VIDEO: Sida Wajiga Looga Ilaaliyo Waxyeelada Qoraxda Iyo Qalaylka

Akhristayaasha qiimaha badan ee ku xiran daryeelmagazine.com waxaan idin la wadaagaynaa qeyb cusub oo ka mid ah baarnaamijkii aadka loogu riyaaqay ee Cooking With Hafsa.

Qeybtaan oo ka mid ah kuwii qurxinta iyo nafaqaynta jirka ee sida dabiiciga ah ayaa ku saabsan sida la iskugu qurxiyo bariis biyo budo ah oo wajiga la marsado iyo biyaha laga sameeyo ubaxa kuwaasoo ka hortaga waxyeelada qoraxda ee wajiga.

Faaidooyinka quruxda ee bariiska (Rice water)  waxaa ka mid ah:

  • waxa uu maqaarka jirka ka ilaaliyaa qalaylka
  • Waxaa uu jilciyaa maqaarka jirka
  • Waxaa ku jira vitamins minerals iyo antioxidants oo dhamaantood ka hortaga caabuqa maqaarka jirka

Daawo: Waxyaabo dabiici ah oo jirka lagu nafaqeeyo

Faaidooyinka biyaha ubaxa (Rose water):

  • waxay daaweeyaan finanka  wajiga (acne) iyo cambaarta (eczema)
  • waxay caawiyaan daawaynta nabraha iyo dhaawaacyada maqaarka jirka
  • waxay ka hortagaan calaamadaha gabowga ee maqaarka jirka
  • waxay u wanaagsanyihiin caafimaadka timaha.
  • waxay ka hortagaan oo ay daaweeyaan madowga fuula indhaha hoostooda (under eye dark circles).
  • waxay daaweeyaan oo ka hortagaan waxyeelada qoraxda ay  gaarsiiyo maqaarka jirka

Hadaba hoos ka daawo marwo Hafso oo ina baraysa sida ugu haboon ee la iskugu qurxiyo bariis iyo biyaha ubaxa

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *