caanaha. Waxay kobciyaan caafimaad wadnaha, waxay yareeyaan kolestaroolka dhibaatada leh, waxayna hodan ku yihiin waxa loo yaqaano “antioxidants” oo ah walxo jirka kala dagaallama wixii sun ku ah iyo lidka hurka (anti-inflamattory)

Miraha chia seeds waxaa ku badan barootiinka sidaas darteed waxay caawiyaan dhisidda murqaha. Mirahaani, waxay qani ku yihiin faybar oo ka hortaga dibirada iyo calool istaagga, xakameeyana cirweynida taas oo kaa ilaalinaysa inaad cunnada iska badiso.

Chia seeds waxay uroon yihiin dadka qaba xubno xanuunka loo yaqaanno “arthritis” sida roomatiisamka iyo riixa.

Sida quraac looga sameeyo boorash iyo miraha chia seeds:

Waxaa loo baahan yahay:

  • 1 koob oo boorash ah
  • Nus liitar biyo ah
  • 1 qaado oo qorfe budo ah
  • 2 qaado oo malab ah
  • Far iyo suul cusbo ah
  • 4 qaado miraha chia seeds

Biyaha ku shub digsi, ku dar qorfaha, ha isla karkaraan, marka ay karkaraan, dabka u gaabi oo ku dar boorashka, dabool oo sug muddo 5 daqiiqo ah.

Ku dar milixda iyo malabka, si wacanna u walaaq. Ku geddi baaquli, inta uu weli kulul yahayna ku dar miraha chia seeds.

Korka ka saaro khudaar macaan oo aad jeceshahay sida moos, farawle (strawberry), tufaax, iwm. Waa diyaar quraacdaadii tamarta badan ku siinaysay.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *